BAAQ DHAMAAN SALAADIINTA, CUQAASHA, CULUMAAU DIINKA, WAXGARADKA BEELAHA KU WADA NOOL SOMALILAND. X

ANIGOO AH DR: ABDIRAHMAN OMER GEELJIRE KUNA HADLAYA MAGACA AQOON YAHANKA REER NUUR EE DEGAN WOQOOYIGA AMERICA WAXAN SALAAMAYAA DHAMAAN INTA WANAAGA JECEL, WAXANAN U MAHAD CELINAYAA DHAMAAN INTA KA DAMQATAY DILKII FOOSHA XUMAA EE KA DHACAY DEGAANKA SEEMAAL EE DEGMADA BAKI. DADKII XAQDARADA LAGU DILAYNA ILAAHAYNA NAXARIISTII JANO HA GEEYO, AAMIIN

WAXAN DHAMAAN TAAGEERAYNAA BAAQII KA SOO BAXAY SULDAANKA GUUD EE BEELWEYNTA REER NUUR SULDAAN SALEEBAAN CALI

WAXANAN UGU BAAQAYAA IN SALAADIINTA DEGAANADA DERISKA AAN NAHAY HAWSHAA GACAN KA GEYSTAAN SIDII LA NOO HOR KEENI LAHAA GACAN KU DHIIGLAYAASHII LA WADA GARANAYO MAGACOOGA OO SEDDEXAN.

HADDII AAN WAX KA XUSNO TAARIIKHDANA WAKHTIGII COLAADAHA SOKEEYE KA HOLCAYEEN DEGAANADAA ISAAQ CIDII KA NABAD KEENTAY IN AY AHAAYEEN SALAADIINTA SAMAROON, DHULBAHANTE, IYO WARSANGALI.

TAASOO AHAYD LEXO JECLO AY KA QABAAN DADKA IYO DEGAANKA LABADA ,

HADDABA TAARIIKHDU WAA MA GUURTEE MAANTA WAXAY KA YIDHAAHDAAN SALAADIINTA  ISAAQ WAA MID AAN WELI KA DHAXAL SUGEYNO.

MAAMULKA SIIRAANYA MID BAAN LEENAHAY , DEGAANKA DADKA DEGANI WAY KA WAR QABAAN HALKA AY ARINTU ISKA XIDHI LAADA,AY, DHAWR GOOR OO HORANA WEY KUU BAYAAMIYEEN CIDA XAAL ABUURKA AH,

HADDII AANAD WAX KA QABANA MIDHAHEEDA DEGDEG AYAAD U GURAN.

REER NUURA WAXAN LEEYAHAY HADDII NABADA LA DANEYN WAAYO ILAAH ADIGA DUSHA KAAMA SAARIN.

DR : ABDIRAHMAN OMER GEELJIRE

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player