Sheeko: Waayaha Ingiriiska.( Qaybta 1aad )

Hordhac.

Sheeko: Waayaha Ingiriiska.( Qaybta 1aad )

Magaalooyinka ku yaalla dalka Ingiriiska oo dhan waxa ku nool dad Somaliyeed oo tiro ahaan aan yarayn, waxase loo badan yahay magaalooyinka waaweyn sida;  London, Birmingham, Leicester,  Bristol, Cardiff, Manchester, Southampton, Liverpool  iyo magaalooyin kale. Sida qaalibka ahna dadku marka ay dalka Ingiriiska soo galaan waxa ay beegsadaan in ay magaalooyinkaa degaan. Si ay shaqo iyo camallo kale uga raadsadaan.

Badanaa dadka Somalida ah ee dalkan deggeni waxa ay ku yimaaddeen amma ay ku deggen yihiin hab qaxootinnimo amma laajinnimo. Inkasta oo ay immiga qaateen Pasport kii dalka oo ay waddaniyiin yihiin, haddana waxa loo tixgeliyaa in ay qaxooti yihiin.

Meel kasta oo aad magaalooyinkaa ka tagtana waxa aad arkaysaa, islaan, Oday  amma Dumar  iyo carruur, duqay amma dhallin yaro wada qoslaya amma mormaya, oo suuqyada taagan…..xataa saqda dhexe haddii aad baxdo waxad arkaysaa Somali meeraysanaysa. Marka aad u fiirsato hab dhaqanka Somalida ee noocan ahna waxa aad is odhanaysaa dadkani maxaa isku soo bixiyey, waxanad fahmaysaa in ay Somalidu iska wareeg jeceshahay, oo aanay jeclayn joogista gurya sida qowmiyadaha kale, waxana ku fara badan taag taagnida dariiqyada iyo kolba dukaan/Tukaan galka…ma shaqo la’aan u gaar ah ayaa haysa?  ayaad mararka qaar is weydiinaysaa….bal hadda sheekada sii akhri in aan isla fahamno sida ay wax u jiraan…….

Bilowgii dalka la soo galay.

Wakhtiyadii hore ee dalka lagu cusbaa haddii aan dib u jalleecno, waxa shacabku ahaa kuwo aad uga hadla, sidii ay sharci ku heli lahaayeen ee ay dabadeed u shaqaysan lahaayeen, waayo sharci la’aan lama shaqaysan karo. Balse waxa loo oggolaa in ay dugsiyo ( school-lo ) tagaan oo ay luqadda iyo xirfado uga bartaan si ay mustaqbalka ugu shaqaystaan. Carruuruhuna waaba khasab in ay dugsiyada aadaan. Gaar ahaan da’da ka yar 16 jir.

La qabsiga cimilada oo qabow, barafna uu Jiilaalka da’o ayaa iyana ahayd mid ay la yaabbanaayeen. Waxana dad badan dhibi jiray Heaters-ka aan caafimaadka badan lahay, ee dhaxanta la isaga ilaaliyo. Wakhtiyada qaboobahana waxa carruurta iyo dadka waaweyn ku badnaa hargabka iyo xanuunnada qabowga la socda ee nafsiyan la isaga daallan yahay, reer Yurubkuna u yaqaannaan (winter depression). Dadka qaarna waxaba ay wakhtiyadaa qabowga la il daran yihiin Asmo iyo juuc juuc kale.

Carruuruhu markiiba waxa ay la qabsadeen dhaqanka dhulka, waxana ay si dhakhsa ah u barteen Luqaddii Englishka, saaxiibbo ayey ku yeesheen dugsiyada. Laakiin waxa ay dhib kala kulmeen labada dhaqan ee ay ku kala nool yihiin…sida ka guriga iyo ka ay schoolka amma dibadda ku arkayaan. Waxana durba ay  illaabeen luqaddii guriga..oo gaa gaa loogu hadlayo. Mana xiiseeyaan sheekooyinka waalidkood iyo hab dhaqanka guriga. Waxa kale oo ay fahmi la’ yihiin waxa ka xaaraan ah cunno ahaan iyo si kaleba iyo waxa xalaal ah, oo ay waalidku aad uga hadlaan. Waayo, waxa dalka lagu cunaa hilbka doofaarka oo aanay muslimiintu cunin, laakiin meelkasta oo cunto lagu cuno amma lagu gado yaalla. Waxa kale oo la cunaa hilib kale oo aan lagu qalin dariiqadda Islaamka.

Waalidkiina waxa ay durba ku wareereen dhaga adayga carruurtu aanay waxba ka dhageysanayn iyo sida ay u dhaqmayaan carruurtu. Dirir iyo canaan mooyee wax u sheeg kale waa iska hadhay. Mana fahmayaan marxaladda dhaqan ee soo food saartay. Waxa kale oo noloshooda dhinac socday muran ay odaygii iyo islaantii isku soo ooteen gurigan aan iyaga iyo carruurta mooyee cid kale ku tarrixin,  waxa ay ku dhex mormaan carruurta hortooda ammaba way isku fara saaraanba.

Wakhigan hore waxa uu ahaa marxalad kala guur oo aanay xaaladda qoysasku dhinac u dhicin. Ragguna ay dagaalka kaga jiraan dhufayskii ugu dambeeyey. Dumarkuna ay barteen sida sharci ahaan loo muquuniyo ragga…saddexdii number ee xaaraanta ahaa ayeyna isku wada sheegeen. Oo haddii  odayga hadalku ka qalloocdo, waxa la wacayaa…Buluuglaha…waa sida ay in badani u taqaannee.

I bixyow i bixi ayey raggii taagan yihiin, oo sharci ay ku baxsadaanna ma jiro, badankoodiina waxa ay dibadda uga bexeen guryihii. Dumarkiina xilligan waxa ay tosheen darajooyin aanay weligood ku riyoon….sheekadoodiina faan faan iyo UK ayaan joogaa…ma aniga ayaaba cid i wareerisa u baahan iyo waxaasi ayey ku sheekeeyaan.

Laakiin qaarkood waa dulman yihiin, oo ninkii waxa ku dhacay habaar, waxana uu noqday ma shaqayste….dirir iyo cay uun la soo taagan amma ka dhammaan la’ meelaha lagu cuno qaadka. Islaantii iyo carruurtiina waa uu gabay, waxana ilaah is baday hooyadii reerka iyo carruurtii…wallaahi dhib ayey hooyooyinka qaar qabaan.

Xilligii dhexe:

Dhinaca labbiska iyo hab dhaqanka kale laftiisa waxa socda, arrimo aanay hore dadka Somalidu dhaqan u lahayn…tusaale ahaan, Dumarku waxa ay xidhan yihiin labbiska Jilbaabka la yidhaa, ee ka kooban maryaha madaw iyo shaadirka….qaarna waabay wada qafilan yihiin, oo wajigoodaba arki kari maysid. Waxana ay fiidkii iyaga oo sida kamaandooska u wada socda  aadaan (tagaan)  Masjidyada, oo ay ku soo tukadaan isla markaana ka bartaan qur’aanka iyo diinta. Sidoo kale waxa ay dumarkaasi wataan carruur yar yar oo da’doodu u dhaxayso 5 jir illaa iyo 15 jir. Oo iyagana Masaajidda lagu baro qur’aanka iyo farta Carabiga.

Ragguna waxa ay u kala qaybsan yihiin kuwo Masaajidda ku xidhan oo sheekadoodu ay u badan tahay wax ay ugu yeedhaan dhaqanka kharriban ee ay carruurtii ku korayso iyo dumarkan kibray

iyo kuwo Jaad cun ah oo shaqadooduba tahay muran iyo siyaasadda qabiilka oo ay ka sheekeeyaan. Mararka qaarkoodna waxaba mijlisyadaasi ka dhaca dagaal.

Dhallinta ragga ah iyo gabdhaha qaarna waxa ay dhex boodaan da’dooda dalka u dhashay…umana kala soocna madaw iyo caddaaan, oo suuqyada ayey wada loolaan. Laakiin waxa xusid mudan in ay jiraan tiro yar oo wax barata amma shaqaysata…..oo naftooda iyo ta waalidkoodba ku filan, kana farxiyey qof kasta oo la kulma.

Hantida dhinaceeda Somalidu ma fara madhna waxana ay leeyihiin Ganacsiyo aan badanayn oo Suuqyada magaalooyinkaasi qaarkood uga furan, waxana meheradaasi badankooda haya Islaamo waaweyn iyo wadaaddo da’ yar, oo aanad garanayn meel ay lacagta ka heleen.  Ganacsigoodana waxa ugu badan InterNet Shop, Xawaalado, Macmacaanlayaal iyo maqaaxiyo….waxa kale oo teel teel ku ah tukaannada cunnada iibiya ee loo yaqaan Booshariga ( Glossary).

Dalka Ingiriisku sida dalalka Yurubta Galbeed waa waddan noloshiisu ay ku salaysan tahay hanta-wadaag….oo haddii aad shaqaysana lacag badan ayaa lagaa jarayaa, haddii aanad shaqayna lacagta ka shaqeeyaa qaaato oo kale ayaad qaadanaysaa. Weliba waxa dheer lacag carruurta la isku siiyo oo iska wanaagsan, taasi oo ay dumarku jilbaha u aastaan maamulkeeda, waxana ay lacagtaa ka galaan waxa la yidhaa Hagbadda, oo haddii ay toban qof yihiin dadka ku wada jiraa…uu midkiiba markiisa la ruqayo xisaab wanaagsan.

Hagbaddaasi waxa ay dumarku ka caawiyaan dadkooda tabaalaysan ee Somaliya jooga sida waalidkood, walaalahood iyo asxaabta qaraabada ah amma macaariifta ah, waxa ay Somaliya kaga dhistaan guryo, guryaha ayey ku qurxistaan. Wakhtiyada qaarna waxa ay ku tagaan fasaxyo, oo sahay iyo nooli ayey u isticmaalaan…..hadda hagbaddu waa farsamee ogow.

Ragga badankoodu reeraha talo badan kuma laha, ka reerkiisa dhex joogaana carruurta oo uu baalka ku hayo mooyee, waxa talada iska leh….sheekhadda….oo  marka ay amar bixiso aan dabadeed la hadal. Ninka reerkuna  waxa uu ku khasban yahay in uu  amarka Islaanta fuliyo, xataa haddii ay tidhaa carruurta laa. Laakiin odaygu fikirkiisa iyo taladiisa uma madax-bannaana xilligan, xataa haddii uu shaqeeyo.  Waxa uu doonana ma samayn karo, oo xataa carruurta cashka kuma khasbi karo. Taasi oo ay ugu wacan tahay isaga oo ka cabsi qaba in isaga iyo carruurtu is waayaan sida niman badan ku dhacday…. ha yaabin akhristow….Haddii aad leedahay ’waar meeshu ragga ku dhib badanaa ’ amma aad been moodayso, waa sidaa xaqiiqadu….sii akhri weliba.

Nin baa maalin igu yidhi, ‘ Naxariis darrada dumarka waxa aad ka garataa labiskooda wada madaw iyo  sida ay ula dhaqmaan raggooda iyo carruurta.’ Ilaahow ha ku cadaabin…..laakiin marka ay dariiqa marayaan ee mid aad garanayso isa salaantaan, waxa aad moodaysaa ta ugu naxariista iyo wanaagga badan. Marka aad salaanta hore ka gudubtaan, ee aad reerkii waraysatana….inta ay afka gacanta geliso ayey kaaga bilaabaysaa…KII CARRUURTA DHALAY…EE AAN MACNAHA LAHAYNI WELI GURIGII AYUU NOO FADHIYAA…Carruurtiina qaylo ayuu igaga dilay. Haddii aan sida dumarka qayrkay ah dibadda u tuuri lahaa ayaa malaha ii dhaami lahayd.

Dhinaca kale waxa aad maqlaysaa amma arkaysaa, mu’minaad lagu nastay, oo odayga iyo ilmahaba ka hadh hadhay, oo aan reerkooda reer la mid ahi jirin. Waxase ay dumar badani marwada noocaasi ah u yaqaannaan addoon….ma tashato…iyo tii qalbiga laga xaday. Halka ninka reerkiisa ku fara adayga loo yaqaan mid ay islaantu ka adag tahay, oo aan talo iyo macno kale lahayn.

Dadka badankiisu waa caydh ku nool aan shaqo ka ag wareegin, wayse iska dhaqan yihiin oo naaskaa boqoradda ayey iska nuugaan ( waa sida ay Somalidu yidhaahdaane )….meeshu Afrika maaha, oo illayn waa meel habaysane…cardka Bank-giga ayaa qof walba jeebka dambe ugu jira, oo marka uu toban iyo labaatanba u baahdo waxa uu kala soo baxaa darbiga ugu dhow ee agtiisa ah….wax is baryaya iyo shaxaad waa iska hadhay. Inkastoo ay jiraan rag ay waxaasiba u gooyeen, oo marka uu mijiliska ka soo daalo….aan tobankaba hayn….ragga noocaasi ah baryadoodu waa MID MUUQATA ( baryo waayeel waa ag-jogsi)….Nin baahisiisa fahmana lama waayo….. Kolley ma waayeene farsama xumo ayaa haysa ayaa la yidhaa.

Wakhtiga immiga lagu jiro:

Carruurihii waaweynaade, waxana wakhtiyadan dambe, la isla waayey lacagtii carruurta ee ay dumarku boorsooyinka u tosheen, ee Hagbadda lagu ciyaari jiray…. waxa soo badanaya habraha fara madhnaan isa soo taagay. Suuqyadiina waxa ka soo yaraanaya buuqii iyo taag taagnidii ragga. Inkasta oo ay dhallinta da’da yar ee dugsiyada ka saaqidday ay meelaha qaar soo buuxinayaan, oo ay weliba la yimaaddaan dhaqanno aan hore uga dhex jirin Somalida. Dhanka kalena waxa jira in badan oo aan wakhtiba u hayn suuq wareeg iyo taag taagni dambe, waxana ay da’ yar badani tagaan dugsiyo sare, Jaamacado iyo shaqo.

La soco sheekada……..

Ahmedweli Goth

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player