Dood: Maqaal jawaab ahaa oo aan ka akhriyey shabakadda harowo.com ayaan la yaabay

?Dood Wadaag: Maqaal jawaab ahaa oo aan ka akhriyey shabakadda harowo.com ayaan la yaabay.

Maxamed Xirsi Bahal, oo aan sharaf iyo qaddarin u hayo, ayaanan isaga maqaalkiisa waxba ka sheegeyn, sida uu hadalka u dhigayna waa si miisaaman oo ninka wax fahmi karaa uu garan karo, laakiin aan ahayn mid loo tiriyo in uu Ugaaska diiddan yahay.

Aqoonta uu maqaalkiisa saarayna waa mid uu da’na tirsaday, aqoonina ay weheliso. Waxanan u arkaa in maqaalkaasi uu ahaa wax sheeg, taariikh iyo hoga-tusaale.

Ugaaska kuwa beel ahaan loo tirinayo ee taageeray, waxa aan ka sii jecelahay kuwa tolnimo ku taageeray ee diiday odayada beel ahaan uga soo horjeestay. Intaba waxa aan ka sii jecelahay beelaha kale ee reer Somaliland ee safka ugu jira soo dhaweynta Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble.

Waa marka horee ninka maqaalkan ( la soco mawduuca) qoray ma aqaan, markii aan raadiyeyna wax garta waan waayey. Laakiin maqaalka uu difaacayo ee uu qoray Maxamed Xirsi Bahal, ayaan is idhi malaha waa isku ood amma waa isku garab. Kaddibna waxa  aan jeclaystay in aan aniguna aragtidayda kaga jawaabo aniga oo aan badinayn, isla markaana aan ku talax tegeyn qoraaga maqaalkaasi jawaabta ah.

Ugu horreyn waxa aan la yaabay sida uu uga baqay wiilka Sigad la yidhaa, ee uu uga codsaday in aanu isagu kaftan dambe qorin……aniga ayaa kaftan lehe isagu si kale ayuu u dhigay qoraallada Sigad. Xataa waxa uu u qabtay 24 saac in uu shabakaddiisa kaga saaro wixii af –lagaada ah. In yar kaddibba waxa uu bilaabay wixii uu ka dardaarayey saaxiibkii Sigad.

Arrinta Ugaaska in uu ka hadlo ma diidin, inkasta oo aanan raacsanayn sida cunufka ah ee uu uga hadlay, waxana la qummanayd in uu ka fekero xajiimaha uu Ugaas Cabdirashid mar marinayaa aanay waxba ka tarayn dooddiisa uu kaga soo horjeedo in dib loo helo Boqortooyadii tolkii ku faanayey.

Welina ma fahmin isaga iyo dadka la fikirka ahi sida ay mar kaliya uga qaylyeen soo noqoshada Ugaaska Gadabuursiga. Waayo kuma qancin doodahooda:

  1. Ma arag Nin Ugaas ahaa oo la inqilaabay.
  2. Reer Ugaasnimada rabay oo awalba diiddanaa Ugaas Cabdirashidna ma maqlin mana arag.
  3. Doodda muuqata oo aan macquul ahayn iskana hor imanaysa ayaan iyana ku qanci waayey.
  4. Ma soo geli karo Borama iyo reer ayaa wata oo aan ahayn dood ay la yimaaddaan dad xil kas ahi. Ayaa ii cuntami weydey.
  5. Dhiig baa daadan ee beelaha kalow na soo kala gaadha ayaa iyana ahayd tu laga naxo.

Ta iga sii fajicisay ee maqaalkiisa uu ku soo qaatay, ee aan naftayda kula shawray, ayaa iyana ahayd siyaasadda uu ka dayey in uu Reer Nuurka qaybiyo oo uu ku hantaaqmo laf ka mid ah reer Nuur, laakiin waxa aan is idhi, malaha ma garanayo dhaqanka reer Nuurka….kaasi oo ah sida ay u neceb yihiin kala qaybinta. Waxana ay u arkaan ninka sheeg sheega lafahooda hoose in uu doonayo in ay awooddoodu qaybsanto.

Hore waxa aan u maqlay in fadhi ku dirirka qaar ku sheekaystaan in dadka Ugaaska ka soo horjeeda ay qaarkood ku mashquulsan yihiin kala qaybinta reer Nuurka, oo ay ku xod xotaan in ay dawladda mansab sare uga raadinayaan. Iyaga oo sheeganaya in ay dariiqii loo mari lahaana ay hayaan.

Anna waxan ka fekeri jiray, waar Madaxweyne amma Madaxweyne xigeenka soo socda miyaa mar loo ololeeyo mid ka mid ah amhinka ka soo jeeda dhar-dhaarka aan weli mansabkaa iman. Waayo marka qabiil ahaan loo fekero, waa maalintoodii….oo bahashu in ay wareegto ayey ku fiican tahay….illayn boqortooyo maahee!

Immigana sidaa waa la yeeli karaa, waana la yeeli doonaa…..arrintan Ugaaskuna noqon mayso mid murankeedu sii waaro. Dad badanina waxaba ay ammilayaan in inta aanu Ugaasku Hargeysa tegin ay muddakarka didsani soo noqdaan, oo shakhsiyaadka ay wataanna  ku soo daraan Jamhuurkan weli dikriyaya.

Haddii aan ku soo noqdo arrimihii uu qoraaga maqaalkaasi qoray, waxa iyana xusid mudan sida uu dib ugu noqday Taariikhdii Somaliland lagu aas aasay iyo doorkii ay ka soo qaateen Abdirahman Aw Cali iyo Daahir Rayaale. Sida uu wax uga sheegayna waxa ay la mid ahayd sida uu Sigadka quljeed.com qora  uga digayey….digniintaasi oo ahayd qaniinyada jiirka oo uu haddana afuufayey. Muslaxaadda uu Sigad ku beerlaxawsanayeyna waxa ay ahayd ta uu lahaa, immiga nin fiican ayuu noqday, oo sidii hore waa ka ilko qabaw yahay.

Maxamed Xirsi Bahal, oo aan sharaf iyo qiimo u hayo, ayaanan isaga maqaalkiisa waxba ka sheegeyn, sida uu hadalka u dhigayna waa si miisaaman oo ninka wax fahmi karaa uu garan karo, laakiin aan ahayn mid loo tiriyo in uu Ugaaska diiddan yahay.

Aqoonta uu maqaalkiisa saarayna waa mid uu da’na tirsaday, aqoonina ay weheliso. Waxanan u arkaa in maqaalkaasi uu ahaa wax sheeg, taariikh iyo hoga-tusaale.

Hase yeeshee, marka la arko maqaalkii oo qof aan fahmini uu hadalladii si kale u dhigay ayaan loo baahnayn in saaxiibkani kale uu ranji qalad ah mar mariyo maqaalkaa uu qoray Maxamed Xirsi Bahal.

Waa innoo doodda kale.

Ahmed Goth

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player