HOMELAND CARE FOUNDATION
HAYADA DARYEELKA DHULKA HOOYO
Contact: Abdirahman Ahmed Obsie
Obsie123@homelandcarefoundation.com WAR SAXAAFADEED
Dubai , UAE, 9/4/2011-Homeland Care Foundation(HCF) waa Hayad samafal ah oo aan dawli ahayn, ayna abuureen qurbajooga reer Somaliland ah.Hayadu waxay ka diiwaan gashantahay North America, UK iyo Somaliland.
Ujeedada hayadani waa in ay qaaraan u ururiso , Hal dollar oo kaliya , si loogu horumariyo dalka iyo nolosha mujtamacaba. HCF waxay kaashanaysaa haydaha dawlada,shirkadaha ganacsiga,hayadaha samaflaka ee caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahba.
Somaliland waxa la tacaalaysaa abaar mudo dheer soo jiitamaysay,mushkilado dabeeci ah,deganaasho la aan ka jirta wadamada dariska oo keenay qaxooti farabadan.
Abaarta oo kali ahi waxay sababtay burbur wayn oo xaga dhaqaalaha iyo mujtamacaba ah. Kumanaan qof ayaa guryahoodii ka qaxay, xoolihiina ka dhamaadeen, beerihiina ka ba’een. Waxa taas sii dheer Dalkeena oon ilaa hadda aan la aqoonsan ,una suura galiwayday inuu helo gargaar caalami ah oo uu wax ugu qabto dadka tabaalaysan. Dadkeena baahida haysa maaha mid la soo koobi karo,waa dhibaato wayn oo u baahan in wadajir lagu xaliyo.
Si taas looga baxo, ama looba yareeyo dhibaatada jirta, Homeland Care Foundation waxay dhaqaale u raadinaysaa iyo gargaarba dadkeena tabaalaysan iyadoo ka raadinaysa dadka reer Somaliland ee qurba joogta ah iyo cid kasta oo deeq bixisaba.Hayadani waxay hawshani kala shaqaynaysaa dadka indheergarad ka ah, culimada,ardayda, hayadaha dawlada iyo kuwa caalamiga ahba.Waxay si gaar ah uga codsanaysaa walaalaha qurba joogta ah inay u tafa xaytaan sidii hawshani ay u dhaqan gali lahayd.
Waxyaabaha marka ugu horaysa ay hayadu wax ka qabanayso wax ka mid ah, in la sameeyo meelo biyaha roobka lagu joojiya(biyo xireeno),ceelal iyo barkado la qodo. ,Waxa kale oo hayadu la tashan doontaa gobolka kasta ama degaankasta dadka ku nool si wax looga qabto kolba baahida degaankaasi ugu daran.
Hayada Homeland Care Foundation waxay ka codsanaysaa walaalaha reer Somaliland ee qurbaha degen ee shaqaystaa in mar kasta oo ay lacag u dirayaan ay raaciyaan lacag tabaruc ah oo ah Hal dollar boqlkiiba oo horumarka dalka ah .Waxa runtii qurbaha jooga boqolaal kun oo reer Somaliland ah oo lacago u dira eheladooda.Hal dollar oo aad dadkaaga iyo dalkaaga ugu deeqdaa waxba kaa dhimi mayso, nolosha dadkana wax wayn ayay ka qaban doontaa.
Homeland Care Foundation waxay ugu danbayn u mahadcelinaysa xawaaladaha Somaliland ka shaqeeya oo dhamaantood balanqaaday diyaarna u ah in ay soo gaadhsiiyaan qaaraankaasi sanduuqa Hayada Homeland Care Foundation ay ku leedahay Xawaalad kasta oo Somaliland uga shaqaysa si sharci ah.Qaabka lacagta loo soo gubinayo waxaad ka heli doontaan dhamaan xafiisyada xawaaladaha ee ku yaala daafaha dunida.
Contact info:Abdirahman Ahmed Obsie
Dubai,UAE.
Email
bsie123@homelandcarefoundation.com
Homeland Care Foundation Board of Directors.
















Posted in 





