Marka Hore waxan salaamayaa qof kasta oo akhriya qoraalkaygan, marka xiga waxaan salaamayaa umadda soomaaliyeed inta wanaagga jecel. marka labaad waxan rabaa inaan halkan salaan uga gudbiyo salaadiinta gadabuursi ee dhabta ah, waa kuwa midnimada iyo wanaaga ka taliye, waxanan u sheegi lahaa inay is karaameeyaan dhexdooda, arrimahan dhawaan ka dhex dhacay dhexdooda ee ku saabsanaa ugaaska, waxa haboon inay sida ugu dhakhso badan wada tashi iyo calool xaadhasho u sameeyaan, weliba gogoshu ka timaaddo dhinaca beesha ugaasku ka soo jeedo, wixii dhacayna raalli-galin iyo is cafin loo samayn lahaa,
wixii kale ee danta guud ah iyo nidaamkii ugaaska iyo xeerkii gadabuursi kala qoran lahaa iyo raggii ugaaska la shaqayn lahaa sidii loo samaysan lahaa looga ballami lahaa weliba arrintaasi xeerka samayntiisa aan lagu deg-degin, qaybsiga tirooyinkana si xalaala oo aan dulmi ku jirin loo qaybsado, dadka arrintaasi ka talin doonaana ay noqdaan dad aakhiradooda u cabsanaaya, oo culimo diineed u badan, majliska ugaaska ku xeersanaan doonaana ay dadkaas oo kale u bataan, lagana dhawro dad hunguri ku talis ah,
dadka kale waxa looga baahan yahay inay ixtiraam iyo addeecnimo la yimaaddaan, iyo sidii ay ugu samayn lahaayeen sanduuq dhaqaale sannadkiiba hal mar, marka intaa la helo iyo weliba xaruntii uu ka talin lahaa talisku, ma jig-jigaa ma boorama ma awbarre ma xeebta, waxa markaas ka dib aad iyo aad u suuro gal noqon-doonta in midnimada loo jeelay ama loo bohol-yoobay la gaadho. dadka dhallinyarada ah ee ku nool magaalada boorama iyo meelaha kale ee arrintan kala qaybsanaanta keentay waxan kula talin lahaa nabad-galyo iyo waxbarashadiina ayay dani idiinku jirtaa, siyaasiga iyo odayga dhaqanka ee qalloocan dhegihiina iyo maskaxdiina ayaanu idinka xumayn. markaad siyaasiga aragtaan waa maalintuu baahan yahay ee uu kursi doonayo maalintaas ayaa idiinku dambayn, ka dibna dantiisa ayuu raacaa, weliba siduu xaaraan guryo iyo hanti badan u samaysan lahaa ayuu ku mashquulaa, kamana fikiraan sidee ayaad dadkaagii ku soo doortay wax ugu qabataa. arrinta kale qalbiilka qadhaadhiisa bal ka fikir arrintan. markaad maqasho ( Habar-carfaan) (makaahiil) (maxaad-casse) miyaanay kala ahayn hooyadaa aabbahaa iyo ayaydaa? dadku sidaas ayuu isugu xidhan yahay.
intaas ayaan karayga baxay wa billaahi tawfiiq
By Abdirahman M. Barre
Dallas, Taxes
















Posted in 





