Ku: Suldaanada iyo Madaxdhaqameedka Bulshada Awdal/Salal

Ku:  Suldaanada iyo Madaxdhaqameedka Bulshada Awdal/Salal

Anaga oo ah dadka magacdoodu hoos ku qoran yihiin, iyo qaar badan oo aanaan magacdooda xusin sababo shaqadooda la xidhiidha awgeed, kana tirsan qurbajooga bulshada Awdal/Salal waxan baaqan hoos ku qoran u diraynaa Suldaanada iyo Madaxdhaqameedka Awdal/Salal:

In mudda ah ayaan la soconay dhaqdhaqaaqa iyo doodaha laxaadka leh ee ka dhex socoda madaxdhaqameedka iyo bulshada kuna saabsan arrinta Ugaaska. Haddaba iyada oo doodda iyo kala duwanaanta ra’yigu ay ka mid tahay hab dhaqanka dimoqraadiyadda, haddana waxa soo if baxaya in ay dooddu ka baxday xuduudkii ilbaxnimada, xishmada, xurmada iyo dhawrsanaanata ee lagu yaqaanay dadka walaalaha ah ee ku dhaqan galbdeeka Somaliland.

Haddaba iyada oo arrintaasi ay aad noo damaqday, kana warwarsan saamaynta ay ku yeelan karto xidhiidhka walaanimo ee ka dhexeeya bulshada, ayna dhaawac gaadhsiin karto himilada iyo qabka da’yarta soo kacaysa oo ay tusaale xun u noqon karto , waxan madaxdhaqameedka arrintan ka doodaya aan si sharaf leh uga codsanaynaa:

  1. In ay doodda xakameeyaan oo ku soo mayracaan dayrkii xishmada, ixtiraamka iyo dhawrsanaanta lahaa ee lagu yaqaanay bulshada galbeedka.
  2. In ay joojiyaan is-dhafoor taabashada iyo dhalliilaha aan loo meel dayeynin ee la iskala tayaaqsanaayo, la iskuguna gudbinayo warbaahinta.
  3. In codka hoos loo dhigo oo beel waliba dib isugu noqoto iyada oo la xeerinayo walaalnimada iyo wadadhalashada ka dhaxaysa bulshada, la isna dareensiinayo in aanu jirin qoys kaliya oo ka nabad gelaya ceebta iyo xumaanta ka dhalan karta sida hadda wax u socdaan.
  4. In xikmad iyo caqli toosan lagu hoggaamiyo bulshada wixii khilaaf jirana lagu xalliyo xeerbeegti iyo odaynimo, laguna dhammaysto arrimaha geed iyo guryo hoostood ee aan bacadka lagu wadhin talada tolka.

Ugu dambayn waxan idin xusuusinaynaa in bulshadu isku duubni iyo wada jir ay ku keentay waxyaabo badan oo maanta lagu faano sida Jaamacadaha, dugsiyada, cusbitaalada, dariiqyada iyo kuwa soo socda ee ay ka mid yihiin dekedaha.

Sidaa awgeed waxa xusuus mudan waxa aad wada jir iyo walaalnimo ku qabsan kartaan in ay ka badan tahay waxaad keli-keli iyo kala fogaansho ku qabsan kartaan.

Gabo-gabadii waxaan idiin haynaa xushmo iyo ixtiraam inta aad idinkuna bulshada ku waddaan xikmad aanad kobcinaysaan walaalnimada iyo wadajirka bulshada.

Waxan idinka codsanaynaa in aad baaqaasi naga aqbali doontaan, tawlfiiqduna waa ta Ilaahay ee Eebbe ha inoo dawga toosan ha inagu duwo.

Dadka baaqan soo gudbiyey oo aan inta halkan ku xusan ku koobnayan waxa ka mid ah:

1-Bashiir Sh. Cumar Good

2-Aadan Xasan Iimaan

3-Sheikh Cabdulqadir Xuseen Cige

4-Yusuf Cali Cilmi

5-Dr. Maxamed Nuuh Cali

6-Dr. Cabdishakur Sh. Cali Jowhar

7-Ibraahim Axmad Cabsiiye

8-Rashiid Cige Guuleed

9-Roda Ahmed Misaan

10-Khadra Mohamed Barkhadle

11-Maxamed Mahamoud Hammi

12-Mohamed Alabari

13-Cabdiraxmaan Cumar Sh. Ibrahim

14-Maxamuud Xasan Sacad (Saajin)

15-Axmad Cabdillaahi Rooble

16-Xaaji Cabdillaahi Cali Bahal

Source-Bashir Goth

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player