Kheyraadka Badeena ku jiraa Ku Filan Ummadeena Balse madaxdii JSL Ayaa Yidhi Ummada Haloo oodo Xeryo Qaxoonti Badu Anagaba Nama Kafeyso’e .

Kheyraadka Badeena ku jiraa Ku Filan Ummadeena Balse madaxdii JSL Ayaa Yidhi Ummada Haloo oodo Xeryo Qaxoonti Badu Anagaba Nama Kafeyso’e .

Waxaan salaamayaa ummada somaliyeed meel waloo ay joogto marka xigga waxaan Alleh ugga Baryayaa in uu naxariistiisa uu siiyo oo uu nabad uggu bedelo marxalka ay maanta ku sugan yiin.Amiin yaa Rabi.

Waxaan jeclay in aan shacbiyahow idinla wadaago arrin murugadeeda iyo fool xumadeeda leh oo ay ka masuul yiin hogaanada aynu doorano ee aynu xilka u igmano.Waxa dhawaan laga ooday xeryo Lughaya, dad caydhoobay oo baahi wax la’aaneed gaadhsiisay in ummada loogu baaqo in loo soo gurmado si looga kalmeeyo dhibkaa ku habsaday, dadkaasi waxa ay deegaan ahaan ka soo jeedaan Lughaya oo ah xeebta waqooyi Galbeed ee JSL, dadkaasi waxa hada la sheegayaa in ay tiradoodu tahay inta la sheegay ee la ogyahay 300 oo qof oo u badan maati. Guud ahaan ummada reer somaliland shacbiga dhibkaasi wuu wada sameeyey waanay wada haysataa baahidaa wax la’aaneed, bahidaa inteeda badana waxa sabab u ah oo abuura baahidaa ummada maamuladii iska danbeeyey ee xilka ummada hayey ilaa kan manta talada dalka haya ee xadirka ah.

Runtiina ummada waxa gaajada iyo jahligaba ugu wacan waa maamulka ay doortaan ee xilka qaran ay u igmadaan,waayo daacad kama aha xilka loo doortay. Alleheena weyn wuu u naxariistey ummadeena, waxa uu siiyey laba Badood,Bada Indian Ocean iyo tan cas, wadan ahaana waa dalka ugu xeebta dheer Africa. Balse waxa aynu nahay dad ka qatan kheyraadkaas,waxana marag ka ah arrintaa xaqiiqadeeda dhawaqyada iyo dhiilooyinka ka immanaya wadamadeena ee wax la’aaneed oo inta badan la gaadho marxalado dad iyo duunyaba la dabar go’o oo halkaa lagu naf waayo waxana u sababa maamulada isa soo daba taxnaa ee wax ma tarayaasha ahaa ee dantooda gaarka ahaa uun ku foognaa. Waxa kale oo hadaba la yaab leh sida kheyraadka badeena aduun waynuhu ugu soo jabay ee uu sida haqab la’aanta ah uu u guranayo isagoon cidna u soo maraynin ee xataa gaadiidka gashaaman ee quwadaha shisheeyahu ay u guranayaan, badhna ay madaxda dalkeenu u keentay ee ay jeebka ugu shubanayaan.

Waxa ayaan daro weyn ah maanta in xeebaheenii xeryo looga oodo muwaadiniintii degeneyd oo gaajo iyo darxumo ay la il-daranyiin.Waxa kale oo ayaan daro weyna in Madaxweynihii hore ee JSL mudane Dahir Riyaale Kahin uu bada soo gashaday dhowr markab oo ajaaniba oo kheyraadka bada gurta joogana duleedka Lughaya waa goobtaas ummadii u dhalatay ay gaajada xeryaha loogu ooday, miyaanay arrin fool xun oo ceebteeda iyo dulmigeeda wadata ahayn? Waxa is weydiin mudan ummadani miyaanay ahayn ummadii kheyraadkaa shakhsigu iska xalaashda lahaa ee ku suntanaa aanay ahayn? Miyaan la odhan Karin ummadu ma laha hogaan danaynaya oo dhibtooda arkaya. Ceebtaas iyo taariikh xumidaas waxa xanbaartay madax-weynihii hore ee Riyaale oo ka soo jeeda mushtamaca darxumada iyo dayaca looga ooday xeryaha halka uu isagu ka guranayo kheyraadkii ummadaa balse aan xabad kaluuni ka soo gaadhin dadkaas loogu qeyshay taageerada degdega ah.

Waxa kale oo ceebtaas iyo taariikh xumidaas la wadaaga maamulka maanta talada dalka haya ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Ahmed Siilaanyo, oo sida la wada ogg yahay isna soo galiyey bada maraakiib tiradooda lagu qiyaasay kuwo ka badan kuwii Madaxweyne Riyaale oo iyaguna ahuun kuwo si shakhsiyan ah u adeeganaya oon dan ka lahayn ummada kheyraadkan dul tuba nee ka gajeysan.

Dawlada uu Ahmed Maxamed Siilaanyo uu hogaanka hayo ayaa ah hogaanka maanta talada haya ee wakhtigan aynu joogno lagala hadli karo wixii jira ee dhiba sidaa daraadeed waxa aan kula talinayaa in ay xeebaheena cidlada ah ee aad moodo caro cadaw looga qaxay in uu ku abuurto mushtamaca balaadhan ee ku ururrsan dhulka aan qaarkood biyahaba aan lahayn,waa in loogu baaqoloona soo jeediyo Kheyraadka Bada ee ay ka soomanyiin, waa in ummada dhan ee bilaa camalka ah ee aan shaqada haysana shaqo looga abuuro Kheyraadka Badooda halkaana loogu sameeyo camal iyo nolol maalmeed ay ku noolaadaan kuna maamushaan qoysaskooda.Waynu wada ognahay in badeena ay joogaan marakiib badan oo si xaqdaro ah uga guranaya kheyraadkii bada oo oo ay gadhwadeeno ka yiin hogaanada aynu dooranaa balse aanay ku soo xaroon khasnada qaranka ee waa in la sharciyeeyaa oo ummadan loogu abuuraa shaqo dawladuna ay si xalaala ugu adeegtaa ummadeeda oo ay joojisaa kali noolaansha shakhsiyaadka hogaanka sare ee jsl loo igmadaa ay caadeysteen.

Ictiraafku waxa uu ku jiraa marka aad ummadaada ictiraafto dhibkooda iyo mushkiladaha ku gadaaman mudada dheer ee aad u naxariisato eenad ugu darin hadimo iyo mushkilad hor leh oo sii lafa jabisa markaad aragto dhibkaas ayaad arriki doontaa dhanka ictiraafku kaa xigo.

Note: Waxa Xaqiiqo ah in badeena ay joogaan marakiib si arxan daro ah uga gurata kheyraadka oo ay masuul ka yiin madaxda aynu dooranay taas oo sida la wada og yahay aan ummada baahan aan shilin kaga soo baydhin, balse ay shakhsiyaadkaa hogaanka sare sida madaxweynihii hore ee Riyale uu iskaga tagri falo isagoon marnaba xeerinaynin xeer iyo xaq toona.Dawlada hada joogtaana waxa ay keentay kuwo hor leh oo iyana si kali-cunimo iyo cadawtinimo ah u guranaya kheyraadkaa dadkii lahaa gaajadu xeryaha u ooday.

Maxamed Dahir Caynaanshe

Columbus Oh, Usa.

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player