Gartii Raydal Warsame, Go,aankii Maax Dugsiiye iyo Gumeystihii Ingiriis Ee Joogi Jirey Dhulkeena Hooyo.

Sidda aynu ka wadda warqabno waxa la soo wariyaa in cunista geedka qaadka ee Soomaalidu markii uggu horesyey ay bilaabeen qaar  ah culimmada Soomaali Galbeed oo u adeegsan  inay habeenkii ku soo jeedaan si ay u cibaadaystaan, markaas ka dib waxaa isticmaalkiisu u gudbey baabuur wadayaashii wadi jirey baabuurta xamuulka oo isaga kala gooshi jirey dalka Xabashida gaar ahaan degaanada Soomaalidu degto iyo, Wakhtigaas oo labada dhinacba ku sugnaayeen gacanta gumeystihii Ingiriis, Waxaana taariikhdu tilmaameysaa in dhinaca Somaliland ay bilawgii afartamaadkii cunista qaadka bilaabeen kooxo odayaal ah oo u adeegsan jirey inay ku sheekeystaan wakhtigooda firaaqada ah iyo markii ay shirayaan amma arrimo dhinaca dhaqanka la xidhiidha oo muhiim ah falanqeynayaan.

Maxmiyadii Ingiriiska ee ka talin jirtey Somaliland (Somaliland British Protectorate) waxa ay qaadka dhulka Somaliland ka mamnuucdey laba jeer oo ku beegneyd bartamihii afartamaadkii iyo bilowgii kontamaadkii waxaana ay soo rogtey xeerar isugu jira xadhig iyo ganaax lacageed oo laggu fullinayo shakhsiyaadka laggu qabto iyaga oo Waddanka Somaliland soo gelinaya qaad amma cunaya iyo waliba haddii lagu soo qabto iyaga ka ganacsanaya iibinta qaadka, sidaas oo ay tahay haddana Soomaalidu uma ay dhago nuglaan baaqaas ballaadhan ee  baxey Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland wuxuuna qaadku dhulka ku soo gelli jirey si dhuumasho ah iyada oo lagu keeni jirey Dameero, waxaana dhici jirtey in marka ay ilaalada Ingiriisku qaadka koontarabaanka ah qabtaan la geyn jirey magaalada Barbara halkaas oo badda bartankeeda lagu daadin jirey, markase qaadku soo gallo gudaha magaalooyinka waa weyn ee Saylac, Borama iyo Hargeysaba waxaa lagu gadi jirey goobo qarsooodi ah, inkasta oo sidaan horey u soo sheegney dadka cunaa aad u yaraayeen hadda dadkaasi waxey ay ku cuni jireen qaadka meelo u gaar ah oo aan inta badan la ogaan jirin.

Xaaji Raydal Warsame Geele  ka mid odayadii reer Awdal ee wakhtigaas caanka ahaa waxaana uu deganaa labada magaalo ee Saylac iyo Borama oo uu ku lahaa illo ganacsi oo buuran, waxa uu ahaa gabayaa aad u xikmad badan oo aftahanimadiisa iyo ilbaxnimadiisu ka muuqatey fagaarayaasha kaftanka iyo sheekada ay ku wadaagi jireen odayadii hore ee reer Awdal, wakhtigaas Ingiriisku qaadka ka mamnuucey waddanka  waxa dhacdey in maalin maalmaha ka mid ah Xaaji Raydal Warsame oo maraya barmataha magaalada Borama ay kulmeen odayaal ay kaftan wadaag ahaayeen kuwaasi oo rabey in sarajooga ay ku dhameystiraan sheeko u qabyo ahayd laakiin nin qaad sita oo qayilaad sugeyso kuma samo wacna sarajoog sheeko ee Xaaji Raydal Warsame markii ay Odayadii salaanta iska qaadeen cabaar yarna ay kaftameen ayuu dhaqaaq u holadey ka dibna jaaha iyo jidhka qeybtiisa hore ayuu sii jeediyey, markaas baa Caaqil Maax Dugsiiye oo ay saaxiibo ahayeen kana mid ahaa odayada ay wadda joogeen ee ay kaftamayeen isaga oo jecel in uu Raydal la sii joogo cimaamadii Xaaji Raydal garabka u sudhneyd badhna xusulka korkiisa ku hoose jirtey soo jiidey Maax Dugsiiye, dabadeedna waxaa dhulka ku dhacdey mijin jaada oo Xaaji Raydal sitey si uu galabtaas u cuno.

Arrintaasi markii ay dhacdey ayaa dadkii golaha suuqa joogey soo urureen dabadaadna Xaaji Raydal Warsame ayaa yidhi Car yaa qaadan? oo uu ulla jeedey waa ayo qofka raganimo muujinaya ee u badheedhaya xadhig iyo ganaax lacageed oo mijintaas dhulka taala qaadanaya? Xaaji Raydal Warsame wuu iska tagey ka dibna waxaa meeshii mijinta Jaadkii taaley yimmid ilaaladii magaalada ee booliska ahaa, waxey dadkii meesha joogey u sheegeen in mijintan jaadkii ka dhacdey Xaaji Raydal Warsame dabadeedna ciidamadii booliska ahaa waxey qaadeen mijintii jaadkii waxeyna geeyeen Saldhiga dhexe ee magaalada Borama oo ah kan immika jira ee dhakhtarka Borama ay jaarka yihiin.

Taliyihii Saldhiga joogey ayaa loo dhiibey mijintii jaadkii ee bartamaha suuqa Borama laga soo qaadey waxeyna u sheegeen in uu iska leeyahay mijintan jaadka Xaaji Raydal Warsame dabadeed taliyihii Ingiriis waxa uu Xaaji Raydal u gooyey Waaran yeedhitaan ah si uu u yimmaado Saldhiga oo arrintan la xidhiidha dacwadiisa loo dhageysto, Xaaji Raydal Warsame wuxuu yimmid Saldhigii booliska dabadeedna waxaa bilaamantey dhageysiga kiiskan Xaaji Raydal loogu yeedhey ee loo haysto.

Markii Xaaji Raydal Warsame lagu yidhi waxaas baa dhacey oo lagugu yeedhey wuxuu isku difaacey odhaah xikmad badan wadata oo aftahanimada ku dheehan ay tahay mid ka soo maaxdey maskax u dhalatey geesinimo taas oo aad jawaabteeda ka dheegan karto in dadka aadka u caqliga baddan ay isku noqan karaan Lawyer marka ay u baahdaan in arrin loo haysto iska difaacaan, Xaaji Raydal inta uu is dajiyey ayuu dabuub xikmadi ku ladhan tahay ku yidhi “Sir (mudane) bal waxaad weydiisaa booliskan kaa amar qaata ee amniga magaalada borama ilaaliya su,aasha ah mijintan jaadka ma gacanta Raydal baad ku soo qabateen mise dhul baad ka soo qaadeen? dabadeed taliyihii dacwada dhageysanayey ayaa amar ku siiyey in xafiiska ay ka baxaan dadka jooga oo dhan waxaan Xaaji Raydal Warsame ka ahayn, markii ay xafiiska isku soo hadheen taliyihii iyo Xaaji Raydal Warsame ayaa inta uu taliyihii qosol u dhacey Raydal Warsame ku yidhi Raydalow waad nagga badisee hoo mijintan jaadka, qaado oo ku mirqaan maalin dambase ha u noqon.

Wakhtigaas ay qisadaasi dhacdey wax yar ka dib ayaa waxaa magaalada Borama soo gaadhey Badhasaabkii Ingiriis ee Hargeysa fadhiyi jirey oo magiciisa la odhan jirey David Reas kaas oo rabey in uu magaalada Borama keeno wafti ballaadhan oo ka yimmid England kuwaasi oo booqasho ku marayey dhulka Somaliland, maalintii uu imanayey waftigaas magaalada Borama waxaa dadkii joogey isku diyaariyeen si heer sare ah, waxaana banaanka weyn ee u dhaw seeraha Borama laga dhisey taandhooyin waa weyn, fardo baddan ayaa waftiga lagaga hor tagey waxaa loo soo galbiyey si diiran dadkii hawshaas agaasinkeeda hormuudka ka ahaa waxaa ka mid ahaa Caaqil Maax Dugsiiye oo ka mid ahaa maddax dhaqameedkii reer Awdal ee ilaahey ku maneystey caqli wanaagsan, tallo toosan iyo maskax caafimaad qabta oo arrimaha dhaqanka la xidhiidha ugu shaqeysa si hufan oo haboon.

Waftigii markii ay soo gaadheen magaalada Borama waa loo ciyaarey, gabayo, geeraan iyo amaan intaba waa loo dhameystirey waxaana habeenimadii lagu hooyey taandhooyinkii loogu tallo galey kuwaasi oo garabkoodana laga dhisey aqal soomaali laba daryaale ah, waxa la tilmaamaa in aan wakhtigaas magaalada Borama aaney jirin warshad laydh oo magaalada shida laakiin waxaa jirey ileys bixiyaha loo yaqaano Maanshoo amma degaanada qaarkooda loogu yeedhi Tiriig, kaas baa la keeney oo la dhigey gudaha taandhooyinkii, odayadii uu Caaqil Maax Dugsiiye horkacey habeenkii waxey waftiga kula hoydeen halkaas hase yeeshee Caaqil Maax Dugsiiye oo ka mid ahaa Odayadii wakhtigaas qaadka cuni jirey maalintaas wuxuu haleel u waayey mijintii jaadka ahayd oo markii horeba uu hoosta uu ku sitey, waxaana dhacdey in markii la kala xeroodey Caaqil Maax Dugsiiye inta uu iska hoos fadhiistey Tiriigii shidmayey lugahana fidsadey ayuu mijintiisii jaadka ahayd la soo baxey waana iska mirqaamey si uu daalkii ka soo gaadhey dabaaldegii saaka iyo damaashaadkii maanta iskaga biiyo.

Taliyihii u sareeyey ilaalada waftiga ayaa amar ciidamadii booliska siiyey wuxuuna u sheegey in ay guud ahaan soo hubiyaan amaanku in uu sugan yahay banaanka iyo gudaha taandhooyinkaba dabadeedna ilaaladii ayaa soo galey taandhadii uu ku jirey Caaqil Maax Dugsiiye waxeyna arkeen Caaqilkii oo jaad cunaya ka dibn inta ay fajac iyo yaab amakaageen ayey u yeedheen taliyihii waxaana ay dul keeneen Maax Dugsiye, taliyuhu waa ninka haysta saldhiga booliska ee magaalada Borama aqoon gaara ayaana ka dhaxeysa isaga iyo Maax Dugsiiye oo Caaqil Maax Dugsiiye waa oday caan ah oo Ingiriiska laftiisa kala shaqeeya arrimaha la xidhiidha dhinaca amniga taas oo cuqaasha lagu siin jirey mushaaro lacageed.

Ninkii taliyiha ahaa muu odhan Caaqil Maax Dugsiiye qabtoo xidha ee wuxuu yidhi Maaxow horta ma ogsoon tahay in qaadku mamnuuc ka yahay dhulkan aad ku cuneyso? Caaqil Maax Dugsiiye oo aad u caqli badnaa wuxuu ku yidhi haa waan ogsoonahay oo waliba waxaan xog ogaal u ahayn in qofka lagu qabto isaga oo cunaya amma iibinaya uu muteysanayo xadhig iyo ganaax lacageed, dabadeed taliyihii ayaa Maax Dugsiiye ku celiyey haddiiba aad sidaa u garaneyso maxaa cunistiisa kuu geeyey? Caaqil Maax Dugsiiye waxa uu yidhi horta adigu waxaad cabtaa khamriga waxaanad aaminsan tahay in aanu wax dhibaato ah kuu keeneyn, marka aad cabeyso khamriga waa marka aad hawlahaaga shaqo ka nasaneyso waxaanad rumeysan tahay in marka aad cabto uu kugu dhalinayo dareen farxad leh, hadaba haddii aan anaguna dadka Soomaaliyeed nahay sidaas oo kale ayuu qaadku noo yahay oo wax dhib ah naguma hayo markaan shaqooyinkayaga ka nasaneyno amma aan sheekaysaneyno ayaan cunaa.

Taliyihii wuxuu aad ulla fajacey halka uu hadalka ka abaarey Caaqil Maax Dugsiiye wuxuuna ku celiyey hadalka oo uu yidhi hadaba Maaxow bahalkan dhib badan ayaa naga haysata ilaalintiisa iyo xakameyntiisa sidaas oo ay tahay baaqii aan soo saarney dadkii uma dhagalo nuglee maxaad tallo adigu soo jeedin lahayd? Caaqil Maax Dugsiiye oo maskaxdiisa caafimaadka qabta ee ilaahey ku maneystey iyo murtida wanaagsan ee lagu dhaley uga faa,iideynaya maddaxda maxmiyadii Ingiriiska wuxuu yidhi waxaan idiin hayaa tallo dhib yar oo aad u wanaagsan taas oo anagana faa,iido noo ah idinka dawlada ahna faa,iido weyn u ah.

Caaqil Maax Dugsiiye waxa uu yidhi maanta laga bilaabo qaadka waad fasaxeysaan oo waxaad sharciyada mamnuuceysa in uu dhulka Somaliland soo gallo waxaadna sameyneysaa xarumo lagu cashuuro sidda meelaha uu ka soo gallo ee Awbare iyo Wajaale, cashuurtaasi waa mid iniga faa,iido idiinku jirto anagana si xor ah ayaan ku cuneynaa oo xornimo aad wax ku cunto faa,iido ka weyn ma jirto, hadalkaas uu go,aamiyey Caaqil Maax Dugsiiye ayaa noqdey mid dhaxalgal ah oo u cuntamey madaxdii Ingiriiska ee halkaas joogtey waxaana markiiba ay billaabeen in qaadku si xor ah u soo galo dhulka Somaliland isla markaana lagu Cashuuro magaalooyinka uu ka soo gallo ee Awbare iyo Wajaale.

Fiiro Gaara: Waxaan u mahadcelinayaa sheekooyinkan odayadii iiga sheekeeyey oo ay ka mid yihiin Oday Maxamuud Cumar Miigane iyo Oday Xasan Cawaale Aw Ibraahim AUN.


Abdirisaaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player