Warbixinta wajigii kowaad ee Gurmadka Abaaraha oo caawaca lagu soo bandhigay Malaysia….

Warbixinta wajigii kowaad ee Gurmadka Abaaraha oo caawaca lagu soo bandhigay Malaysia….

Waxaa dhawanahaanba ka socday dalka Malaysia Gurmad ay sameynayaan Bahweynta soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia kaas oo loogu gurmadayo dadkeena dhibaateysan.

Waxaa caawa Qeybtii kowaad ee aruurinta Gargaarka loogu gurmadayo dadka walaalahyen ah ee ku nool Gudaha Soomaaliya, lagu soo afmeeray Magaaladda Kuala Lumpur ee Malaysia. Waxaa barnaamijka Daadihinayey ustaad Mascuud oo kamida Gudiga abaaraha.

Gudiga Gurmadka Abaaraha ee laga unkay dalkaan Malaysia , ayaa si mutadawacnimo ah isku xilqaamay una istaagay inay galiyaan waqtigooda qaaliga ah wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia si ay uga qeyb noqdaan dadaalada wax loogu aruurinayo dadka ku macluulsan dalkeena.

Gudiga oo ka dhashay, kana damqaday dhibaatada iyo macluusha hareysay Dalkii aanu ka soo jeednay ee Soomaaliya. Gudiga oo la unkay 23/7/2011 ayaa u istaagay sidii ugu yaraan ay uga qeyb qaadan lahaayeen Gurmadkaan caalamiga ah ee lagu taakuleynayo Dadkii ku waxyeeloobay abaarha iyo colaadaha.

Qeybta kowaad ee lasoo afmeeray maantay, waxay gogol xaar u aheed Wajiga labaad ee u aruurinta kaalmooyinka abaaraha  ee bilowga ah ee ka socda Dalka Malaysia.

Waxaa Golahii la isugu yimid ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga abaaraha Daahir Cismaan ,Asagoo aad u tilmaamay inay lama huraan tahay in howshaan lasii joogteeyo, oo aan meeshaaan lagu ekeyn. Sidoo kale waxaa meesha laga sheegay cadadka lacagtii lasoo aruuriyey, isla markaana ay qeybiyeen gudigu warqado ay ku qornaayeen lacagta soo gashay iyo meesha ay ka timid intaba, lacagta warqada ku qorneed oo cadadkeedu ahaa:29,166.70 Ringgit Malaysia una dhiganta US Doolar ahaan 9789.25.  waxaana cadadkaan meesha kaga dhawaaqay Cismaan sayid oo ka mid ahaa gudiga, wuxuuna sheegay ilaa hada inay soo dhacayaan lacago kale oo aan la dhihi Karin waa Wadartii guud, laakiin ay tahay midaan intii ugu horeysay ee soo xarootay.

Waxaa kaloo uu Gudiga uu sheegay in ay lacagtaan ku wareejin doonaan hayadda Muslim Africa oo gargaar qeybin ka wadda meelaha ay afeeyeen abaaruhu.  Waxaana si khidmo la’aan ah u xawileysa Xawaaladda Dahabshiil. In kastoo ay jireen xawaalado kale oo yiri diyaar aan idiin nahay in aan khidmo la’aan idin kugu dirno.

Gudigu waxaa halku dhig u ahaa “ Naftaada ka qaad, Naftaada u qaad” oo lagu macneeyo in ay tahay nafta dhimaneysa naf adiga kaa tirsan oo Jidhkaaga ah., waxa aad dhiibeysana ay badbaadin u tahay isla naftaada.

Waxaa kaloo meesha ka hadlay Aqooyahan, Adoyaal, arday isugu jiray Rag iyo Dumar. Hadii aan wax yar idinkaga tilmaano eraydii qaaliga ahaa ee golaha looga dhawaaqay:

Dr. Xasan Sheekh oo aad ula taliyey Dadkii kasoo qeyb galay barnaamijka ayaa tibaaxay “ in ay sabab utahay waxa socda oo macluul ah ama abaar ah waxa uu ugu yeeray Nidaam la’aanta ka jirta dalka ama qalaanqalka siyaasadeed”. hadii ay dowlad ama nidaam si sax ah u shaqeeyo dalka ka jiri lahaa dhibku heerkaan ma gaareen.

Sidoo kale waxaa erayo kooban oo wacdi iyo dardaaran ka jeediyey Barre Jaamacadeed ustaad Dr. Cabdisalaam, wuxuu sheegay in ay lama huraantahay sida maantay dadka ay u damqadeen oo ay usoo aruuriyeen deeqahaan, sidaas oo kale in loo ilaaliyo midnimada, iskaashiga, walaatinimada, isla markaasna ku dardaarmay afar qodob oo asaasi ama hadaf u ah qof kastoo mulim ah, kuwaas oo kala ahaa: Towxiidka, Midnimada Umadda, Taskiyada iyo tarbiyada saxda ah, camirida dhulka iyo hogaamintiisa, kuna soo xidhay inuu qofka u istaago Badbaadinta umadda. Sidoo kale waxaa kalimooyin kookooban la siiyey Gudoomiye kuxigeenka ururka ardayda soomaliyeed Xuseen yare, iyo xogeyta jaaliyada soomaliyeed yaasir baafo.

Sidoo kale waxaa meesha ka hadlay sheikh Fowsi oo sheegay in ay aad ugu mahadcelinayaan Gabdhaha soomaaliyeed ee waliba laf dhabarka u ahaan in ay suura gasho in lasoo aruuriyo lacagtaan. Wuxuu tilmaamay in ay u istaageen inay waqtigoodii u hureen qabsoomida wajiga kowaad ee barnaamijkaan.

Waxaa gabagabadii talooyin wax ku ool ah jeediyey qaar ka mida kasoo qeyb qaata yaashii meesha isugu yimid. Waxaana ugu muhiimsanaa talooyinkaas in la sii wado howshaan hadda bilowga ah, in maamul adag loo sameeyo soomaalida, in qabyaalada laga fogaado, in la isgarabsado, in laga shaqeeyo u midoobida walaaltinamada islaamiga ah. Waxaa sidoo kale loo mahadceliyey Gudigii isku xilqaamay Aruurinta Kaalmooyinkaan.

Si kastaba ha ahaatee ma aheyn howshaan midii ugu horeysay oo laga abaabulo Dalka Malaysia si loo taakuleeyo dadka ku dhibaateysan dalka soomaaliya, waxaa labo bil ka hor sidaan oo kale lacag xoogan iska aruuriyey isla soomaalida degan Malaysia kuna wareejiyey Xaafiiska WAMY ee soomaaliya, taas oo la gaarsiiyey qoysas ku dhibaateysnaa Magaalada muqdisho.

Source-Ali Axmed axmedcali1@gmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player