Boqor Buur Madow Ma beenaalaa? Ma Af-miinshaar yaqaanna sida wax loo dacaayadeeyabaa? Mise Wax buu Ogyahay?

?Faallo:Mashaariicda uu Madaxweyne Siilaanyo u Joogo China, Jidka laamayga ah ee tagaya Djabouti  lagana leexinayo Borama iyo Muranka Suldaannada Awdal

Boqor Buur Madow Ma beenaalaa? Ma Af-miinshaar  yaqaanna sida wax loo dacaayadeeyabaa? Mise Wax buu Ogyahay?

Intii muddo ahba waxa uu Buurmadaw, oo ay dadka qaar u yaqaannaan Buur Madow, uu bilaabay hadallo aflagaado ah, oo uu ku sadydhinayo Madaxweye Siilaanyo iyo Maamulkiisa, waxana uu aad iyo aad u dhalliilaa madaxda hawl wadeenka ka ah dawladda Siilaanyo oo aanu kala saarin. Laakiin la garanayo dadka uu tilmaamayo. Laakiin dawladdii hore ee Rayaale ma lahayn dhaqankan uu madaxda ku caayayo. Dawladdase waa dhalliili jiray.

Wararka laga soo sheegay Buur Madaw amma uu saxaafadda ka sii daayeyna waxa ugu dambeeyey warka ku saabsan booqashada ay Siilaanyo iyo wasiirro ka mid dawladdiisu ku tegeen China. Oo uu soo wariyey in Madaxweynaha iyo wafdigiisaba la luggooyey, laguna xidhay Maddaarka ay ka degeen dalka China.

Waxa kale oo mar hore laga maqlay isaga oo joogay Dubai hadallo sidaasi oo kale ah, oo uu ku beegay mar uu Madaxweyne Siilaanyo booqasho ku marayey UAE. Hadallada naxliga leh waxa ka mid ahaa……Madaxweyne Siilaanyo waa nin xanuun la liitaa gabowna u dheer yahay, oo aan talada dalka shaqo ku lahayn, waxana dalka ka taliya koox maafiya ah, oo aan lexejeclo ka qabin dalka Somaliland. Haddii laga qaban waayana aan dib loo maqlayn wax Somaliland la yidhaa. Mar la weydiiyey xidhiidhka uu Madaxweynaha la lahaana waxa uu ku jawaabay, ‘ Intii aan Hargeysa joogay Madaxweynaha waan la talin jiray, gellin hore iyo gellin dambana waan wada joogi jirray, laakiin taladaydii ilaah waxba kama tarin, waxana isku gudbay kooxda aan idiin sheegayo’.

Haddaba Buur Madow waa ayo waase shakhsiyad noocee ah.

Markii iigu horreysey ee aan la kulmo Buur Madaw waxa ay ahayd mar xaflad loo samaynayey Caleema saarkii Ugaaska Ciisaha, oo ka dhacday London . Waxana uu ka mid ahaa nin doorkii lagu casuumay madashaa, isla markaana ka hadlay.

Miiska uu fadhiyey ayaan dhinac ka fadhiyey, waxanan wadaageyney haasaawaha.  Kaddib markii ay xafladdii bilaabantayna waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadka hadalkiisa lala dhacay ee sida aftahamada leh uga hadlay madashii.

Buur Madaw waxa habeenkaa hadalkiisa ku badnayd faanka iyo in uu ka sheekeeyo shir uu kaga qayb galay Tripoli ( sida aan u malaynayo haddaanay magaalo kale ahayn),  oo loo qabtay boqorrada qowmiyadaha Afrika , shirkaasi oo uu Col. Qaddaafi u qabtay boqorrada dhaqanka ee Afrika . In uu ka qayb galay shirkaana waxa markhaati u ahaa billadda (sawirka Afriki ay ka muuqatay)  ee naaska u sudhnayd.

Waxan la yaabay sida uu u xafiday magacyada qallafsan ee ay kala wateen boqorro Afrikaan ah oo uu sheegay in uu la kulmay, isla markaana uu sheekadeeda ku dheeraaday. Waxana uu mar walba ka hadlayey in uu boqorradaasi barayey amma uga sheekaynayey dhaqanka iyo taariikhda Somalida iyo geeska Afrika. Laakiin marnaba kama maqlin Somaliland iyo wax la xidhiidha oo uu meel kaga sheekeeyey amma uu dad uga sheekeeyey.

Buur Madaw habeenkaa waxa uu ammaan iyo libin guddoonsiiyey madaxweynaha Djabouti oo aan u maleeyey in ay ka ahayd siyaasad xod xodasho oo u eg ta lagu maalo madaxda. Waxa uu qoorta u sudhayey in uu Ismail Omer suurta geliyey munaasabadda dhaqan ee Ciisuhu taariikhda u lahaa.  kaddibna waxa uu ammaanay dhaqanka soo jireenka ah ee Ciisaha, hase yeeshee ma soo qaadin taariikhda uu isagu ka soo jeedo iyo waxa ay isku yihiin amma dhaqanka beelaha kale ee Somaliland amma Somaliya. Mar ayaase uu carrabku ka xaday oo uu yidhi, dadka reer Galbeedku waa dad dhaqan soo jireen ah leh. Taasi oo aan u maleeyey in uu is raacinayo Ciisaha iyo Gadabuursiga.

Habeenkaasi ayaa iigu horreysey Magaciisa saxda ah Osman, muuqiisana habeenkaasi ayaa iigu horreysey. Oo muuq ahaan waa nin gaaban, xoog ah, ilka cad oo qosol macaan, gadhka waxa uu u xiirraa sida ay wadaaddada dame u yaqaannaan sunnaha. Codkiisu waa mid awran,  sheekadiisuna ay soo jiidasho leedahay. Waxa kale oo aan ka dareemayey in uu diinta wax badan ka yaqaan amma carabiga uu yaqaanno.

Sida la ii sheegay Buur Madaw waa nin isagu is caleema saaray, kuna badan in uu siyaasadda dhex cararo, had iyo jeerna ay marka hore isku dhacaan madaxda sarsare, gaar ahaan Madaxweynayaasha…taasina waxa uu u leeyahay taariikh. Sidaasi daraaddeed ayuu Madaxweyne Rayaale  mar xabsiga u dhigay.

Ka horna waxa uu u kala dab qaadi jiray Somaliland madaxdeeda iyo Puntland, oo la sheego in uu marar xallilay khilaafkooda. Mararna uu huriyey kacdoon siyaasadeed oo dhaliyey gacan ka hadal.

Buur Madaw ma laha ciidan, qabiilkiisuna ma taageeraan, hubna ma sito, ee waxa ciidan iyo hub u ah carrabkiisa, kaasi ayaanu meel kasta kaga soo dhalaalaa.

Maantana waxa uu carrabkiisii sida maskax geel kala baxda la dul taagan yahay Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxdiisa uu ku sheego Al-Qaida iyo wax  ma garatada.

Dawladda

Waxan haddaba is weydiiyey, ninka noocaasi ah ee hubkiisu yahay carrabkiisa, ee aan dawlado ku xidhnayn, joornaalna aan lahay. Sababta ay dawladdu uga cabaadday, ee af-hayeenkii qaranku ugu tiiq tiiqsaday wax ka sheeggiisa.

Sidoo kale waxa shaki i gelisay amma dadkaba gelisay, sida ay in badani u rumaysatay dacaayadda Buurmadaw amma ay saamayn ballaadhan ugu yeelatay saxaafadda.

Xilliyada qaar ayaan is weydiiyaa, waxa ka jira dhalliilaha uu Buurmadaw sheegayo…ee uu gaar ahaan ka sheegayo wasiirrada culayska ku leh dawladda. Waayo, Buurmadaw maaha oday waalan, ee waa nin u indho furan siyaasadda Somaliland iyo Somaliyaba. Fudaydna uma sheegi karo wararka noocaasi ah, haddii aanay wax weyn oo aynaan garanayni dabada ka riixayn.

Gaba gabo

Ugu danbayn waxa aan maqaalkan ku soo gaba gabaynayaa in ay saxaafaddu u heeliso runta oo ay Buurmadaw weydiiso meesha uu dhalliilayo iyo sida habboon in wax looga qabto. Iyo in ay shakhsiyaadka dawladda ku jira ee aan ku habboonayn shaqada loo dhiibay ay dawladdu dib u eegto, si ka ku habbooni u yimaaddo saaxadda maamul.

Ahmedweli Goth

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player