Baaq ku socda Dhamaan Bulsho Waynta Reer Faarax Nuur ee Dalka iyo Dibadadiisa.
Shir loo dhanyahay oo u qabsoomay Beesha Reer Faarax Nuur oo ay ka soo qayb galeen dhamaan aqoonyahanada, cuqaasha iyo dhaliyarada shirkaa oo socday 27/5/2011 ilaa 27/7/2011. Shirkaas oo ujeedadiisu ahad shir loogu Gogol xaadhayo shir wayne ay iskugu iman doonto bisha 30 October 2011, halkaas oo beeshu ku lafo guri doonto danaheeda dhaqan iyo ka siyaasadeed ee mustaqbal dhaw iyo fogba.
Shirkan oo ku socday kuna dhamaaday jawi fiican iyo is afgarad ayaa lagu dooratay gudi qaban qaabo oo ka kooban 15 xubnood iyo gudi latalin oo loo xil saaray hogaaminta shirwaynahaa iyo hor umarinta danaha beesha. Shirka waxaa laguqaban doonaa magaalo qalooc 30 octobar 2011, hadaba waxaa lagu wargalinayaa dhamaan bulsho weynta Reer Faarax Nuur ee dalka iyo dibadaba inay kasoo qayb galaan.
Magacyada gudida qaban qaabada
- Eng Maxamed Cali Riiraash (Gudoomiye)
- Xildhibaan Maxamed Xuseen Hoori (G/xigeen)
- Maxamed Xuseen Xasan (Xoghaye)
- Aaqil Daahir Xasan Xadi Xubin
- Aaqil Maxamuud Muxumed Sh/ismaaciil Xubin
- Aaqil Yuusuf C/laahi Cali Xubin
- Aaqil Aadan Cawaale Ismaaciil Xubin
- Aaqil Maxamuud Cabdi Xuseen Guudcade Xubin
- Aaqil Cumar Samriye Kaahin Xubin
10. Aadan Jaamac Cali Xubin
11. Xildhibaan Nuux cabdi Qaalib Xubin
12. Xildhibaan Mukhtar C/laahi Ducaale Xubin
13. Muuse Cabdi Xasan Xubin
14. Professor C/raxman Jamac Warfaa Xubin
15. Cabdi Xuseen Kaahiye Xubin
Lataliyayaasha Gudida Qabanqaabada
- General Maxamed Nuur Faahiye
- Xildhibaan C/raxmaan Awcumar Daahir
- Professor Maxamed Muuse Jibriil
- Professor Axmed Cige Riiraash
- Professor Axmed Nuux Caalin
- Professor Saleeban Xasan Nuur
- Professor Maxamuud Daahir Bule
- DR Maxamed Daa’uud Qawdhan
- DR jamac Maxamed Axmed
- Maxamed Nuur Giire
- Professor Faraxan Siciid Khaliif
- C/wahaab Cige Axamed
- Rashiid Cali Kaahiye
- Axmed C/laahi Fadan
- Daahir Muuse Waabari.
ALLAA MAHAD LEH
Reporter Idhanka staff
















Posted in 





