WAXA MAANTA lA DHAGAX DHIGAY XARUUNTA DARYEELKA AGOONTA EE SHEEQ C/CASIIS

WAA XARUUNTA DARYEELKA AGOONTA EE SHEEQ C/CASIIS

Waxaa Maanta oo taariikhdu tahay 30 june, 2011, la dhagax dhigay
Xarun cusub oo la magac baxday XARUUNTA DARYEELKA AGOONTA EE SHEEQ
C/CASIIS. Waxaana loogu magacdaray Sheikh Abdicasiis Sheekh Bashiir Oo
ay gacan ka xaqdaran ku dishay 2 sano kahor asagoo kasoo baxay
salaadda Taraawiixda ee bishii ramadaan, Degmada Yaaqshiid. Shiikha oo
ahaan jiray qof looga bartay garabqabashada dadka tabaaleysan, iyo u
gargaaridooda, si loosii wado kheyrkii uu jeclaay ayaa xaruntaan loo
furay.
Xaruntaan cusub waxay qeyb ka tahay mashaariic laga wado degmadda
Jawiil, taas oo loogu talagalay ka qeyb qaadashada Hormarinta iyo kor
uqaadista waxbarashada Agoonta iyo caruurta aanan helin daryeelkii ay
u baahnaayeen.
Waxaa ka soo qeyb galay Dagaxdhigga xarunta cusub, Maamulka Degmada
Jawiil, wax garad kala duwan, aqooyahan, culumo iyo qeybha kala duwan
degmadda. Gudoomiyaha Degmadda Cabdi Macalin Aadan oo fagaaraha
dhaxdhiga xarunta ka hadlay ayaa sheegay “Waxaan soo dhaweynayaa una
mahadcelinayaa dadka ka damqaday Agoonta ku dayacan degmadda iyo
caruurta aan helin daryeelkii loo baahnaa ee dagmadda ku nool..”
wuxuu hadalkiisa kusii daray Gudoomiyaha in ay soo dhaweynayaan cid
allaale iyo cidii ka qeyb qaadanaysa hormarinta Degmada iyo
adeegyadeeda guud. Degmada oo uu ku tilaamay in ay ku taal halbowlaha
isku xira goboladda dalka, loona baahan yahay in isbedel ay degmada ka
sameyso dhanka adeegyada dadweynaha iyo bilicda guud ee degmada.
Mashruucaan oo ka kooban labo qeybood oo kala ah dhimaha, qalabeynta
iyo daryeelka caruurta agoonta. Waxaa maalgalinaya labo ka midda qurbo
joogta degmada oo kala ah C/LAAHI  OSMAN AHMED IYO HABIIBA HASSAN
MURSAL. Sidoo kale waxay Labaduba ku noolyihiin Dalka Canadda
magaalada Edmonton AB.
Waxaa xusid mudan in labadooda ay ka damqadeen daryeel la’aanta
heysata agoonta degmadda ku nool, ayna go’aansadeen in ay wax ka
huraan maalkooda. Mar aan la xariiray C/laahi Osmaan waxaa uu noo
sheegay “In ay tahay bilow aan ugu talagalnay in aan wax ugu qabano
agoonta ku dayacan degmadda iyo guud ahaan Gobolka hiiraan.. waxaana
inoo xigi doona kfaalo aan siin doono 30 caruur ah oo aanu ku
bilaabeyno xarunta.. sidoo kale aan sii kobcin doono tiradda ardayda
agoonta ee xaruntu darlyeeli doonto marba sidii awoodu ay noqoto..
mustaqbalka Fogna aynu ka damacsanahay inuu mashrucaan daryeelka
agoonta oo xarun dhexe u noqdo gaar ahaan Gobolka Hiiiraan, guud
ahaana Goboladda dhexe..” C/laahi oo hadalkiisa ku dheeraaday ayaa
sheegay in ay iska kaashanayaan maalgalinta xarunta Jawiil asaga iyo
Xabiibo Xasan Mursal, wuxuuna sidoo kale soo dhaweynayaa cid kastoo ka
qeybqaadaneysa mashruucaan daryeelka agoonta.
Mashruucaan oo qeyb ka ah mashaariic horimarineed oo Degamda ka socda
oo ay u istaageen Jaaliyadda Degmadda Jawiil ee qurbo joogta. Sidoo
kale waxaa u mahadceliyey Gudoomiyaha Guud ee qurbo joogta Degmadda
Jawiil Dr. yahye oo ku amaanay una mahadceliyey cabdullaahi iyo
xabiibo sida joogtada ah ay markasta ooga damqadaan hormarin la’aanta
ka jirta Degmadda iyo sida muuqadda ay u horkacayaan mashaariicda
bilowga ah ee socota.
Isku soo wada duuboo mashruucaan oo qeyb ka ah mashaariic lagu wado in
Degmada lagu hormariyo ayaa sifiican looga soo dhaweeyey Degmadda
Jawiil.

Axmed Cali
Wariye Madax banaan
Axmedcali1@gmail.com
Degmadda Jawiil, Hiiraan

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player