Saddex Baa Xaqa Aastay, Oo Xabaasha Dulgeeyey, Ee Bal Aa Xeerka Hor Keeno Qaybtii II, aad.

Saddex Baa Xaqa Aastay, Oo Xabaasha Dulgeeyey, Ee Bal Aa Xeerka Hor Keeno Qaybtii II, aad.

Bahdu Way Kala Baaday, oo Ninba Meel U Baqool, oo Bariiskiisa U Doonay, Ee Bariido Wanaagsan.

Sidii aad horay ula socoteen, qaybtii koowaad ee maqaalkii hore, Xaakimka iyo Xeer-Ilaaliyuhu waxa ay go’aan ku gaadheen in ay la soo tashadaan qof sharci yaqaana, wayna u suurtagashay, wuxuuna kula soo taliyey, in marka hore warbixin dheeraada laga dhagaysto siyaasiyiinta, hadaba markii maxkamada la furay, waxa hadalkii bilaabay xaakimkii,  isaga oo la hadlaaya siyaasiyiintii wuxuuna yidhi.

Xaakimkii. Sida aad ku andacoonaysaan, waxaad noo sheegteen in aydaan waxba ka ogayn talada wadanka iyo xaalada beelihiinu meesha ay marayso, lakiin waxaan idiinka baahanahay si ay hawshu inoogu fududaato, in aad soo gudbisaan dhamaan wixii warbixin aad haysaan, hadii aad ku adkaysataan sida aad hada noo sheegteen, ay idiin horseedi doonto in xilka la idinka xayuubiyo, isla markaana la idin cinqaabo.
Qaylo iyo sawaxan ayaa markaliya cirka isku shareeray, ereyga ugu badan ee aan maqlaayeyna wuxuu ahaa Xil’aa,Xil’aa,Xil’aa,Xil’aa, is hiifis iyo is eedayn badan ka dib, xaakimkii ayaa dubaha miiska ku dhuftay, aamusnaan baa dhacday, hadalkana waxaa bilaabay siyaasiyiintii oo xaakimka u sheegay in ay kala yihiin labo qaybood, balse xaakimku isku qaldaayo, qayb ku dooday in la soo doortay ( Baarlamaanka iyo Guurtida ) iyo qayb ka socota xaga dawlada, ogaalshihii xaakimka kadib waxaa loo kala baxay labadaa qaybood, waxaan hadalkii qaatay qoladii ka socotay xaga dawlada waxayn yidhaahdeen.

Inamadii iskood Isku Soo Xilqaamay. xaakim sida aad la socoto, markii ay  dawladii Soomaaliya burburtay  waa la is dhex qaaday, oo dadkii lama kala garanayo, wixii ay ahaan jireen iyo waxii ay soo barteen midna, waxaana wadanka ka dhacay shaqo la’aan baahsan oo ilaa hada jirta, shaqada kaliya ee si fudud loo heli karaana waa saddex shaqo oo kala ah, Siyaasi, Suxufi iyo Suldaan, annaguna waxaan doorbidnay in aan noqo siyaasiyiin, anagoo sina isku soo xilqaanay markii Somalilad la dhisaayey, waanan ku guulaysanay, waanad ogtahay culayska ay leedahay marka aad ka shaqynayso wax aanad cilmi u soo baran, ama xitaa aanad sheeko ku maqal. ” Xaakimka ayaa hoosta ka yidhi waa run oo waatan anigaba i haysata, hadaa mushkila kabiir”.

Soomliduna waxay ku mahmaahdaa ( Nin Fadhiya Lagdini La Fudud ), waxa aad xaq iyo xaqdarro, sax iyo khalad kala garan kartaa, inta aad xilka dibada ka joogtid, ee aad bulshada ku dhex jirto, marse hadii aad xil qabato, iska-daa gobolo iyo dadwana’e, gurigaaga wixii ka dhacay ma ogaanaysid iyo jaarkaba, hadal iyo bulsho la waraysto ayay sheegayaane salaanta diinta muslinku jidaysay  ayaanad cid ku aaminayn oo aad la garab maraysaa inta aad la shaqayso mooyaane. miyir-qabna waxaa kuugu horaynaysa maalinta xilka lagaa qaado.
Sidaas oo ay tahay waxaanse aaminsanahay in aan nahay rag adkasi badan oo caqli badan, waayo anaga oo aan siyaasad waxba ka garanany ayaan ku shaqaynaa Afar dastuur iyo Saddex Xeer oo shirkii Burco lagu Sameeyey.

Xeer-Ilaaliyihii. Xeer-ilaaliyihii ayaa isaga oo aad u xanaaqsan beenta laga sheegayo dastuurka, cod aad u sareeyana ku hadlaayey, siyaasiyiintii ka codsaday in ay sharaxaad ka bixiyaan dastuuradan iyo saddexda xeer ee ay sheegayaan.

Inamadii iskood Isku Soo Xilqaamay. Xeer-Ilaaye waxay kala yihiin. Xafiisyada ay ka shaqeeyaan beelaha dhaxe, waxay ku shaqeeyaan dastuurkii SNM ta oo qalfoofka sare laga badalay, loona galiyey qalfoofkan loogu magacdaray Mujaahid, oo xataa u fasaxaaya in ay ka qayb gali karaan shirarka soomali wayn, siyaasiyiinta beeshooda ahna marka xilka ay xamar ka hayaan laga soo eryo, lagu soo dhaweeyo roog cas. ”

Xafiisyada ay ka shaqeeyaan beelaha galbeedkuna waxay ku shaqeeyaan kan danbe ee la qoray dhawaan, kaa soo xaaratinimaynaaya in soomaliba la soo hadal qaado, hadii ayna land-tu la socon.

Baarlamaankuna ay ku shaqeeyaan dastuurkii Ingriisku qoray, waxna ay ku qaybsadaan, kaa soo beesha dhaxe abaalmarin buuxda loo siiyey, kadib markii ay ka garab dagalameen askartii gumaysigii ingiriiska markii uu ingriisku ( Ingiriis Carro ) ahaa, mag-dhawna uu u siiyey beesha dhaxe, halka beelihii darifyada ee gumaysi diidka ahaa ee ay la dagaalamayeena  uu taagay gawaan cad.

Guurtiduna waxay isticmaalaan, Axdi-Qarameedkii oo hada oo xoog loo isticmaalo hal xeer oo qeexaaya, mudo kordhinta labada gole iyo dawlada, iyo dib u dhigista doorashooyinka.

Dadwaynaha iyo hobbolda cusub oo iyaguna isticmaala saddex dii xeer ee burco, oo mid ka mid ahi u fasaxaxyey in ay Burco iyo inta ay xukuntaa isticmaalaan lacagta shillin Soomaaliga ah, ka hor inta nin iyaga beeshooda ahi ku fadhiisanaayo kursiga madaxwaynaha, kalabaadna uu sheegayey in la xuso guulihii SNM-ta run iyo beenba.
iyo ka saddexaad oo sheegaayey in xafladaha Somalilad, marka ay hobaladu ka heesayaan, ” heestu wadani ha ahaato, jacayl ha ahaato, kuwii Mingiste loo qaaday ha ahaato, nooc walba ” la dhex dhigo Soomaliland. markii ay jawaabtii intaa ku dhaafeen ayagoo hadalkii sii watana waxay yidhaahdeen.

Dadku aad bay nooga cawdaan, anaguna dhib mooyee wax dheef ah kuma qabno, maalinta xilka laguu dhiibo qofka ugu horeeya ee aad is maan dhaaftaan waa xaaskaaga, waana in aad ka badishaa dhamaan agabka guriga yaala iyo in aad tagto London ” Xaakimkii ayaa hoosta ka yidhi, madaxwaynayaasha maraykanka ayaa marka la doorto taga london’e, oo isku soo garab sawira boqorada ingriiska’e, ayaguna ma waxay isku sawiraan gidaarka daarta BBC-da, anagaa yaab aragnay”. taasina waa kharash waxayna ku kalifaysaa in aad soo amaahato, amaahiba amaah ha kuu dhiibtee halkeed ka bixinaysaa ? waa in aanad cidna u aabo-yeelin, bad iyo dhul la iibiyey ayay ka hadlayaane, dadka hadii la iibinaayo oo xoogaa cadaan ahi kuugu jirto waad saxeexaysaa, mida kale sowkuwii ka qaylinaayey, markii aan ku talinay in saca-diin iyo ceebaad maal ahaan Jabuuti loogu dhiibo, si ay anagana nooga caawiso tiro koobka maraakibtan  ilaa hada kii loo fasaxay iyo kii aan u fasax haysan la kala garan laayahay.

Ayagoo halkaa maraya ayaa waxaa ku soo dhawaadaya maxmadii gaadhi hoon dheer afuufaayey, oo ahaa kuwii jaadka siday, xaakimkii ayaa dubihii degdeg miiska ugu dhuftay, oo sheegay in ay maxkamadu xidhantahay, si hal-haleelana u urursaday waraaqihiisii, asagoo noo sheegay in uu fariin noo soo diri doono marka danbe ee la isku imanayo iyo goorta ay noqon doonto

Eng: Ibraahim Suge Taraar

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player