Caqabadaha Hortaagan Cashuur Bixinta Somaliland By, Mohamed Ibrahim Yassin ( Olad

Maxay dadka Reer Somaliland cashuurta u bixin laay’iin? Waa maxay cilladaha hortaagan? Sideese looga gudbi karaa? Cashuurtuse waa maxay? Maxaa loo qaadaa, halkeese in lagu gufeeyo ay tahay? Sidee ayey dadka Soomaaliyeed cashuurtu ugu timid? Waa maxay raadka taariikheed ee ay maskaxdooda ku leedahay

Maxay dadka Reer Somaliland cashuurta u bixin laay’iin? Waa maxay cilladaha hortaagan? Sideese looga gudbi karaa? Cashuurtuse waa maxay? Maxaa loo qaadaa, halkeese in lagu gufeeyo ay tahay? Sidee ayey dadka Soomaaliyeed cashuurtu ugu timid? Waa maxay raadka taariikheed ee ay maskaxdooda ku leedahay?

Su’aalahaa waxa si qoto dheer uga jawaabaya, maqaalkan soo socda oo uu qoray: Mohamed Ibrahim Yassin (Olad)

Caqabadaha Hortaagan Cashuur Bixinta  Somaliland

Sida ku cad dareenka kasoo yeedhaya Wasiirka Wasaaradda Maliyadda, Md. Maxamed Xashi Cilmi waxa muuqata inaan dadku dakhliga soo gala, khaasatan kuwa jeebkoodu dheeryahay inaanay cashuuraha ku waajibtay ee dawladda bixinin. Waxaan doonayaa inaan halkan ku bayaamiyo sabaha iyo cilladaha hortaagan in la guto wajibkaa qaran iyo talo bixin ku saabsan sidii carqaladahaa looga gudbi lahaa.

Cashuurtu Waa Maxay?

Inta aynan u gelin cilladdaha iyo caqabadaha hortaagan in loo hagar baxo cashuur bixinta, waxaan qeexayaa iyada oo la wada garanayo cashuurtu waxay tahay iyo waxa loo qaado ee ku waajibiyey qofka muwaadinka ah:

Cashuurtu waa kharash ay dowladdu dul saarto, alaabta iyo hantidda ma guurtada ah , dakhliga soo gala qofka ama meherada. Cashuurta la dul saaro qofka ama shirkadaha iyo meheradaha bayacmushtarka ah waxaa la yidhaa, Cashuurta Tooska ah. Haddii cashuurto tahay mid la dulsaaro sicirka alaabta ama adeegga waxa loo yaqaan Cashuurta aan Tooska ahayn.

Sababta cashuurta loo qaadaa waa in dowladdu ku bixiso kharashkeeda; hadday tahay cafimaadka, waxbarashada, nabadgelyada , adeegyada iyo howlha guud.

Haddaynu si kale u nidhaahno, cashuurtu waa xadhiga qarannimada lagu xeero, ee isu xejiya jirtaankeeda.

Maxaa Cashuurta Loo Bixin Waayey?

Haddaynu sida aan hore u soo sheegnay aan u wada arkayno, maxaa loo bixin waayay ee looga doorbiday in lala leexdu?

Waxay jawaabta sua’aashu ka soo baxaysaa, marka aynu dib u raad raacno sida dadka Soomaaliyeed cashuurtu ugu timid, iyo tadawarkii ay qaadatay, laga soo bilaabo waqtigii istcmaarka ilaa maanta.

Eryga cashuuri dananka ay maskaxda qofka Soomaaliga ah ku leedahay waa: Baad, Gibir iyo xoolo laga qaadayo nin laga adag yahay. Intii ka horaysay 1960, waxa Ingriiska iyo Hawd iyo Reserve Area  la isku  deyay in cashuur iyo gibir lagu soo rogo dadka iyo xoolahooda. Dadka Rer Somaliland way diideen inay cashuur bixiyaan, waanay ka dagaalameen. Wax la soo qaadan karaa dilliinkii Capt Gibb lagu dilay Burao, Hargeysa iyo Bakayla Qaladka 1964, taas oo dhacday markii dadka lagu kordhiyay cashuur siyaado ah iyo dagaalkii ciidanka Ethiopia lagula dagaalamay tuulad

da Raamaale 1969. Cashuur qaaduhu ma ahayn cid ku abtirsata dhulka, dadkuna u arkayeen nasteex. Amarka cashuur bixintuna waxa uu ahaa mid dowlad isticmaar ah ka soo fulaya. Markii xorriyadda la qaatay arrintu way kasii dartay, waxa cir baxay musuqmaasaq iyo lunsiga hantidda shacabka iyo qaranka. Ninka furdadaha iyo dekedaha joogaa wuxuu u badheedhayay inuu ka dhigtu masuuliyadda uu hayo dukaan uu leeyahay. Madaxda aan damiirka lahayni ee raqiiska ahay waxay geyn jireen qofka ay u qaraabo kiilayaan meelaha cashuur ururinta, si uu uga urursado.

Intii  dowladdii diktaatoriga ee Siyad Barre, ciin bay daaqday. Cashuurta muwaadinka laga qaado inta jeebka lagu shubto mooyee, inta kale waxa loo isticmaali jiray in dadka shicibka ah lagu dilo, xidho, laguna cadaadiyo. Qofka cashuur bixiyaha ah, muu dareemin oo qudha in hantidda laga qaaday la lunsado, wuxuu arkay inay tahay sunta lagu dilo.

Markaynu ka bogano tariikhda cashuurta, maxaa u furan inuu sameeyo muwaadinka cashuur bixiyaha ahi? Waa inuu tab iyo xeel sameeyo si aan looga qaadin hantidaa aan ku soo noqonayn ee dilaysa. Waxa lala heshiiyay cashuur ururiyihii si loo kala qaybsado cashuurta hadday tahay alaab iyo hadday tahay adeeg. Maskaxda qofka laga rabo inuu cashuur bixiyaa waxaa si  qoto dheer ugu rakiban, in cashuurtu xaqlihiina ay ka baxayso, jeeb nin wax boobayana ay galayso. Waxa kale oo uu aaminsanyahay in hantida qaranku ay tahay baytumaal aan cidi lahayn oo qofka ka masuulka ahi ku muraadsado.

Sidee Lagaga Bixi Karaa?

Haddii mushkiladdu tahay sida aan kor ku soo sheegay, maxaa loo baahanyahay in lagaga baxo? Waxaa ugu horreeya ee lagaga bixi karaa:

  1. Waa in hoggaan aragti dheer leh, oo ka koray wax urursi iyo musuqmaasaq oo og guushiisu inay ku jirto horuumarka ummadda la helaa
  2. Waa in sharci dejinta iyo fulinta arrimaha cashuuraha ay ka qayb qaataan dadka cashuur bixiyaha ahi, si ay uga dhergsanaadaan in cashuurta ay bixiyaan iyaga u adeegayso
  3. Waa in la helo hab siyaasadeed daqanka musuqmaasaqa ku salaysan ee inagu baahay lagu bedelo. Iyada oo lagu ababinayo caruurta dugsiiyada, daacadnimada, shucuurta wadaninimo, iyo in cashuurbixintu tahay waajib qaran, dadweynahana lagu baraarujiyaa
  4. Waa in laga cilmi qaato, dowladaha Africa iyo Asia ay u suurto gashay in ay ka adkaadaan maamul xumada iyo musuqmaasaqa
  5. Waa in dadku dareemaan, si wax ku oolana loo tuso in isbedel, xoojinaya hayadaha qaranka, ilaalinaya xuquuqda muwaadinka, u jeeda in laga koro qabyaaladda iyo qaraabakiilka uu socodo, iyo inay muuqato in dowladuna si mitid ah ugu foogantahay sidii ay u fulin lahayd barnaamijka iyo qorshaha arrintaa ku wajahan
  6. Waxa cilmi baadhis lagu caddeeyay in qaybta aan rasmiga ahayn ee bayacmushtarku (informal Sector) tahay, ta ummaddu ku caymato waqtiga dhaqaaluhu xunyahay, sidaa darteed waa in la qiimeeyaa qofka dumar ah ee wadhatadda ee tobanka caruur ah korinaysa iyo bacadlaha karyoonaha waxoogaaga alaabta ah dul saaray. Waa in hagardaamada iyo cashuurtaba laga daayaa; laguna dadaalo sidii waayahooda wax looga bedeli lahaa
  7. Waa in laga fakiro in la helo eray bixin lagu bedelo cashuurta, madaama magacu kasoo  jeedo tariikh xun. Faransiisku cashuurta wuxuu yidhaa: Contribution. “Qarannimadu waa qaadhaan wadaag”
  8. Waa in la casriyeeyo habka cashuur ururinta iyo cashuur ilaalinta, lagana fikiro in la isticmaalo shirkad khaas ah oo khibrad u leh howlaha cashuuraha

Gebogabo: Bogaadin iyo Talo

Waxaan ku soo dabrayaa maqaalkan. Waxaan ku tahniyadaynayaa Wasiirka Maaliyadda iyo Dowladaba dadaalka weyn ee ay ugu jirto in Somaliland gaadho isbedel iyo horumar. Taas waa in lagu saleeyaa siyaasad iyo istraatejiyad aragti dheer. Taas oo ah in la hor keeno dadweynaha si qof kastaa ula socodo halka lagu geedi yahay iyo mar kasta waxa qabsoomay ama qaldamay.

Waa in lagu meel maraa siyaasad cad oo aan mugdi lahayn. Sida la ogyahay, xidhiidhka ka dhexeeya cashuurta iyo cashuur bixiyaha, waa xidhiika ka dhexeeya wax soo saarak iyo awood wax soo saarka ( Production and production ability). Haddii awoodda wax soo saarka ama dakhliga cashuur bixiyuhu liciifto ama hoos u dhaco, cashuurtuna waa yaraanaysaa markaa waa in dowladdu u dadaasho horumarka dhaqaalaha iyo badhitaarka cashuur bixiyaha.

Dadweynha, muwaadiniinta iyo maamulka dowladda waa in ay si qoto dheer uga dhaadhacdaa in qaranimadu tahay hashii Maandeeg ee aynu maalaynay, markaa in la daryeelo, la daaq geeyo oo la miro, la mayraco, dulinka iyo darxumadana laga ilaaliyo ayaa wajib ah. Markaa waa in aynu ka korno habdhaqan ka ah in la qalo oo hilibka mar keliya la cuno, cid kastaabana ku caano weydo. Maxamed Xashi Dhamac (Gaarriye) oo ka gabyay arrintan lafteeda iyo siday isku weydaarsan yihiin ficilkeena iyo doonisteena ayaa wax ka mid ahaa gabaygiisi ereyo ah: “INTAA DEELO QALATAAN, INAAD DARAR KA MAASHAAN, DIBAAQAY KA WEYNTAHAY”. Aniguna taa waan ku raacsanahay saxiibkay, Gaarriye.

Mohamed Ibrahim Yassin ( Olad)

oladyassin@yahoo.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player