Mahadcelin Ururka Ardaa uu u jeedinayo Jaaliyadda reer Adal ee UK

Ardaa

Ururweynaha ARDAA wuxu Eebe ka sokow, mahad balaadhan u dirayaa dhammaan jaaliyada reer Awdal/Salal iyo Gabiley ee ku dhaqan carriga Ingriiska sidii qoruxda , qadarinta iyo xishmada laheyd ee ay u soo dhaweeyeen waftigii ka socday ARDAA ee ka koobnaa :

Ibrahim Cabsiye

Sheekh Maxamed Xuseen Haddi

Xaaji Maxamed Xuseen Fariid

Ururka ARDAA wuxu uga mahadacelinayaa jaaliyada kor ku xusan sidii hagar la’aanta aheyd ee ay maalkooda ugu deeqeen qaadhaanka loo aruurinaayey dhismaha dekada Lughaya ee annu fileyno in sida ugu dhakhsaha badan hawsheedu u bilaabanto. Waxaa hubaal ah in taageeradaasi ay fidiyeen dardar gelindoonta wax qabadka Ururka ARDAA, waxayna ku beertay jaaliyadaha kale ee reer ADAL meel kasta oo ay joogaanba farxad iyo rayrayn.

Ururku waxa kale oo u mahadcelinayaa dadkii qaybta wax ku oolka ah ka qaatay qabashada shirkaasi iyo dadkii u hawshooday arrintani oo aad u fara badan. Waxase mudan inaan hoosta ka xariiqno kaalintii firfircooneyd ee ay ka qaadatay warbaaintu, gaar ahaan kuwii shirka goob jooga ka ahaa ee ay hormoodka u ahaayeen Camuudnews iyo Awdalpress.

Waxan gacmafuran ku soo dhawaynaynaa faracyada cusub ee ARDAA(new Chapters) ee ka hawlgali doona cariga ingiriiska sida London, Birmingham, Manchester, Luton and Licester. Waxaan ku talajirnaa in faracyo kale ka furno dhamaan daafaha dunida si ay ARDAA u noqoto summad lagu garto bulshoweynteena ee Eebow na gargaar.

Waxaan Eebe ka baryeynaa in uu xasanadkaasi ay qabteen ka abaalmariyo

Ururka “ARDAA” e-mail: info@ardaa.org

Juun 24, 2011

Ururka ARDAA waa urur dalad guud ah, kuna saleysan hannaanka bulshada, isla markaana samafal ah. Waxa Lagu asaasay Waqooyiga Mareykanka sanadkii 2007 si ay taageero ugu fidiyaan mashaariicda horumarineed ee dhaqan-daqaale ee goballada ADAL iyaga oo mideynaaya muruq iyo maalba, una fidinaaya tababar, wacyigeliyaana, horena u mariyaan hoggaankooda iyo iney u doodaan xuquuqdooda aadamaninimo.

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player