Radio Cadceed Oo Axmed Garaad Ka Waraysatay Xafldii Laga Xusay Toronto Ee Munaasibadda 18-ka May iyo Wacdarihii Fanaaniinta, Dhagayso + Sawiro


Halkan Ka Dhagayso Waraysiga Xaflada Iyo Wariye C/Qaadir

May 25, 2011 Toronto(Idhanka) – Waxaa caawa oo ay bishu ahayd 22- kii may ,magaalada Toronto ka dhacay xaflad aad u yaab badnayd sida loo soo agaasimay iyo sida looga soo qaybgalayba, xafladadan oo
loogu dabaadagaayay labaatanguuradii kasoo wareegtay markay soomaaliland la soo noqotay madaxbanaanideedii. Madashan oo sida ay dadku iisheegeen aan horey udhacin
waxaa isugu yimiday dad wayne aad u tirabadan oo isugu jira dad kala duwan.

Waxaa halkaas qudbado ka jeediyay dad kala duwan oo isugu jiray dadkasoojeeda soomaaliland iyo kuwa kasoojeeday soomaalida koonfureed sida maalqabeenka layidhaahdo
Liibaan Gabayre, oo isagu ka soojeeda koonfurta soomaaliya wuxuuna aad u amaanay reer soomaaliland waxay qabsadeen, waxaanu ku guubaabiyay inay ilaashadaan midnimadooda.

Arrinta ugu Yaabka badnayd ee dadka ka yaabisay baa ahayd in saacadu markay ahayd 2:00 habeenimo dadwaynihii halkaas isugu yimiday khadka telefoonka kalasoo xidhiidhay madaxweyne ku xigeenka soomaaliland mudane “Cabdiracmaan Saylici”. Madaxwayne ku xigeenku waxuu qudbad gaaban u soo jeediyay dadweynihii halkaas isagu yimiday aad baana loogu farxay hadalkii madaxweyne ku xigeenka

Isku soo wada xooriyoo xaflada halkaas ka dhacday waxaan odhan karaa waxay ahayd xaflad la isku arkay, jawi deganna ku dhamaatay oo dadku iyagoo dhoola cadaynaya uu waagu dhinaca kale nooga baryay.

Source-cadceednews

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player