Marka hore salaan guud, oo Suuradaha Quraankiyo, Sunihii Rasuulkiyo ,Subag lagu Cidaadoo la idiin siiyey gobnimo.

Marka hore salaan guud, oo Suuradaha Quraankiyo, Sunihii Rasuulkiyo ,Subag lagu Cidaadoo  la idiin siiyey gobnimo.

Qof waliba waxa uu dhashaa maalin iyo waqti u gaara, waxaana uu dhintaa maalin iyo waqti u gaar ah, waxaana ku dhex jira Noloshiisa iyo Cimrigiisa, taasi oo qofku kali ku yahay oo aanu la wadaagin qof kale, waana nimcada ugu wayn ee uu Eebe siiyo aadamha kuna xisaabiyo maalinta Qiyamaha. Nolosha qofka waxaa rukumo u ah sideed rukun, afar isagaa ku nool oo kala ah Cilmigiisa, Jacaylkiisa ( Hiwaayada ), Dhaqankiisa iyo Dadaalkiisa, afarna wuu la nool yahay oo kala ah Caafimaadka, Xanuunka, Taanjirnimada, iyo Faqriga. Markaa u qofku noloshaa helo wuxuu xidhiidh la sameeyaa makhluuqa kale ee kula nool koonka waxaana ka mid ah.
01- Xidhiidhka adiga iyo naftada.
02- Xidhiidhka adiga iyo aadmiga.
03- Xidhiidhka adiga iyo sabada ( dagaanka ).
04- Xidhiidha adiga iyo wixii maqan (qaybka ), ama aanad arki karin sida, Ilahay, Malaaigta, Jinka iyo Shaydaanka.

Xidhiidhka adiga iyo aadmigu waa dulucda qoraalkayga e aan bayaamiyo qodobkaa. Marka laga tago reerkaaga iyo ehelkaaga bulshada kale waxaad kula xidhiidhi kartaa in aad isku fikir, xirfad, dan, dagaan, ama noocan cusub ee hada soomaalidu isticmaasho, oo ah in aad isku qabiil tihiin, taasoo xidhiidhka aad la yeelanaysid u marayso qaab Iskaashato, Urur iyo Xisbi aad ku midoobaysaan ama Nidaam dhisan.
Markii laga soo gudbay qaabkii Axdi qarameedka ee loo soo gudbay hanaanka Xisbiyada, waxaa la dhisay Saddex xisbi oo matala saddexda beelood ee ay ka koobantahay beesha jaarkeenu, gudomiya ku xigeenadana laga dhigay beelaha kale si loogu yeedho magaca Xisbi Qaran, isaga oo ah Xisbi Qabiil, Golaha  dhexe iyo awooda xisbigana aan loo ogolayn beel kale, una hadlaan beelahaa leh dantooda.
Hadaba gobolda Galbeedku ma laha Iskaashato, Urur, Xisbi, ee waxay toos ugu xidhan yihiin kan afraad oo ah Nidaam dhisan, nidaamka wax taagan ma aha ee waa wax kolba la badali karo, sidaa awadeed miisaanka aad ku leedahay marna wuu badan karaa, marna waa yaraan karaa, maadaama aand haysan Xisbi ama Urur la xisaabtami kara maamulkaa oo la tixgalinayo awoodisa iyo afkaartiisa ( Saami Qaybsi ).
Sidaa daradeed ma jiro qof odhan karaa anaa matala oo u hadlaya Gobolda Galbeedka dhamaanteen, ragan sheeganayaa in ay Gobolda Galbeed matali karaan, miyaanuu ogayn in uu danbiile noqonaayo maadama ay dadku la il daran yihiin tacadi badan oo loo gaystay, in ka badan labatan sanno, oo xaq kasta oo ay dalka ku lahaayeen ay ku waayeen gobolada ay ka soo jeedaan awgood.
Mida kale siyaasiyow ha isku khaldin waxa ay u baahantahay beesha dhexe iyo waxa uu galbeedku u baahanyahay.
01-Galbeedku IndheerGarad uma baahna ee wuxuu u baahanyahay Indhowgarad xaliya arimaha hada taagan.Laakiin beesha dhexe IndheerGarad bay u baahantahay u sheega in ayna waxani sii socon karin.
02-Galbeedku Nabad uma baahna ee Nolol buu u bahanyahay. Lakiin beesha dhexe nabad bay u bahantahay waayo kaabayaashii nolosha way dhisteen, oo xataa agoontii snm ta ayaa biil loo qaray, laguna biiliyaa cashuurta aad Galbeedka ka qaado.
Markaasi fadlana naga dayaa ereyada la idiin soo akhriyey ee ah Nabada Ilaasha, Kuwaasi Gobolka Ma Matalaan, Somali land ayaa naga xiga, Somali land angaa dhisnay, marka warqada Ducaysane idiin timaadana ee kursigaagii lagu badalo inaadeerkaa aad leedihii Somaali land ma jiro, Waan dulmanahay

Alow Doodi Soo Celi Markale Aan Dib U Magoolnee

Eng. Ibrahim Suge Tarar

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player