Halkiinaa Ku Gaardiya, Janaa Sidaa Lagu Galayaaye.

Marka hore Salaan sare, oo sogsoglay sinteediyo, buurta sow dusheediyo, saylac soo sararaheediyo, soo ragaa dilaadiyo laga keenay subulaha, oon saxar lahaynoo, laga reebay suul-daar.


Fariini waa qaan laakiin dhagihii Ilaahay waaniyaa waansan. waxaan idiin sidaa fariin, waxaana la ii soo faray sidan.

Gobaladii Gabiley, Awdal, iyo Salal. ayaa fariin ii soo dhiibay, waxayna yidhaahdeen, waad nagu dhalateen, waad nagu korteen, waxbaad nagu soo barateen,hadana waad nagu faantaan, had iyo jeerna waad na hadal haysaan, ama na maal gashada, oo warshado naga dhista,
ama na camira oo magaalooyinka dhista, hadii kale bilaa caleek, magacayaga noo daaya oo hana sheeganina.
Cadalad. Iyaduna farniin bay is oo fartay oo waxay tidhi, baryahan carabkaad igu badiseen oo waad tabaysaan, lakiin sidan aad ii
raadinaysaan la iguma helo. Aniga waxaa i hela nin ii dhinta, oo dhiigiisa, maalkiisa iyo waqtigiisaba ii hura, ee la iguma helo
afmiishaarnimo. fadhi ku dirir, garnaqsi iyo baryo.
Midnimo. Midnimana fariin bay i soo fartay, oo waxay tidhi, waad i raadinaysaan oo waad ii baahantiin la’aantayna aadmigu ma tamariyo, lakiin waligay ima helaysaan, inta aad cadawgayga koowaad aad cidhifka ku wadataan, oo ah munaafaqad. Aniga iyo munafaqadina meel ma wada joogsano, ee bal dib iskugu noqoda oo runta isku sheega.
Caydh. Caydhina fariin baan idiinka sidaa, oo waxay tidhi, sidan aad u taalaan la igagama baxsado, nin kaliya ayaa iga baxsan kara,
kaasina waa ka muruqiisa maala, oo dhulka khayraadka ku jira la soo baxa, sida beeraha, shinnida oo la dhaqdo, duunyad oo la dhaqdo, milixda oo la qoto iwm, ama khayraadka bada la soo baxa sida kaluunka. Ninkalana waa iga meeraysan karaa waa ninka ganacsi ku jira, isla markaana haysta, dakado iyo garoomo diyaradeed oo uu isagu leeyahay
Siyaasad. Iyaduna waxay tidhi, mar walba waan dihinahay, waxaana i maali yaqaana siyaasiga dhagaysta dadkiisa, ee og waxa ay ku
sugan yihiin, waxa ay xaqa u leeyihiin, waxa ay haystaan, iyo waxa ka maqan, ka dibna go’aan gaadha, taladana ilahay saarta isla markaana ku dhaqaaqa hawshii loo igmaday, ee ima maali yaqaano, mid dhuuni raac ah, oo kurisigiisa ku badasha,mustaqbalkii dadkii uu masuulka ka ahaa, u hanjaba mudada uu xilka u hayo.
Geesiyadii Samaroon. Iyaga saddex baan ka arkay, waxaanan u malaynaayey qiyaastii, Ina Waable, Geele Jidgoo, Iyo Rooble Afdeeb, aad bay u xanaaqsanayeen sida goboladaa dusha aan ku xusnay oo kale, waxayna yidhaadeen magacayga noo daaya oo ha na sheeganina, maadama aydaan taariikhdayadii barayn caruurtaan awawga u nahay, oo aad iskuulka ugu dhigaysaan taariikhdii ina lixle, ina koodbuur iyo ina askar, eesh haada naas.
Nin Heesaayey. Ninkan maan garanayn lakiin waax u malaynaayey in uu fariinta u dirayo reerkan jaarkeena ah, oo wuxuu ku heesaayey
Umad yahay qabiilkiyo, qaranimadu waa labo, aan is qaadi karinoo, waligood is qabanayn, waa qori dable iyo gaasoo, hadii aan la kala qarin iyagay, iyagay is qarxinayee, markuu halkaa maraayey ayaan ka dhaqaaqay oo aan iskaga tagay.


Allow Doodi Soo Celi Markale Aan Dib U Magoolnee.

Eng: Ibrahim Suge Taraar

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player