Talaabada W/xigeenka Maaliyadu Ku Masaxayo Amarada Wasiir M. Xaashi Waa Bar Saaran Deeqaha Caalamiga ah

ASW

Marka hore waxa aan salaamayaa dhamaan inta danaysa Somaliland ee had
iyo jeer dadaalka ugu jira horumarka Somaliland.

Marka xiga waxa aan hoos idiinku soo gudbiyey qoraal uu qoray Wariyaha Haatuf ee Boorama
Hashim Goth, oo uu kaga hadlayo, muwaadin tiraba ugu yaraan lagu
xadgubey isaga oo qabanaya xilkii loo igmaday, oo sifaha loo
adeegsaday erigiisu ay tahay XATOOYO XOOLO DADWEYNE YAA KU YIDHI DIID?
Waa muwaadinkii xilkiisii hore u waayey sife aan sharci ahayn noogu
kordhi mushaharka hadii aanu nahay Komiishankii Doorashooyinka, hadii
aad na diidana sii joogimaysid shaqadan (Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka).
Waanan idiin soo gudbiyey qormadii hore ee Haatuf ku waraysatay markii
uu xilkiisii hore waayey.
Su’aalaha u baahan in la isweydiiyo waxay kala yihiin: Xadgudubka
intaa leeg ee lagula kacayo muwaadinkan Madaxweynuhu miyuu la ogyahay?
Hadii aanu hore uula ogeyn, muxuu wax uuga qabanwaayey? Kalsoonida
intaa leeg ee Wasiir Ku Xigeen Ku Biinaayo Amarkii Wasiirkii ka
sareeyey ku magacaabay in uu muwaadinkani noqdo lataliyihiisa gaarka
ah ee Maaliyada Somaliland maxay macno huwan tahay? Mudane Madaxweyne
Siilaanyo miyuu ka noqday wixii uu doorashada ku galay ee ahayd,
waxaan la dagaalamayaa MUSUQMAASUQA, taas oo ahayd tii ISBEDELDOONKU
kaga dalbadeen in Mudane Muj. Maxamed Xaashi Cilmi loogu magacaabo in
uu noqdo Wasiirka Maaliyada? Halkeebay iska xidhi la’dahay arintu?
Sida ku cad falalkan isdaba jooga ah ee lagu xadgubayo muwaadinkan
dambigiisa qudha ee lagu haystaa tahay XAARAANTA NOO XALAALEE,
micnaheedu miyaanu ahayn in lagu socdo Mudane Muj. Maxamed Xaashi
Cilmi (Wasiirka Maaliyada Somaliland oo dadka oo dhami u qiraan in uu
yahay NIN XAARAANTA IYO XALAASHU U KALA SOOCAN TAHAY; laguna xanto in
uu yahay nin MUSUQMAASUQA neceb oo ladagaalama xatooyo xoolo dadweyne
illaa wakhtigii SNM!!!
Taariikhda in dib loogu noqdo ayaa muhiim ah si aan u fahano halka
arintu ay iska xidhi la’dahay; Waxa jirta in Muj. Maxamed Xaashi Cilmi
iyo Muj. Madaxweyne Siilaanyo ay hore iskugu seegeen arinta dhaqaalaha
wakhtigii Gudoomiyaha SNM uu ahaa Mudane Madaxweyne Siilaanyo.
Wakhtigaa waxa dhacday in lacagihii ku soo dhicijiray QASNADA SNM ta
ee Diridhaba, in uu Mudane Muj. Maxamed Xaashi Cilmi ka wareejiyey.
Iyada oo aflagaadooyin badan oo markii danbe kuli wada beenoobay loogu
geystay isaga. Waxa gudidii XAQIIQ RAADISKA ahayd ee ka baxday
KHALIIJKU ay kula taliyeen dadkii QAADHAANKA SNM ururin jiray in ay ku
hagaajiyaan wixii lacag ah ee ay dirayaan Mudane Muj. Maxamed Xaashi
Cilmi, iyaga oo beeniyey wararkii beenta ahaa ee laga fidiyey. Waxa
hadaba aad moodaa in tii laga dabajoogo ama la rabo inta laga
cadhaysiiyo uu xilka iskaga dego. Waxa ku waajib ah qof kasta oo
daneeya Somaliland in hada ayey dhowdahaye runta loo sheego Maamulka
Mudane Siilaanyo uu madaxda ka yahay, in balaqaadkii ahaa MUSUQA AYAAN
LA DAGAALAMAYNAA ay kaga dhabeeyaan iyo in aan dadka daacada u ah in
ay wadankooda wax u qabtaan aan xadgudub loola tagin, sharciga ayey
noo jabinwaayeen darteed. Hadii hada loo kiciwaayo, waxa hubaal ah in
meel dheer laga eegidoono. ISBEDELKII DADKA IYO DALKU SUGAYEENA uu
noqon doono wax KURSIGA LAGU FUULAYEY.
Illaahay ha ina garansiiyo xaqa iyo xaqa in loo hiiliyo, hadii kale
aan hadhoow la barooran. Kheyr baan inoo rajeyn kuligeen.
Somaliland Guul, Horumar, iyo Xaqu Inuu Ka Sareeyo Xaqdarada.

ASC;
Warsame Ducaale
USA

Talaabada W/xigeenka Maaliyadu Ku Masaxayo Amarada Wasiir M. Xaashi
Waa Bar Saaran Deeqaha Caalamiga ah

Faallo: Wariyaha Haatuf Ee Boorama Hashim Goth

Talaabada W/xigeenka Maaliyadu ku masaxay Awaamiirtii Wasiirka
Maaliyadu bixiyay ka hor intii aanu safar caafimaad ugu bixin dibada,
ayaa u muuqda ayaan daro maamul oo dhaxalsiin karta xukuumada Axmed
Siilaanyo xalaalaysiga musuqmaasuqa, arintaas oo reer Somaliland iyo
bulshada caalamkaba tusaale ay ka qaadanayaan qaabka loo Eryay isla
markaana loola dhaqmay Xisaabiyihii hore ee Somaliland ee laga dhiagay
la taliyaha dhaqaalaha Wasiirka Maaliyada, Xisaabiye Qaalib Arintii uu
ka diiday Komishanka Doorashada sidii uu ogolaa ayaa xaaladoodii
noqotay oo korodhkiii ay samaysteen wuu diiday Wasiirka Maaliyadu,
Wasiir Maxamed Xaashi markii uu arkay daacadnimadiisa ayuu u
magacawday la taliyaha dhaqaalaha ee Wasaarada Maaliyada, Hadaba
markii uu baxay wasiirkii maaliyadu maxaa keenay in W/xigeenku Eryo la
taliyaha oo ahaa xisaabiyihii hore u kashifay musuqmaasuqa? waxa la
odhan karaa talaabadan uu qaaday W/xigeenku waa fariin laga dabadiray
Wasiirka Maaliayada, dhiiranaanta W/xigeenkana waxaa ka muuqata in uu
kalsooni buuxda ka haysto xarunta dalka ugu mudan ee looga taliyo,
M/weyne Siilaanyo ayaa ku ololayn jiray wakhtigii uu joogay banaanka
la dagaalanka musuqmaasuqa, taas oo Gudoomiyihii Xisbiga kulmiye ee
G/Awdal oo ahaa ninkan labada Eri iskaga daba yimaadeen uu isagu
rumaysnaa wax ka qabashada musuqmaasuqaas, oo uu dawladii hore si xoog
ah ugu dhaliilijiray, balse talaabooyinkan W/xigeenku waa mid tusaysa
hayadaha kaalmada siiya Somaliland ee raba in wax walba noqdaan
Transparency noqdaan in ay isku milmeen qaab xisaabeedkii dalka iyo
Siyaasadii..

Arimahani waa kuwo bar-madaw saaraya deeqaha caalamku siin lahaa
Somaliland, taas oo sababteedu tahay falalka uu marar badan ku
talaabsaday w/xigeenka Maaliyadu, ama ha ka noqoto xag aqooneed ama
mid lagu amray, Wasiir Maxamed Xaashi oo isagu ah mid lagu yaqaan la
dagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka ayaa arimahani
ku noqonayaan kuwo uu ka biyo diido qaabka nidaamkiisa loo
dhabarjabinayo,,

La Soco………..

Source-warsameducaale@gmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player