“Suldaan Saleebaan Oo Weeraray Gudiga Ka soo talabixinta Furashada Ururada Taageerayna In La Furto Xisbiya Badan

Suldaan_Saleebaan

Suldaan Saleebaan Oo Ka mid ah Salaadiinta Gobolada Awdal /Salal oo shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gobolka Awda Ee Borama ayaa cadeeyay Mawqifkiisa Siyaasadeed ee ku aadan Furashada Hanaanka Xisbiyada Badan, isaga oo arinkaas ka hadlayana waxa uu Yidhi.

“Waa Run inaan idhi waa in la furaa Xisbiyada Qaranka sababta aan u idhina waxa ay ahayd waxaa jooga Saddex Xisbi, Saddexda Xisbina waxaa ka fiican Kuwa Badan Ummad Dhan ayaa Xakamaysan oo aan meel ay marta lahayn,Saddexda Xisbina waxa ay ka kooban yihiin Beelaha Dhexda loomana wada dhamo , madaxdooduna waa Beelaha Dhexda Sidaas darteed ayaan u doortay in garba duubka laga furo , oo nin walba xisbiga uu doonayo Samaysto.

Suldaanka oo hadalkiisii sii wata ayaa hadana Yidhi,”Anigu waxa aan ka hadlay oo aan u sheegay Gudiga in ay jabiyeen Xeerkii Shirkii Burco aanu dhiganay, kaas oo ahaa Afar Qodob oo xiligaas lagu balamay oo kala ahaam Nabad taas oo ay waxyari ka nooshahay,taas oo uu sheegay in ay jabtay oo ay labada dhinac ee Bari iyo Galbeedba ay xabadu ka socoto,Qodobka Labaad ee Uu ka dhawaajiyay ayaa uu sheegay in Dawlad Somaliland la yidhaahdo in la wada Dhistay, laakiin waxaa ka soo baxday Dawlad Qolo, Dadka Hareeraha ku nool waxaa la siiyaa Wax laga tagay oo waxa la yidhaahdaa waxaas ayaan ku siinay,Cida wax sidaas loogu dhiibana maaha cid xor ah ee waa cid hareeraha laga fadhiyo.

Suldaan_Saleebaan

Suldaanka ayaa Mar uu ka hadlay Arimahan In dhawaalaba dibada ka socda ee Awdal State ayaa waxa uu sheegay ninka dibada wax ka wad wada isaga ayay u gaartahay wax aniga in khuseeya Maaha ayuu  kaga jawaabay Su’aashaas,

Suldaanka ayaa Hadalkiisii ku soo gabo gabeeyay in loo baahan yahay in wax badan la saxo dibna loogu noqdo afartii qodob ee Dhidibada u ahaa Unkanka Somaliland ee Lagu heeshiiyay Shirkii Burco.

Suldaan Saleebaan Cali ayaa ka mid ahaa Suldaanka Qudha ee Si toos ah uga hadlay Arimaha Furashada Xisbiyada Qaranka Somaliland, kaas oona

cadeeyay Mawqifkiisa ku aadan Furashada Xisbiyada, kuna tilmaamay Xiligan in ay muhiim u tahay Beelaha Hareeraha ee Ay beeshiisu ku jirto in la furo Xisbiyada Si ay U samaystaan Xisbiyo Qaran oo la looltama Beelaha Dhexe Waa Sida hadalkiisa laga dhandhansanayay.”

Idhanka Staff Borama.

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player