SHACBI WAYNAHA REER NUUR(SAMAROON) MAXAY KA QABAAN AWDAL STATE(AAG)

Subject: SHACBI WAYNAHA REER NUUR(SAMAROON) MAXAY KA QABAAN AWDAL STATE

                                                 AWDAL ACTION GROUP(AAG)

War Murtiyeed Ay Shacbi Waynaha Reer Nuur Soo Gaadhsiiyeen ,Awdal
Action Group,Ayaa Wuxuu U Dhignaa Sidan:

Hadii aanu nahay beesha Reer Nuur ee ku nool wadanka gudihiisa iyo
dibadiisaba,waxaan halkan ku soo gudbinaynaa mawqifka midaysan ee ay
beeshani  ka  gaadheen arinta Awdal State.

War murtiyeedkan ay soo saartay beesha Reer Nuur ayaa ah mid aad u
muhiima madaama ay beeshu dagan tahay bariga gobolka awdal ,arrintan
oo  saamayn wayn ku yeelan doonta deegaankooda ,waxay beeshu u aragtaa
in la rabo in layska hor keeno beelaha wada daga bariga gobolka
awdal,lagano sameeyo aag cusub oo colaadeed, sidaa darteed beesha reer
Nuur ma ogola ,mana yeelayso waxa loogu yeedhay Awdal state. Waxa kale
oo aanu ku diidanahay qodobadan hoos ku qoran.

1.Waxaa halkan ka cadaynaynaa in aan ka soo horjeedno,waxa loogu
yeedhay Awdal State ee ay ku dhawaaqeen koox yar oo sheeganaysa magaca
awdal.

2.Waxaan u aragnaa in waxa loogu dhimayo nabadgalyada iyo
daganaanshaha jamhuriyada somaliland.

3.Waxaan u aragnaa in ay tahay fidmo laga soo dhoofinayo dhul
shisheeye oo lagu kala dilayo beelaha walaalada ah ee dagan gobolada
awdal,salal iyo gabiley iyo dhamaan shacbiga somalilandba.

4.Waxaan u aragnaa in ay arrintani waxa u dhimayso sharaftii iyo
karaamadii ay beesha samaroon ku lahayd somaliland iyadoo labaatankii
sano(20) ee u danbeeyayba ay hormood ka ahayd horumarinta somaliland.

5.Waxa ay dadka reer Awdal iyo Salal maanta ku mashquulsan yihiin horumarinta
deegaanadooda siiba dhinacyada jidadka,dakadaha,iskuulada,cusbitaalada
iyo dhamaan adeegyada bulshada.

6.Waxay beesha Reer Nuur ogtahay in ay jirto cabasho ay beelaha
Samaroon ka tirsanayan sami-qaybsiga dhinaca siyaasadda,sidaa darteed
waxay beeshani si buuxda u taageeraysaa codsigii ay shalay oo bishu
ahayd 13/04/2011 , xildhibaanada ka soo jeeda gobolada awdal,salal iyo
gabiley u gudbiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane AHMED
MOHAMED MOHAMOUD (SIILANYO),Taasi oo ay ka warbixiyeen labada
xildhibaan ee Mudane,MAHAMED MOHAMOUD(GARAAD) iyo Mudane,SULEEX MADAR,
wixii ay ka wada hadleen madaxwaynaha.

7.Waxay beesha Reer Nuur si buuxda u taageeraysaa codsigii uu u soo
jeediyay shacbi waynaha samaroon gaar ahaan qurba jooga, markay
taariikhdu ahayd 08/04/2011 ,badhasaabka gobolka Gabiley,Mudane
RASHIID SH.CUMAR SH.MUXUMED WARSAME,ee ahaa in la tageero nabadaynta
ka socota deegaanka CEEL-BARDAALE,iyo waliba isu soo dhawaanshaha laba
shacbi ee wada dhashay.

Wabillahi Tawfiiq.  Wadajir iyo Horumar.

Wixii faahfaahina lasoo xidhiidh:Awdalactiongroup@gmail.com.

Xarunteeda,Chicago,U .S .A

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player