NO AWDAL STATE,JAALIYADDAHA AWDAL,SALAL IYO GABILEY EE MARAYKANKA

Jaaliyaddaha  GOBOLADA AWDAL,SALAL IYO GABILEY ee ku nool wadanka
maraykanka .markay ku kulmeen khadka telefoonka(teleconference),taasi
oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha bulshadda oo ka koobnaa
,aqoonyahano,culima,udiin,odayal iyo dhalinyaro aad u tiro badan waxay
ku lafa gureen xaalada guud iyo mida gaar ahaaneed ee ka jirta dhulkii
hooyo ee ay ka soo jeedeen,gaar ahaan arrintan cusub ee awdal state.

Fikrad is waydaarsi iyo wada tashi dheer kadib,waxay is la garteen in
wakhtigan xaadirka ah in   aan loo baahnan waxa loogu yeedho awdal
state,sobobahan hoos ku qoran awgeed:

1.Gobolada awdal,salal iyo gabiley oo ay dagan yihiin qoomiyadda
samaroon waxay labaatankii sano ee lasoo dhafay ku talaabsadeen
horumar laxaad leh oo dhinacyo badan leh,wakhtigan xaadirka ahna aan
loo baahnayn in horumarkaa xawliga ku socda dib loo celiyo.

2.In muwaadin kasoo jeeda goboladda awdal,salal iyo gabiley,mudane
daahir riyale kahin uu xukunka talada somaliland hayey mudo ku dhaw
toban sano,sidaa darteed aan loo baahnayn in toban billood lagu cawdo
ee loo baahanyahay in lasamro.

3.In qawmiyada samarooon ay hormood ka ahayd dhisitaanka lyo
jiritaanka iyo nabada ka hirgashay somaliland,imikana ay diyaar u
tahay wadajirka iyo nabad ku wada noolaanshaha dhamaan umadda ku
dhaqan somaliland.

4.In shacbiga samaroon u dhaqaaqeen dhinicii horumarinta deegaanada ay
dagaan,gaar ahaan dhinaca waxbarashada,caafimaadka,ganacsiga iyo
dhisitaanka kaabaha dhaqaale sida,jidadka,dakada,jaamacadaha,iyo
cusbitaalada,loona baahan yahan in kuwaasi la sii xoojiyo.

5.In qawmiyada samaroon kusoo caano maashay wada
tashi,ixtiraam,ismaqal iyo kala danbayn haday noqoto
odaydhaqameedyo,culimaudiin,waxgarad iyo dhalinyaraba loona baahan
yahay in aan taasi laga boodin oo waxkasta oolagu dhaqaaqayo lagawada
tashado gudaha iyo dibadaba.

AWDAL ACTION GRPOUP(AAG), oo ah urur ay ku bahoobeen qurbajoogta
samaroon ee dagan sadexda gobol ee awdal,salal iyo gabiley ma ogola
wax loogu yeedho awdal state.
Waana qurbajoogtii u horaysay ee ku dhawaaqda in ay si toosa uga soo
horjeedaan waxa loogu yeedho awdal state.
Sobobaha keenay in ururkani ka horyimaado waxa ka mida.

1.Arrintani waxay keeni kartaa in dib loogu noqda wakhtigii madoobaa
ee dagaalada sokeeye,iyadoo maanta horumar wayni ka socdo goboladaasi
sida,jidka camuud ilaa dilla,dekada lughaya,cusbitaalka
xayaat,dhismaha jaamacadaha iyo nabada ceelbardale.

2.Arrintani waxay keenaysaa iska horimaad maamulka somaliland ee
goboladaasi ka taliya iyo taageerayaasha qolooyinka la baxay awdal
state,oo aan durba aragnay dhibaatada ay awdal state u keentay dadka
goboladaasi degan oo ah in wariyeyaal lagu xidhay boorama.

3.Arrintani waxay keenaysaa in cabashada ay qabaan dadka degan
sadexdaa gobol,ay ka faa,iidaystaan dad dano gaara leh,loona maro in
lagu raadiyo wada qaldan iyadoo la isticmaalayo mudaharaadyo wata qas
iyo aqlalaase,halkii loo mari lahaa in cabashada lagu dhameeyo wada
hadal iyo wada tashi.

4.Arrintani waxay keeni kartaa siyaasad xumo uu samaroonku dib ugu
noqdo taariikhdi madoobayd,ee dagaaladii sokeeye oo xitaa keeni karta
isku dhac beelaha walaalaha ah ee wada daga somaliland.

Hadaba ururka AWDAL ACTION GROUP(AAG),markii uu aad u lafa guray
baahida ka jirta gobolada Awdal,Salal iyo Gabiley ,eegayna cabashada
dadka ee keeni karta in dadka qaar si qaldan uga faa,iidaystaan sida
kuwa labaxay awdal state,waxa  dadku aad uga cabanayaan qodobadan hoos
ku qoran:
1.In dadka ka soo jeeda gobolada Awdal,Salal iyo Gabiley ay aad uga
cabanayaan saami qaybsiga dhinaca siyaasada ee somaliland.

2.In dhalinyarada u dhalatay sadexdaa gobol ee ka qalin jabiyey
jaamacadaha dalka ay la kulmaan cadaadis eexasho oo kaga yimaada
dhinaca shaqo raadinta ,shaqada dawlada iyo ta gaarka loo leeyahayba.

3.In gobolada Awdal,Salal iyo Gabileyba laga raray hayadihii madaxa
banaana sida UN oo kale .loona raray caasimada oo qudha,taasina ay
keentay shaqola,aan baahsan oo soo foodsartay dhalinyarada ka soo
jeeda sadexdaa gobol.

4.In dhinaca ganacsiga ay wax waliba kooto ugu xidhan yihiin ganacsato
waawayn oo dawladan iyo tii horaba ku naas nuujiso dad gaara.

5.In dhamaan dawladihii soo maray somaliland aanay wax mashaariic
horumarineed aanay ka qaban goboladaasi.

6.Waxa kale oo ay dadku ka cabanayaan in maamulada ka jira goboladaasi
uu xidhiidhka u dhaxeeya shacabka uu aad u liito,balse ay u baahan
yihiin wakhti ay isku bartaan ,maadaama uu mamulku ku cusub yahay
goboladani.

Ugu danbayntii uruka AWDAL ACTION GROUP(AAG),Wuxuu ku soo gaba
gabaynayaa war murtiyeedkiisi  NO AWDAL STATE.

SOURCE SO CALLED AWDAL ACTION GROUP(AAG).

COMMITTEE MEMBER,CHICAGO,U.S.A.J

Email awdalactiongroup@gmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player