Ha Lululin lugtaan kabay, Laxawgii ha soo celin

Waxaa markhaati ma doona jiritaanka xarakooyin ka dhex socda bulshada qurbaha jooga ah ee ka soo jeeda gobolda galbeedka ee Somaliland, waana lagama maarmaan in afkaarahaas wax laga yidhaa si dadka loogu iftiimiyo xaqiiqooyoinkii inna soo marey , kuwa taagan iyo sadaasha timaadada. Dabadeed Bulshadu iyadaa kala haadin afkaaraha dhex mushaaxaaya.

Taariikhda fog ee bulshada waa laga wada dharagsan yahay uumana baahna inaan wakhtiga idinkaga lumiyo balse waxaa mudan inaan wax ka iftiimiyo tagtada dhow wixii bulshada saameeyey ee keenay marxaladaha maanta lagu jiro anigoo seegi doonin wax-ka-sheega waayaha xaadirka ah iyo waxay nala tahay.

Baahida ninbaa kula daydaya, daacadnimo diidey

Taniyo burburkii dawladii soomaliyeed ilaa maanta shiki kuma jiro in dib u dhac siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ku habsadey soomali oo idil kuwaas oo ay ka mid yihiin qoomiyadaha degga galbeedka Somaliland.

Maamulada Somaliland ee kala dambeeyey ma ahayn qaar ay mahadiyeen dadka degga Galbeedka, shikina kuma jiro iney fashilmeen shaqsiyaadkii ummadaa u horseedey siyaasadaha wiiqay miisaankii tolku lahaa. Dadkii tolka ka mid ahaa ee indheergaradka ahaa ee arintaas ka digaayay waxaa hormood ka ahaa ururkii SDA ( Somali Democratic Alliance). Waxaan wada xasuusanahay haldoorkii ururkaa sidii tolku dhagarta uuga galay iyagoo la saftay dad aan aragti siyaasadeed lahayn laakiin tolka ku soo kordhiyey xumaan iyo qabyaalad wiiqday awoodii tolka guud, halisna galisay dantii guud, dhaawacdayna karaamadii magaca guud lahaa.

Xumaantaas iyo qabyaaladii ay madasha siyaasada ku soo kordhiyeen shaqsiyaadkii tolka marinhabaabiyey waa xaqiiqo jirta markhaatina ka tahay marxalada maanta tolku ku jiro.

Marinka toosan markii SDA iyo aqooyahanno kaleba inoo tilmaamayeen, waxaa barbar socdey hadimo-ka-talis ay wadeen dad marka horeba sharaf tolka ku dhex lahayn iyo qaar odeynimadooda dadka ku saasiyey ama la saasiyey. Waxaa la gaadhay in fikirkii SDA lagu sunto qabiil laguna takooro. Dadkii dhacdadaas ka dambeeyey waxay ahaayeen shaqsiyaad nolol maaalmeed ka doorbidey danta guud, oo beeniyay hab-dhanqankii tolku hidaha u lahaa.

Waxay ahaayeen shaqsiyaad aragti gaaban oo aaminsanaa aasida danta guud u keenayso guul qabiil-hoosaad u soo hoyata. Markay SDA ku olelaynaysay “Waar wax aan noqono”, waxaa lagu jawaabaayay “ Ha maqlina dan reer bay wadaane”, waxaa lagu heesaayay “Ha maqlina waxay ka xunyihiin inaan INAGU wax noqonee”.

Waxaan xasuustaa habeen aan la doodaayay niman Beesha dhexe ah. Wiil reer Boorame ah oo nala joogay goobta iyaa isagoo xanaaqsan iigu jawaabay: “ Nimankan uuma jeedide anaad ii jeedaa oo waxaad maagaysaa Geesiga noo kacay ood reer ahaan ku eryanaysaa…”Ha la yaabina. Waa xaqiiqooyin aan soo marnay.

Dhado Roob Noqon waydey!

Markii Masayrka uuga sareeya Somaliland uu fadhiistey Rayaale, dad badan oo Galbeedka ah iyaa is yidhi Aleylehe cadaalad iyaa la ogolyahay. Dadbadan baa siyaasad ahaan diga rogtay. Nassib daro Rayaale wuxuu noqdey shaqsi Hargaysa u shaqo tagay balse miisaan siyaasadeed u soo kordhin tolka, inuu wiiqo mooyee. Wakhtigiisii wuxuu ku dhamaystey beesha dhexe oo uu sasabaayey kalana sasabaayey.

Wuxuu soo kordhiyey inuu qalinkiisa lagaga saxeexo saami qaybsigii siyaasadeed ee ugu liitay ee ebed tolka soo mara. Wuxuu soo kordhiyey in afka laga gufeeyo ninkii isyidhaa wax ka sheeg cadaalad darada Rayaale sharciyeeyey ee uu quminjirey. Wuxuu soo kordhiyo inuu sawir khaldan ka bixiyo miisaanka siyaasadeed ee tolka. Wuxuu soo kordhiyey inuu dhulalka laysku haysto darisyada tolka loogu wiiqo. Wuxuu soo kordhiyey inuu tolka ka xayiro awoodihii dhaqanka soomaliyeed aaminsanaa marka dhiig laga galo. Wuxuu soo kordhiyey in la suurto galin waayo talo guud, waxaana ka markhaatiya sidii uu iskugu dayey inuu baajiyo shirkii tolka ee Minneapolis, April-2009kii. Wuxuu agaasimay dib u dhac gees-walba ah.

Maalintii beelaha dhexe ka tashadeen, Rayaale, Xafiiska Madaxtooyada waxaa ka soo baxay saddex qof oo kale ah: Rayaale, Xaaskiisa iyo Dabaakhiisii. Saddexdoodaas mooyee shaqsi kale oo Galbeedka ka tirsan oo Madaxtooyada joogay may jireen? Aqoonyahanadii Galbeedka lagu ogaa, Rayaale mid qudha uuma igman inuu la taliye u noqdo. Dhado roob noqon wadey iyaa ka dhacdey. Taa waxaa ka sii dareyd kala dilka tolka oo gaadhay heer aan dhaayana arag dhagana maqal. Xaaladaas iyadoo sifaynaysa iyay marwo tolka ka tirsan ka dhawaajisay murtidan 2009kii: ” Maanta, maalin tolku ka foolxunyahay ma jirto”. Run qadhaadh dhe!

Maxaa Xigay?

Doorashadii (!) uu ku soo baxay Silaanyo waxaa la filaayay isbadal lagu balan qaadey. Miisaanka siyaasadeed wax is badaley ma jirto waayo nidaam 20 sano abtirsadey ma fududa sida dhowr bilood wax looga badalo. Maamulkan cusub wuxuu saamaxay inay Galbeedku codkooda kor u qaadaan iyagoo ka baxay maamulkii aamuska ku soo rogay ee tolka qaar ka dhaadhicey in sharaf lagu noolyahay, cadkoodiina ay haystaan. Beentaa labaatan sano jirsatay oo inagu aan u ololeynaynay iyaa laga baxay waxaana loo gudbey iney dadkii odhan karaan “waxbaa naga maqan”. Cadaalad darada galbeedku tirsanaayo maaha mid maamulka Silaanyo keeney. Kan u haysta iney dhibtu maamulka Siilaayo la da’ tahay waa mid hurdey labaatan sano.

In la jaban yahay layskuma hayee, mayna ka horeyn inaan horta is weydiino sidaan u jabnay iyo wixii ina jabiyay oon isla fahano? Gartu Eebey taqaane, walaalkeyga laga bilaabo 1993 ilaa 2010 aaminsanaa inaan waxba inaga maqnayn iguna colaadinaayay markaan farta ku fiiqaayay dhiilooyinka, maxaan kaga talo gala?

Ma waxaan u qaataa inuu maanta qaan-gaadhay? Ma waxaan u qaataa inuu danayste yahay? Haddiise aan weydiiyo wuxuu shaley kaga soo horjeedey SDA iyo markay talo meel la qabto lahayd, jawaabtiisu maxay noqon? Haddii la weydiiyo sobobta uu maamulkii Rayaale lagu sheegi jirey u ayidsanaa, jawaabtu ma waxey noqon: “Qushuye, nin inaga miduu ahaa” ?? Dhalashadu miyay dambi dhaaf wadaa? Waa maya.

Gartu ALLAY Taqaan

Markii talo haboonayd ee marxaladuhuna sahal ahaayeen, tolka talo way seegtay. Ha seegtee godobyo badan iyaa dhacay. Fikirkii haboonaa dadkii aaminsanaa ma dhamaan, may ilaawin wixii dhacay, intaa waxbay duubayeen. May ilaawin dhagarihii la galay, ma ilaawin magaca lagu tuntay, ma ilaawin danaysigii hagaayey siyaasiin ku sheegii ummada ku hogaamiyey talo qayral-masuulnimo ah. Ma ilaawin madaxdii SDA ee xaqa ku joogtay darxumadii la badey. May ilaawin intooda nool niyadjabkii ku dhacay.

Maanta haddii dadka qaar maanku u soo noqdey, xaq bay u leeyihiin iney afkaartooda cabiraan ama daacad haka ahaadeen ama dan raqiis ihi ha hagaysee. Midbaase meesha taal: Gartii eexo ee loo qaadey SDA iyo kuwii inagu hogaamiyey waxa maanta laga cabanaayo soo in la xasuusto maaha? Dadkii gartaa eexo qaadey, kuwii labaatan sano gartaa eexo adkaynaayey iyo badheedhihii ey ku dareen maxaa laga odhanayaa? Nin dhalinyaro ah oo xaflad ka hadlaayay iyuu hadalkiisu ahaa sidan: “Shalay sharafbaan ku nooleyn, doorashadii dabadeedna waad aragtaan foolxumadaan ku noolnahay”. Ka halkaa ka duulaya soo ma cada inuu yahay qof shaleyna riyoonaayay maantana xaqiiqada isdiidsiinaaya?

Sidee laysku aaminaa?

Ma fu’duda. 2000kii boqol ku dhawaad tolka ah iyaa Awdal Forum kuwada hadli jirey. Shaqsiyaadkii halkaas ka daafici jirey waxaan la daafici Karin iyaan maanta ka muuqda xafladaha qurbaha ka socda. Qoraaladii sanadadii madoobaa ay ku hadlayeen waan la hayaa. Soo Xaq maaha inaan idhaa: “ MAXAA KAA RUN AH”?

Waxaa haboon in la ogaado in bulshada u baahantahay iney xaqiiqooyin ku socoto. Maareynta hawlaha danta guud iyo tan mustaqbalkuna maaha mid lagu wado sahal balse waa mid u baahan qorshe cilmiyeysan oo ka shidaal qaadanaaya Isteraatiijiyad ku dhisan xaqiiqo kana fog degdeg iyo laablaqac la mid ah tii hagaysay kuwii siyaasada ku saaqidey iyo taageereyaashoodii.

Himilooyinka bulshona waxaa fure u ah tolkoo is aamina, waayo aaminaadii iyaa qabri lagu ridey waxaana ku ridey siyaasadii aabaha ka ahayd waxkastoo maanta laga cabanaayo oo waliba ku eekeyn Galbeedka Somaliland balse saamaysey degaanada iyo siyaasada tolka ee Itoobiya. Bal u fiirso odhaahdan niman ka taliyeen:

Reer hebel deggaan kuma leh dhulka, sidaa awadeed xaq uuma leh iney kursi helaan”.

Waxay ka mid tahay godob weyn oo qayb tolka ka mid ah  laga galey laakiin la mahadin. Waxay dhashay taladii Kililkii shanaad oo tolkii cidlo ka taagan yihiin 20 sano. Soo iyadna cashar kale maaha?

Xakum Nafsak, HUUNO.

Isku soo wada duuboo, talada tolku iyo aayaha tolku waa mid u baahan kala haadis cilmiyaysan. Waa mid u baahan in laga digtoonaado qaylodhaan afka ah. Waa mid u baahan taariikhda oo la dhuuxo. Waa mid u baahan fahan caafimaad qaba oo ay hagayaan dad aqoon u leh dhacdooyinkii ina soo maray iyo geopolitiga gobolka aan ku noolnahay. Waana jiraan koox arimadaas isku xilsaartay oo daaraasado mihiim ah ku jirta tolkana u soo bandhigi doonta intaan sanadkani dhamaan, waana koox ay hogaaminayaan dad magac iyo maamuusba ku leh tolka iyo soomaaliba

Xaqiiqooyinkaa taariikhdu iftiiminayso tiiyoo laga duulayo, degdeg iyo laablaqac aan mijo lahayn meel laguma gaadho. Qorshe qoomiyadeed waa arin miisaankeeda leh waana gaf in bulshada laga marin habaabiyo sifaha toosan ee ay u marayso danaheega guud. Anigoon khaladaadkaygii shaley sixin ma haweysan karo inaan bulshada uugu baaqo inaan hayo muftaaxi janada. Waana gaf in dadka loo muujiyo sawiro khaldan oo xaqiiqada waaqiciga ah ka fog. Tii horoon laga bogsan, laxaw soo celintu waa khaladkii oo lagu sii adkaysanaayo.

Shaqsi walba oo noolaa labaatankii sano ee u dambeeyay waxaa waajib ku ah inuu xisaabtamo, naftiisa xisaabsho, fikiradihii uu taageersanaa miisaamo si ay u suurtoowdo wada tashi guul keena. Balse horta, Xakum nafsak. Xakum Nafsak, HUUNO.

 By ALI H Hersi

Source-wadhaf editorial

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player