gudoomiyaha guud ee ururka dhalinyarada gobolada awdal iyo salal mustaqbal youth council oo waxba kama jiraan iyo mala awaal ku tilmaamay ku dhawaaqida wax loogu yeedhay awdalstate

gudoomiyaha guud ee ururka dhalinyarada gobolada awdal iyo salal mustaqbal youth council oo waxba kama jiraan iyo mala awaal ku tilmaamay ku dhawaaqida wax loogu yeedhay awdalstate

waxa dhawaan lagaga dhawaaqay meelo ka mida qurbaha waxa lagu magaacabo awdalstate xaflada oo u muuqatay aroosyada ka dhaca dhulkan soo buux dhaafiyeen dad asal ahaan ka soo jeeda koonfurta somaliya laguse sawiray inay yihin bulshoweynta degta awdal iyo salal oo ay soo qaban qaabiyeen shaqsiyaad aan awalba sumacad ku lahayn dhulka ay sheeganayaan kaashanaya cadowga somaliland oo u muuqday kuwo ku haftay la jaanqaadka nolasha qurbaha iyaga isticmaalaya ereyo ay ku dheehantahay cadownimo
dadwaynaha ku abtirsada gobolada awdal iyo salal oo ah bulsho degaan ahaan degta ethopia, jibuti ,iyo somaliland waxay hore go,aan ugu gareen gooni isku taaga somaliland sanadkii 1991 shirkii ka dhacay magaalada burco sidoo kale waxay magaalda borame shirweyne nabadeed ugu dhigeen dhamaan beelaha dega dhulka somaliland halkaa lagu qabtay heshiiska ilaa imika somaliland ku dhisan tahay mana jirto cid ama beel ama degaan gaara ka noqday heshiiska midnimada iyo jiritaanka somaliland waa muqadas aan cid lagala gorgortami karin dhamaanba qurbo jooga reer awdal meel kasta oo ay jogaanba waa dad macquula ceeb ka saliina dantooda iyo danta umada ay wada degan yihiin dhowra shaqsiyaad faro ku tirisa ayaa maalmahan modaa inay wasakhaynayaan sharafta iyo sumcada qurbojooga reer awdal ku dhex leeyihiin bulshada ay walaalaha yihin. waxan shirweyne ay dhalinyarada qurbo jooga north america degan oo ah kii ugu weynaa noociisa oo kale dhalinyarta gobaladan degta qabsadaan ku qabsadeen DALLAS TEXAS USA isla markaana ay xiriir toosa la sameyay dhalinyarada qurbojooga reer awdal europe asia degan ay go,aansadeen inaanay cidna ku matalin shaqsiyaadka sida ula kaca u wada kharibaada iyo hurinta colaadeed sokeeye oo dadkani mar hore ka tashadeen, anaga oo og in dadka wadaayi ay yihiin shaqsiyaad cv fiican aan ku dhex lahayn dadka ay magacooda sheeganayaan. cida danta gobolka jecel waa inay ka qayb qataan arimaha horumarka ka socda gobolka sida tageerida dhisida wadooyinka dhisida dekada lughaya arimaha wax barashada caafimaadka iyo wixii asaas u ah horumarka umada degta gobolada awdal iyo salal, kala goyn goynta dalka iyo sheegsshada magaca guud umada waa mid aan sina loo aqbali karin cida ku kacday iyadaa qaadi masuuliyada wixii ka yimaada,waxan u taaganahay astaan lagu daydo xaga horumarka ma nihi bulsho kaga dayata siyaasada fashilantay koonfurta ku dhisan gobolaysiga iyo kala qaadqaadka dadka wada dashay walaalaha ah . anaga oo ah ururka mideeya dhamaan dhalinyarada awdal iyo salal qurbaha magaciisa lo soo gaabiyo future youth council waxan si cad u tageersanahay midnimda somaliland anaga oo ah bulshoweyntii shalay dhidibada u taagtay nabada iyo horumarka maanta somaliland ku haysto sumcada ay ku leedahay dagaanka kana soo qabanay xilka ugu sareeya dalka haday jiraan wax cabasho ah waxa u maryna heydaha dawliga ka jira dalka ay khusayso. cid kasta isku dayda mala awaaal iyo been abuur ku dhisan shaagshada magaca guud bulshoweynta awdal iyo salal waxan cadeynaynaa inay iyaga khaas u tahay cid la qabta iyo cid ay ku matalaan toona aysan jirin.waxan si cad u ayidsan nahay xukuumada sida diqmuqraadiga ah lagu soo doortay ka talisa dalka suldaanada cuqaasha culimo awdiinka mutacalamiinta iyo dhamaan qaybaha bulshoweynta degta awdal iyo salal waxa naga go,an wada noolashaha. is kaashiga, iyo horumarka ay ku dhisan tahay dawlada somlaind
WA BILAAHI TAWFIIQ
GUDOOMIYAHA GUUD URURKA DHALIYARADA QURBO JOOGA AWDAL IYO SALAL
RIDWAAN AHMED MUHUMED GEELE
DALLAS TEXAS
USA .

ABDIRISAAQ SH CILMI MIXILE  Source-cabdirisaaqcilmi25@hotmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player