Ciidamada Sirdoonka oo Qab-qabtay Eratariyaan iyo Soomaali looga shakisan yahay Argagixiso

Hawl galo ay sameeyeen Ciidamadda Sirdoonka Somaliland labadii maalmood ee u danbeeyay ayaa la sheegay inay ku qab qabteen koox la sheegay inay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka qorshaynayeen hawl galo ismiidaamin ah oo ay ku bartilmaameedsanayeen inay ku qarxiyaan meelo muhiim ah.

Ilaa hada tirade la sheegay in hawlgaladaas lagu qab qabtay waxa ay gaadhayaan ilaa sided xubnood, kuwaasoo laga qab qabtay qaarkood huteelo ku yaala magaaladda Hargeysa oo ay in muddo ah deganayeen, halka qaarkoodna laga soo qabtay MADARKA berbera iyagoo ka sii dhoofaya.

Ilaa hada Xukuumadda Somaliland wax war ah kamay soo saarin hawl galka ay dadkaas ku qab qabteen hase yeeshee warar Xogogaal ah ayaa sheegaya in Kooxda Eratariyaanka ahi ay beegsanayeen Dalka Uganda oo ay doonayeen inay weeraro ismaadimin ah ka fuliyaan sidii ay hore uga fuliyeen kooxaha Xag-jirka ahi.

Kooxda kale ee Somalida ah ayaa la sheegay iyagu inay ahaayeen qaarkood kuwii gadhwadeenka u ahaa kooxda Eratariyaanka ah waxaana soo baxaya tuhuno laga qabo inay yihiin hawl fududeeyayaal in muddo ah ku shaqaysan jiraya arrintan, halka qaarkoodna ay u socdeen inay Somaliland gudaheeda hawl galo ka fuliyaan.

Source-waaheen

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player