Cidi Idinka Dhagaysan Mayso, Siina Socon Kari mayso

Aduunku wuu kala fogyoo buuraha gaashaman iyo bad baynagu kala gudbane, gudoon barsho
horliyo Salaan guud baan sidaa, mid gaarana waan wadaa aan soo gooyee giblada
walaalayaal geestayda nabad.

Habarcafaan mid baan odhanayaa muxaafadna ma nihin mucaaradna ma nihin, cidi idinka dhagaysan mayso.

Mahadcasena mid baan odhanayaa labatankii sanno ee tagay colaadi iyo cadalad daradii ay sheegi jireen todoba
bilood buu ku dhamaaday, cidi idinka dhagaysan mayso.

Makaahiilna mid baan odhanayaa 20 sanno ka hor gooni isu taagii SDA ay waday ee ay diideen,
maantaan doonaynaa, cidi idinkama dhagaysanmayso.

Salaadiinta mid baa odhanayaa
soddon suldaan oo aan midna mid aaminsanayn, midba midka kale dabo marayo , midba ka kahoreeya khilaafayo ,
dan samroon baan soo wadnaa cidi kama dhagaysanayso,
haday ku shaqaysanayaan magaca suldaan nimadana waa gaar, hadii kale suldaan talada guud ee samroon ka go’do ha keenaan,
ama ugaaskii ha u yeedhaan.ha mideeyo talada samaroone.

Siyaasiyiintana mid baan odhanayaa
hadaydaan u hadli karayn ama aydaan gudbin karayn waxa ay doonayaan dadka idin soo doortay,
dad iyo gobolaan matalnaa cidi idinka dhagaysanmayso.

Suxufiyiinta mid baa odhanayaa
suxufinimadan qabyaaladaysan iyo kolba jar isku qaadanka jibaysan.oo hadana aad leediin xaqiiqadaan sheegnaa,
iyo dan guud baan wadnaa, cidi idinka dhagaysan mayso.

Isaaqna saddex baan odhanayaa
Cuno qabatayn kolba dhinac loo soo maro oo 20 sanno ka badan,
oo xiis iyo maydh bagaashka ka soo daga saylac ha loo iib geeyo, neefka saylac joogana barbara ha
laga raro, dakadahayaga iyo gagooyinka dayaaradahyga wixii ka soo daga ayuunbaa sharciya iyo waxaan soo dajino,
dakadihiinuna iyo gagooyinkiinka dayaaraduhuna ha xidhnaadaan, waxna ha soo dajinina, sii socon kari mayso

Samiqaybsigan aan beel, gobol iyo dagmo midna ku dhisnayn oo kolba inan yari xeer jeebka kala soo baxo, iyo dad
xakuma dhul aanay u dhalan sii socon kari mayso.

Caalamka anaa idinka turjimi, aniga ayuunbay igu koobnaanaysaa wixii dheefa, sida mashaariicda hayadaha, dhismaha wadooyinka
, dhisma garoomada dayuuradaha, dhismaha adeegyada dan yarta iyo bulshadaba,
iyo wax ciidaa ka badan idinku dhibta qaata sii socon kari mayso

Alaa Mahad Leh
Eng Ibrahim Suge Tarar

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player