Bayaan Saxaafadeed: Golaha Hoggaanka Tolka oo mar labaad adkaynaya aragtidii lagu aasaasmay

Bayaan Saxaafadeed: Golaha Hoggaanka Tolka oo mar labaad adkaynaya aragtidii lagu aasaasmay

MINNEAPOLIS, U.S.A, APRIL 23–Golaha Hoggaanka Tolku wuxu xilliyada qaarkood soo saari doonaa bayaano oo uu ku iftiiminayo arrimo uu ka werwersan yahay ama uu danaynayo.  Haddaba ujeedada Goluhu ka leeyahay bayaanka soo socda waxa weeyi in uu:

  1. Mar labaad ku celiyo adkeeyana in taariikhda, waayaha maanta jooga iyo mustaqbalka nolosha dadka ku dhaqan gobolka Somaliland ay yihiin qaar si adag isku tidcan oo aan la kala furfuri karin. Taa macnaheedu waxa weeyi in sida taariikhdoodii hore iskugu soohan tahay ay waayaha nololeed ee ay haatan ku jiraan iyo masiirka da’aha so socdaaba ay sidaas oo kale iskugu lammaan yihiin.

Haddaba ilaalinta iyo korinta xidhiidhkaa hodanka ah ee sida xoogga leh iskugu lifaaqan wuxu uga baahan yahay bulshada (beelaha) oo dhan in ay:

  1. Xoojiyaan danwadaagga quruxda badan iyo garaadka habboon ee had iyo jeer ku salaysan astaamaha ah hab dhaqameed bulsho iyo nabad waarta:
  2. Yareeyaan wax kasta oo keeni kara fanqooqid iyo kala fogeyn bulshada, abuurina kara necbaansho iyo kala jajab colaadeed.

Qodobka hore wuxu xushmaynayaa nolosha, mustaqbalkana wuxu ka dhigayaa mid shacni iyo rajo fiicani ka muuqato oo hakisa haddii aanay ka adkaanba aafooyinka dadkeenu la lee’deen oo ay ka mid yihiin gaajada, cudurrada iyo qaar kale oo horseed u ah horumar la’aanta.

Qodobka labaadna wuxu dhalan doorinayaa taariikhda iyo waayaha hadda jira wuxuuna saboolnimo dhaxalsiinayaa mustaqbalka.

  1. Si xushma leh u xusuusiyo Masuuliinta Hargeisa fadhiya in bulshada Gadabuursi ay leedahay cabashooyin run ah oo u baahan in si degdeg ah oo wax ku ool ah in wax looga qabto. Cabashooyinkaa waxa ka mid ah:
  • In si cadaaladi ku jirto loo qaybsado kuraasta golayaasha sharci dejinta, dawladda iyo haya’daha fulinta iyo maamulada dawaladda.
  • In si xikmadi ku jirto loo soo afjaro muranka dhulka ee meelaha qaarkood ka taagan
  • In si degdeg ah loo baadho loona soo taago maxkamad lana xukumo dadkii ka masuulka ahaa dilkii loo geystay dadkii masaafurka ahaa ee aan waxba galabsan ee iyagoo socdaal ah lagu laayey jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Boorama bishii July 11, 2009.
  • In si siman loo wadaago joogitaanka hantiyeed iyo aqooneed iyo xarumaha ay haya’daha caalamiga ee aan xukuumiga ahyni ku leeyihiin dalka.

Waxa hubaal ah haddii aan tallaabooyin wax ku ool ah oo ka soo baxa meelaha ugu sarreeya xukuumadda waqti fiicana ku qabsooma aan laga qaadin arrimahan in ay keeni karaan in fogaanshaha bulshada Gadabuursigu sii korodho.

  1. Ku dhiirrigeliyo xubnaha Tolka ee ku dhaqan daafaha dunidu in ay fiiro dheer oo mug leh siiyaan isku dheelitirkaa aan sinaba looga maarmayn ee waaraya oo ah: in qofku xaq u leeyahay in uu wixii maskaxdiisa ku jira cabbiro isla markaabana dusha u rito masuuliyadda culus ee ah in uu iska ilaaliyo in uu ku dhaqaaqo tallaabooyin degdeg ah oo aan si fiican looga baaraan deign. Arrintan dambe waxay keeni kartaa ugu yaraan in ay dhaliso wareer bulshada dhexdeeda ah iyo iska hor imaad colaadeed oo bulshada u hor seegi kara kala jajab oo liciifin kara awoodeeda. Arrintani waxa kale oo ay dhaawici kartaa isku dhawaanshihii beelaha wada nool.
  1. Adkeeyo in hawsha udub dhexaadka u ah jiritaanka Golaha Hoggaanka Tolku ay tahay in ay abaabulaan shirweyne bulshadu isugu timaado magaalada Boorama bisha December 2011. Abaabulka shirkuna si fiican ayuu u socdaa ujeedadiisa ugu muhiimsanina waa in la dhiso hoggaan karti leh, hufnaan leh, lagu dhan yahay, laguna midaysan yahay oo waari kara.

Golaha Hoggaanka Tolka

Golaha Hoggaanka Tolka, oo dhidibada loo joojiyey , bishii Abriil 1-3, 2010 magaalada Minneaplois, Gobolka Minnesota ee Carriga Maraykanka, waxay ujeedadiisu tahay in uu noqdo urur keena hoggaan ay leeyihiin Tolka ku nool Geeska Afrika iyo adduunka oo mideysan, hodan ah, oo nabad kuwada nool, nabadna kula nool dadka ay oodwadaagga leeyihiin iyo deegaankooga dabiiciga, awoodina kara in ay kor u qaadaan ilaaliyaana xuquuqdooda ay wadaagaan ee bulsho, dhaqaale, hantiyeed iyo aadami.

Wixii tafaasiil ah waxad kala soo xidhiidhaa: Xafiiska Xidhiidhka Tolka:

Email: (  tlc@tolleadershipcouncil.org or contacts@tolleadershipcouncil.org )

Website: http://tolleadershipcouncil.org/

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player