Magacyadda Ardeydii Reer Borama Ee 1960kii Wax ku Baran Jirey Dugsigii Hoose Dhexe Ee Dhayga, Macalinkoodii Walter Stewart Oo Muddo 48 Sanno ka dib Borama Ku Soo Laabtey iyo Taariikh Nololeedkii Prof Mohamed Sh. Abdilahi Hoori + Sawiro.

Prof.Mahamed Sheikh Abdilaahi Hoori waxa uu ku dhashay Magalada Wajaale 1940yadiii  waxa uu waxbarashadiisii malcaamada Quranka ka bilaabay magalada Borama sanadkii 1944ki wakhtigaas oo uu ahaa 4jir, waxaana uu dugsigii hoose dhexe uu ku soo qadatay dugsigii la odhan jiray dhayga oo loo yaqan hada Al-aqsa School 1954-1963 mahamed sheikh abdilaahi hoori  markii uu dhamaystay dugsiga dhexe waxa uu u qalacoosamay oo uu u digo rogtey {CTC] clerical Training laakiin waxa talaabadaas uu qaadey u diiday macalinkiisii oo Walter Stewart oo u balan qaaday inuu sii wato waxbarashadiisa ilaa heer jamacadeed isla markaana wuxuu balan qaad buuxda ku siiyey in uu nolol maalmeedka xafadooda oo dhan bixinayo taas oo uu kagga dhabeeyey, Walter Stewart waxa uu ahaa macalin Maraykan ah oo magalada Borama taariikh aad u wayn ku leh waxan uu yimid Borama 48 sanno ka dib oo ku beegneyn sanadkii 2008-2009 isaga oo wata sawiradii ardaydii xiligaa 1963 wax ka baran jirtay dugsigaas, Waxaa kale oo uu Macalin Walter Stewart uu

The class graduates of 1963
Lowest row(sitting) from right to left;
1.Abdirahman  bakhaargudhiye” in pink shirt  (In Abu Dhabi)
2.Mohamed Hussien hadi  (In Canada)
3.Faysal Mohamed Hassan. (in Abu Dhabi)
4.Hussein Jama “Maraykan”  (In Canada)
5.Hassan Tubeec  ( in Hargeisa)
6.Mohameed Ali Qaadac ‘holding the book’ (in yemen)
7. Ibrahim Haji Abdi ( Rahama Allah)
8.Mohaned Khalif “Xawasheeye” (Raxama Allah)
9.Omar Farah Abraar (in Borama)
10.Muse Mumin Maydal. (Rahama Allah)
11. Ali Ayeh (holding a book over his head) (Rahama Allah)
12. Ali Allatuuk  (in Djibouti)
13.Abdi Aadan Awaleh  (In Nairobi)
14. Mohamed Ali (In Canada)
Standing Row – from right to left
1. Adan         (saanfiil) (rahama Allah)
2. Muse Osman (Rahama Allah)
3. Mohamed Nuh Ali (In Canada)
4. Mohamed Barkhad ‘Xamaal” (in Hargiesa)
5. Abdulasis Abdulle Mubarak (Rahama Allh)
6. Abdi Awil (Rahama Allah)
7.Abubaker Dahir (in Djibouti)
8. ‘Captain’ (In Borama)
9. Ali Jama ‘cantar’ (in Borama)
10.Hassan Haji Dahir ( Rahama Allah)
11. Mohamed Sh. Abdillahi (Rahama Allah)
12.Abdillahi Ahmed Dafe =holding hands up-= ( JigJiga)
13.Ismail Muse ( Sweden)
14. Ibrahim Hassan (in Plastine)
15 Omar.
16. Ali Abdulla Sancaani (Borama)
17. Elmi Ibrahim ( Borama)

Prof Mahmed sheikh Abdilaahi Hoori waxa uu waxbarashadiisii dugsi sare ku qaatay sheikh secondary school ilaa iyo 1968kii halka ardaydii ay isku fasaka ka ahaayeen qaar ka mid ah oo ay ka mid yihiin Prof Maxamed Barkhad Miigane Hamaal, Prof Maxamed Cali Qaadac, Abwaan Axmed Cabdilaahi Daffe iyo qaar kaloo badan ay iyaguna 1968kii ka qalain jabiyeen Amoud Secondary School oo maanta ah halka ay ku taalo Jaamacada weyn ee Amoud University, Prof Mohamed Hoori Markii uu ka baxey Sheikh Secondary School waxa uu scholar ship ka helay dalka Maraykanka isaga oo halkaasi ku soo diyaaray cilmiga loo yaqaano Chemical Engineering taas oo ka soo qalan jabiyey Jaamacada Weyn ee South Carolina, Sidoo kale waxa uu Prof Hoori takhasusyo badan ka diyaariyey dalkaasi gudihiisa sidda Sonkorta iyo Cadaradda, Prof Maxamed Hoori waxa uu dalka ku soo laabtay 1970kii isaga oo ka noqday dalka gudoomiyihii warshadii Sonkorta ee qarankii soomaaliyeeed . professorku waxa kale uu ahaa qoraa aad looga tixgaliyo geeska africa waxana uu kamid ahaa qorayasha ugu caan san Africa waxa ay buug wadda qoreen xoghayihii hore ee qaramada midoobay Cofi Anan, buugaas oo la yidhaahdo VOICES FROM AFRICA THE EIGHT, Professorku waxa u ahaa Directorkii NGO ga ARDA oo loo Soo gaabiyay AWDAL REHABILITATION AND DEVELOPMENT ASSOCIATION, Professorku waxa hawlo badan oo dib u dhis ah ka fuliyay Magaalada Borama, sidda dhismihii ugu horeyay ee jamacada camuud isaga oo kamid ahaa ragii ugu waa waynaa ee Jaamacada dhidibada u tagay manhajka jamcada qayb wayn kaqatay, Sanadkii 2002 ayuu Madaxweynihii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Professorka u magacabay hormuudka Commissionka doorashooyinka Somaliland taas oo ilaa  sanadkii 2004 uu ka mid ahaa naadigaas Commissionka qaranka Somaliland, Macalin Walter Stewart oo ay saaxiibo ku ahayeen dalka Maraykanka, markii uu Macalin Walter uu yimid Magaalada Borama oo ay ugu dambeysey mudd 48 sanno ah isaga oo aad u raadinaya qoyskaas ilma Hoori oo uu aad usoo gacan qabtay. Wakhtigii ay ciyaal iskulka ahaayeeen waxana uu xasuuusna dhaliyaradii wakhtiga waxkabaran jirtay magalada borama. Oo ay intoda badan noolyihiin .

Waxa kale oo markii uu Walter Stewart yimid Magaaladda Borama uu aad u xasuustaa qaar ka mid ah ardeydiisii oo uu ugu horeeyey Professor Mahamed Barkhad Miigane Hamaal oo isagu hada ah xildhibanada ka mid ah golaha baarlamaanka Somaliland isla markaana ah macalin wax ka dhiga Jaamacada Hargeysa iyo walaalkii oo isagu hada dhiga jamacada EELO AMERICAN UNIVERSITY ee maadada Engineering Materialska Professor Ahmed Abdi Hoori, Abdilaahi ahmed dafe iyo rag kalE oo aad u badan, Nasiib wanaag markii uu Mr Walter Stewart yimid Borama waxa uu la kulmey ilaa lix ardey oo ka mid ah ardeydii uu macalinka dugsiga dhexe u ahaa kuwaasi oo dhamaantood ka hawl gala hayadaha dawliga ah iyo kuwa caalamiga ee ku sugan Somaliland, marti qaar taariikhi ah ee ay u sameeyeen maclinkooda oo ka dhacey wakhtigaas Hutel Rays waxa goob joog ka ahaa saxaafada gobolka Awdal, Macalin Welter Stewart ayaa soo saarey sawiradii iyo buugii uu ardeyda ku xaadirin jirey wakhtigaas isaga oo aad u xafidey muddo ku dhow qarni badhkii. Waxa kale oo uu walter stewart aad uu u xasuustaa dad kale oo badan oo Reer Borama ah oo iyagu hada dalka maraykana jooga isaga oo ka xusay xafladii aad ka u balaadhnayd ee loogu qabtay Hotelka Rays ee magalada Borama.

Walter stewart waxa uu aad u la yaabey Magaaladda Borama sidda ay isku badashay isaga oo sheegay inay ahayd geedo kaliya wakhtiyadii lixadankii  waxana u yidhi Borama ilaa Maraykan dadka ka joogaa waa wadda dad intellectuala oo Professoro u badan taasana maanta sobobtay in aan Borama yimaado iyada oo leh labo Jaamacadood oo aad u waa weyn, waxaana

Waxaa iyagguna Xafladaas ka hadley dhamaan ardeydiisii intii nasiibka u yeelatey in ay la kulmaan macalinkoodii dugsiga dhexe u dhigi jirey gaar ahaan markii ay marayeen labada fasal ee kala fasalka todobaad iyo ka sideedaad ee dugsiga dhexe oo ku beegney sanadkii 1963-1964kii.

Source-Camuudnews

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player