Xukuumadda Siilaanyo ma u hirgali doontaa shirarkii Somaliweyn ee 17 sano ka hor laga Diiday Marxuum Cigaal

Waxa maalmahan isa soo taraysa dood siyaasadeed oo toddoba iyo toban sano ka hor ka aloosnay Somaliland, taasoo ahayd Somaliland siday fursad ugu heli lahayd inay ka midho dhaliso hamigeeda dhinaca Ictiraafka.

Hamigaasi waxa uu Somaliland gayaysiiyay inay duruufo badan u soo marto ka midho dhalintiisa hase yeeshee ilaa hada dooda ku saabsan sidii ictiraaf loo heli lahaa waa mid wali taagan, qofkastoo reer Somaliland ahina dhinaca saxda la ah iska taagayo, nuxurkeeduna waxa uu yahay qaabka Somaliland ay ula hadli karto Somaliya oo Caalamka qayb ka mid ahi ku xidheen in ay aqoonsi siiyaan.

Maamulkii marxuum Cigaal ee 1994 kii markii laga diiday inay Somaliland dhaxasho kursigii Somaliya waxa uu isku dayaymarkii danbe inuu shir kooxahaas ugu qabto Somaliland si uu uga dhiraan dhiriyo aqoonsiga, soo jeedintaana waa lagu gacan saydhay, waxaana aad uga horyimi Golayaasha Baarlamaanka.

Taasina waxay aakhirkii keentay in Xukuumaddii Cigaal istaagto mawqif ah marka la helo Dawlad si buuxda uga wada talisa dhulka dalkii Somaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray inay diyaar u tahay inay la hadasho, mawqifkaas oo ahaa kii ay isla xukuumaddii Rayaale ku shaqaysay wakhtigeedii.

Arrintaasi waxay is bedeshay markii xukuumadda Siilaanyo talada qabatay oo aad moodo inay qaadatay mawqif ka dabacsan kii hore, iyadoo ka qayb gashay shir arrimaha Somaliya lagaga hadlayo oo aanay Xukuumadihii hore ka qayb galin.

Waxa hadaba su’aashu tahay maxaa bedelay mawqifkii Siilaanyo oo xiligaa ahaa Mudanayaashii ugu cad cadaa ee ka soo horjeestay mawqifkii Xukuumaddii marxuum Cigaal, suurtagalse ma u noqon doontaa inuu hirgaliyo wixii uu ka diiday Marxuum Cigaal.

Si aynu u ogaano arrintan iyo marxaladihii ay soo martay aynu dib ugu noqono Sooyaalka Taariikheed ee ay arrintani soo martay.

Khilaafkii Golaha Wakiilada iyo Marxuum Cigaal ee ku saabsanaa Siyaasada debeda 1994 kii

8/8/94. ayaa Goluhu waxa uu go’aan ku gaadhay  in Madaxweynaha uu Golaha horyimaado  kalana soo qayb galo fadhi wada jir ah si uu faahfaahin uga bixiyo mugdi galay siyaasada arrimaha debeda.

Arrintan u yeedhitaanka Madaxweynaha oo muran badan oo sharciyada ah dhalisay Madaxweynuhuna uu qabay inaan Axdi-qarameedku dhigayn balse uu la kulmay Guddiga Siyaasada Arrimaha Debeda ee Golaha Wakiilada warbixina ka siiyay, ayaa xubnaha Mudanyaashu ku qanci waayeen iyadoo shir-gudoonku caddaadis ku saaray in uu Madaxweynuhu hor yimaado Golaha.

Murankan oo ka dhashay safar uu madaxweynuhu ku tegi lahaa Dalka Masar iyada oo mudanayaashu u arkayeen in cidda keliya ee ictiraafka Somaliland hortaagani tahay Dalka Masar, safarkaas oo shaki badan dhaliyay.

Muran is mari waaya oo qir iyo qir ah ka dib  ayaa madaxweynuhu  Maxamed X Ibraahim Cigaal go’aan saday in uu   ka soo qayb-galo kulan wada jir ah oo labada Gole u dhan yihiin (Wakiilada & Guurtida).

Khudbadkii Madaxweyne Cigaal uu ku iftiiminayay   Mad-madaw siyaasadeed oo soo kala dhex-galay Golayaasha Qaranka 21/8/94

Khudbadan oo ahayd khudbad aad u dheer dhinacyo badana uu madaxweynuhu kaga hadlayay oo ay kamid ahaayeen, siyaasada arrimaha debeda, errintii Unisom iyo xaalada guud ee dalku marayo, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:-

Aad iyo aad ayaan labada Gole ugu mahad celinayaa anigoo ku sii jeeda socdaal masar ah, waxaan kaloo u mahad naqayaa labadii beelood ee ka maqnaa Golayaasha oo ku soo biiray (habaryoonis & Warsangeli).

Dhawr siyood ayaa safar kaygani suuqa u galay, anaga Masar ayaa na weydiisatay inaan u tagno socdaalkii dheeraa ee aan ka soo laabtay ayaan Jabuuti kula kulmay safiirkooda ayaa igu yidhi madaxweynaha ayaa ku raba, maadaama ay dad dhawr jeer wax ka sheegteen taa safiirka  anigu maan tixgelin waxaananu qaatay tii carabta.

Wasiirkeena arimaha debedda ayay is arkeen madaxweynaha masar waqtina ka soo qabtay socdaalkaa horena waxaan u baajiyay M/xigeenka ayaa xanuun sanayay, 25 bishan ayaanu balanay wasaarada arrimaha debedda ayaana u xilsaaray laba arimood ayaana dhacay oo kala ah:-

1.    Butrus qaali iyo Unisom oo aanu is qabanay

2.    Shirkii Soomaaliya oo lagu qabanayo Qaahira

Anigu ina Cigaal ahaan Soomaaliya ma nebci waayo Riisal-wasaare ayaan kasoo noqday laakiin maanta waa la-kala danaystay.

Sideedaba debed u baxa dhib aan laga soo kaban Karin ayay keeni kartaa, faa’iido weynina way ka iman kartaa, waa in aad ku talo gal aad ka yeelataa haddii aan tago waxaan la tegeyaa masar oo ah meesha kabta faygeeda inagaga taagan inay inagala hadhaan Soomaaliya ma kala go’i  karto, waxaa kaloo ka mid ah ku talo galkayga in albaabadan carbeed ee inaga xidhmay inaga furaan.

1991kii ayaa Burco lagaga dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland anigu cid xukumi maayo mid jooga iyo mid maqanba waayo eel badan ayaa dhacay oo wixii la qaban lahaa is hortaagay, waxaad moodaa ilaa shirkii Sheekh iyo Boorame in caalamkii ku baraarugay in gooni isu taagu inaga run yahay.

Boorame waa inagii ku soo dhisanay Golayaasha, waa run waa laynoo soo doortay in dalkan ictiraaf u raadino, dadkana la walaaleeyo mudo dheer hawluhu si fiican ayay inoogu socdeen, in mudo  ka soo wareegatay shacabka iyo madaxdu is ku mid ayay ahaayeen.

Dhawaaqii Burco siyaasadii jirtay waxaad moodaa inay wax ku soo biireen oo qaranimadii shaki la geliyay, lana xalaashaday oo weliba inaga shaki layna geliyay, Goluhu wuu ii yeedhay waana ka yara biyo diiday igamana ahayn madax adayg iyo yasid aan Golaha yasayo, haddiise aanu shirnay  wixii suuqa galay iyo waxaanu is nidhi isku mid may ahayn, waxayna ahayd kursi aynu wax ku leenahay ayaa jira markaas kursigaas inaga oo Somaliland ah aynu ku fadhiisano oo ay fikradaydu ahayd.

Newyork-na waan tegeyaa Ereyga dhaxal waa kelmad Engelish ah oo la turjumay maadaama aan lahayn kursigaa aan inagu ku fadhiisano, rag ayaa yidhi waar wax cusub aan doonano oo nimankaas (Soomaaliya) waxay leeyihiin inaga daaya anigana haddi arrintaas laygaga shakiyay waxaa waajib ahayd in maxakamad lay saaro waayo waa khiyaamo qaran, haddii labada Gole goostaan Soomaaliweyn anigu idin raaci maayo.

Ictiraaf debeda ka imanayaa ma jiro ee waxa uu ku xidhanyahay waa in xukuumadu raadiso, xukuumad ahaana dhaliil ayaanu leenahay waqtigii waa inaga dhamaaday sideed bilood ayaa ka hadhay haddii aan iminka wax la dhamayna sharci nimadii Golayaasha way dhamaatay, sideedaa bilood waa in aan wax dhamaynaa oo sedexda Gole isu yimaadaan si mar danbe Somaliland boodhka looga tumo.

Goboladii waxay Dawladu u gaadhi wayday idinkaa dabada na haya ee yaan lays dhafoor taaban, siddii wax ku dhismi lahaayeen waad ogtihiin ilaa Gobolada oo dhan Dawladu gaadho waxba ma nihin.

Unisom maanta ayaan diray Boorame ayaana ka dhoofiyay, arrinkeena wixii talo aad ka bixinaysaan idinka ayaan idinka sugayaa, dawladuna keligay maaha ee wixii aad saluugtaan Wasiir ayaa qaabilsan ee u yeedha wixii rayi ah ee aad haysaan nagu kordhiya.

Unisom  waxyaabihii aan isku qabanay waxaa ka mid ahaa, Ogolaada hadaad Unisom tihiin dalkii Afweyne xukumi jiray inuu kala jabay oo ilaa xamar bogsato naga daaya.

Madaxweynuhu wuxuu Golaha ka hor akhriyay warqad uu Butrus Qaali u soo diray taas oo Xuduuda Somalliland Unisom ogolaatay inay sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin maamulka Somaliland.

Waraaqo kale ayay qaybinayaan iyagoo Sool iyo Sanaag ka saaray maamulka Somaliland.

Barnaamujkii hubka dhigista way nagaga baxeen, Reinfair lagama hayo waxay ku balan qaadeen, ilaa hadda sideed mashruuc ayaan ku balanay oo aan ugu talo galay gobolada oo dhan balamahaana way ka baxeen, Xoghayaha Guud ayaan warqad u qoray waxaana ku idhi ismaan dhaaf ayaa na dhexmaray anaga iyo Unisom waxaan doonaynaa inaan isu nimaadno, waxayna soo direen wefti farsamo waxna kama bedelin ismaan dhaafkii,  dabadeedna waan erinay Unisom.

Intaa kadib Sarkaalkii Unisom u qaabilsanaa Soomaaliya oo ahaa nin Sambabwi ah  ayaa yidhi aynu wada hadalo, waxaan idhi hadalkeena haddii aad ka bilaabayso Somaaliya iyo Somaliland waa laba qoys waan kula hadlayaa, haddii kale maya, arritaana waxaan gaadhsiinay xoghayaha guud ee Qaramada midoobay waxaanuna ku nidhi sidan:

1.    Haddii aad doonaysaan inaad wax nala qabataan ciidan aan Unisom ahayn noo abuura.

2.    Waaya oo iska daaya farahana nagala baxa.

Unisomna sidaas ayay ku tagtay, rag farabadan ayaana xaq ku leh Looyar ayaana loo qabtay laba nin ayaan la soo hadhnay si dadkii lacagta ku lahaa ay u siiyaan, si aanay u dhicin arrintii Reing fair oo kale oo iska hor keentay shaqaalihii iyo Dawlada, Unisomna wax danbe oo ka soo noqonayaa ma jirto

Su’aalihii Mudanayaashu waydiiyeen Madaxweynaha qudbadda ka dib

Markii qudbadii madaxweynuhu dhamaatay sida caadadu ahayd waxa shirgudoonku ku dhawaaqay ciddii su’aalo weydiinaysa madaxweynaha waxana is qoray mudanayaal kooban oo ay ka mid ahaayeen:

1.    Mud: Xuseen Axmed Caydiid

S/1. BBC iyo Jaraa’idkaba waxaad ku sheegtay in arrintaas aad soo hordhigtay  Golaha Wasiirrada lagaagana cod batay, maxaa kugu kelifay inaad weli ku  Dheganaato?

S/2.  Haddii Ictiraaf loo waayo Somaliland inay dhaxasho Soomaaliya miyaanay fashilaad ku ahayn S/land?

J/    Madaxweynaha: Xuseen waxaad ka mid ahayd Guddidii Goluhu ii soo diray su’aalahaas oo dhana shir ayaynu ku dhamaysanay arrinkaasna waan kaa   shaafiyay, Golaha wasiiradana wixii jiray waanu dhamaysanay, hadaba inuu       hadho hadalkani maxaa loo diidan yahay, hadeerna waxba kuma darayo

2 Mud: Maxamuud Axmed Bare (Garaad)

S/1.  Masar waa wadan ina neceb ma ka fiirsatay in arrintaasi sharaf dhac inoogu sugan tahay?

J/  Madaxweynaha: Arrintaas waxaan u diray wasiirka arrimaha debeda si uu wax   badan inoogu soo qaado.

3 Mud: C/raxmaan Cismaan Caalin:

S/1.  Jaraa’idka waxaad ku sheegtay in Beesha Samaroon maahee aan cid kale S/land doonayn, taasi miyaanay adiga carqalad kugu noqonayn?

S/2.  Waqtigii Golayaasha sideed bilood ayaa ka hadhsan dastuur diyaar ahina ma jiro, miyaanay lagama maar-maan ahayn in talaabo la qaado, Golaha wasiiraduse wax diyaar ah oo arrintaas wax lagaga qabanayaa ma jiraan?

S/4.  Bariga S/land siyaasad ayaa ka socota waxaa laga yaabaa in Go’aano lid ku ah S/land ka soo baxaan, maxaa qorsha ah oo aad ka dhigateen arrintaas

J/ Shalayto Samaroon ayaan majeertay Beritana Habaryoonis ayaan majeeranayaa

J/Jiritaanka S/land af iyo adinba diyaar ayaanu u nahay maabab ayaa lays dhaaf sanayaa mid lay diidayaan sameeyey, qaarna Talyaaniga ayaa ka danbeeyey, Shirka Qardho maab ayaa kasoo baxay waxayna Ictiraafeen xadkeena.

Martiqaadkii Ururada Siyaasada ee Koonfureed (Somaliya)

Aqoonsi u raadinta JSL waxa loo galay dedaal badan oo wajiyo kala duwan lahaa, waxa ahmiyad wayn la siiyay in sees adag loo dhiso haykalkii iyo hay’adihii dawliga ahaa, la hanto amniga iyo xasiloonida guud, la diyaariyo shuruucdii & Dastuur sugaya xuquuqaha aasaasiga ah ee ummadda, la furo ururo/Axsaab siyaasadeed, la qaban-qaabiyo doorashooyin xor ah oo dadweynuhu ku soo doorto madaxdooda, la buuxiyo shuruud  kasta oo dawlad looga baahan yahay.

Waxa inta dheeraa, dedaalo diblomaasiyadeed oo loogu baxayay wadamada dibedda, si loogu soo qanciyo xaqiiqada iyo wadciga dhabta ah ee ka jira JSL iyo in Somaliland u qalanto in ay aqoonsi ka hesho bulshada caalamka.

Intaas oo dhan ka sokow, waxa Somaliland isku dayday in ay qal-qaaliso sidii loo heli lahaa maamul midaysan oo ka abuurma Somaliya, oo laga wada hadli karo sidii loo kala bixi lahaa. Waxaa arrintaa tusaale kuugu filan: in  1994kii  badhtamihiisii Madaxweynihii JSL , Maxamed Ibrahim Cigaal u soo bandhigay labada Gole in dhamaan ururada & kooxaha hubaysan ee Somaliya in shir dib u heshiisiineed  Somaliland ku martiqaado, looguna qabto Hargeysa 30.11.1994kii.

Arrintaas sidii aan soo xusnay oo looga dan lahaa in la helo maamul metela Somaliya oo la wada hadlo, ayaa Golaha Wakiiladu ku ansixiyey go’aan Kuna duugay saxeexiisa Marti-qaadka shirkaas oo ay si wadajir ah u saxeexeen Madaxweynaha iyo Gudoomiyayaasha labada Gole.

Wallow ay soo ajiibeen martiqaadka kooxaha la casuumay intoodii badnayd, nasiib darro ma suura galin,  ka dib markay ka  hortageen ragii ka soo horjeeday mucaaradna ku ahaa qaabka siyaasada madaxweyne cigaal oo aan raali ka ahayn hanaanka maamul iyo siyaasadeed ee dalku ku socdo taas oo sabab u noqotay in  dagaal ka qarxo Caasimadda Hargeysa 15.11.1994kii oo ahayd laba todobaad uun  ka hor mudadii shirka loo balansanaa .

Marka dhinaca kale la iska taago talaabooyinka siyaasadeed ee Dawladdu ka qaaday dhinacyada ictiraafka Koonfurta Yaman (cadan) iyo ku dhawaaqidda martiqaadka ururada iyo kooxaha Soomaaliyeed waxay u dhadhamayeen talaabooyin miidaamo ah oo ceeryaani ku gadaaman tahay, nuxurkooduna aanu dhaafsiisnayn in bulshada caalamka la dareensiiyo jiritaanka qaranimada Somaliland”

Sooyaalkan taariikheed wuxuu muujinayaa soo jeedintii marxuum Cigaal iyo mawqifyadii ay Golayaashu iska taageen iyadoo uu ahaa Cigaal Madaxweyne ku dhac leh, oo Golayaasha u soo bandhigayay waxa uu damacsan yahay iyo sida uu u arko inay danta Somliland ku jiro halka Xukuumadda Siilaanyo ay mudadii xilka ay haysay aanay soo bandhigin Siyaasad cad oo dhinaca Arrimaha dibeda ah.

Waxa hadaba looga fadhiyaa Madaxweyne Siilaanyo inuu mawqif cad u soo bandhigo shacbiga iyo Golayaasha si looga baxo jahawareerka iyo shakiga ka taagan arrimaha Dibedda kaasoo imanaya marka lagu war helo talaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday iyada oo aan hore looga war hayn, maalmahanba ay soo if-baxayaan tuhuno hoose oo sheegaya Xukuumadda Siilaanyo inay u hagooganayso ka qayb galka shirar Dawladd Somaliyeed beesha Caalamku ugu dhisayso wixii la isku odhan jiray Somaliya

Source-waaheen

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player