Madaxweynaha JSL ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray haweenka Somaliland munaasibadda maalinta haweenka adduunka ee 8 March

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray haweenka Somaliland munaasibadda maalinta haweenka adduunka ee 8 March.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Hambalyada maalinta haweenka adduunka ee 8 March oo Boqol-jirsatay uu u rajeeyay inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan horumar iyo barwaaqo.

Waxaana Madaxweynuhu uu ku booriyay Haweenka Somaliland, inay meel qudha uga soo wada jeestaan dedaalka ay xukuumada Somaliland ugu jirto xoojinta iyo adkaynta nabadgelyada, taasi oo uu xusay in Madaxweynuhu inay laf-dhabar u yihiin Haweenku, la’aantoodna aan wax horumar ah la gaadhi

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player