Jimco, 11 Feberaayo, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay xukuumadda Siilaanyo inay ka qaybgashay shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, oo uu sheegay inay ka baxeen 20-sano ka hor.
“Shirkan ka qaybgalkiisa wuxuu u ekeysiinayaan Somaliland maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ee ka jirta Soomaaliya, waana khalad ay xukuumadda gashay,” ayuu yiri Faysaln Cali Waraabe oo sheegay in xukuumadda laga doonayo inay jawaab ka bixiso ka qaybgalka shirkaas.
Mudane Waraabe ayaa ku gooddiyay in haddii xukuumaddu ay tallaabo muuqata ka qaadan waydo arrintaan ay iyagu ka xisbi ahaan tallaabo ka qaadan doonaan, isagoo xusay in dastuurka u yaalla Somaliland aysan ku jirin in shir looga hadlayo arriamaha Soomaaliya ay ka qaybgalaan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa dalka Britain uga qaybgalay shir looga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo xusay in shirkaas lagu casuumay Somaliland ayna ahayd ka qaybgale oo keliya.
Guddoomiyaha UCID, wuxuu sheegay in Somaliland ay ka madaxbannaan tahay Soomaaliya inteeda kale, falkaan dhacayna uu yahay mid sumcadda Somaliland lagu luminayo.
Xukuumadda ayaa waxaa horay u dhaliilay xisbiga mucaaradka ah ee UDUB oo xilka ka dagay markii looga adkaaday doorashooyinkii madaxnimo ee Somaliland ka dhacay bishii June ee sannadkii lasoo dhaafay.
Xukuumadda Somaliland oo aan weli aqoonsi ka helin caalamka ayaan ka jawaabin hadalka kasoo baxay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal C. Waraabe, waxaana xisbiga talada haya iyo xisbigan ay horay u ahaayeen axsaab mucaarad ah oo dhaliilo u jeedin jiray xukuumaddii hore.
Source-Hol
















Posted in 





