Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc) oo Cambaareeyey Afduubka Xildhibaanada Baarlamanku ku Sameeyeen Hanaanka Demuquraadiyadda Somalia

 

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC)     

 Ref: Sharmoc30110010    

 Date: 06 February 2011

Ujeeddo: War Saxaafadeed

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc) oo Cambaareeyey Afduubka Xildhibaanada Baarlamanku ku Sameeyeen Hanaanka Demuquraadiyadda Somalia

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) Waxa uu si weyn u Cambaareynayaa Talaabadii Mudanayaasha Baarlamaka KMG ah ee Somalia ay isugu kordhiyeen waqtigii jiritaankooda, taasoo ah Afduub barer ah iyo dhabar jab lagula kacay Hanaankii Dastuuriga ahaa ee sanadihii lasoo dhaafay ay Dowladda KMG ah ay kula tacaamulaysay Beesha Caalamka.

Talaabada ay ku dhaqaaqeen Mudanayaasha Baarlamanka KMG ah ee Somalia oo markoodii horaba ahaa kuwa aan ku dhisnayn hananaan Democracy ah ayaa waxa uu muujinayaa wejiga aan wanaagsanayn ee ay lasoo baxayaan, kaasoo ah ku xadgudubka Dastuurka KMG ah ee Somalia, Afduubka Rabitaanka Shacabka Soomaaaliyeed oo in muddo ahba sugayey in ay arkaan Baarlaman Soomaaaliyeed oo loosoo doorto si Demoqradi ah isla markaana waafaqsan Xeerarka Dalka iyo kuwa Caalamiga ah.

Arrintan Afduubka ah ayaa dhalin karta Khatar ah in kaligiis talisnimadii Dalku ku baaba’ay ay dib usoo laabato, sidoo kalana waxaay dhalin kartaa in dalka ay ka dhacaan banana baxyo loogasoo horjeedo Arrintan sida khaldan ay mudanayaashu u meel marsadeen, kuwii oo aan metelin shacabka maanta dhibaatada ba’ani aay ku haysato Dalka Daafihiisa una dhimanayaan Baad iyo Biya la’aan.

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed ee SHARMOC waxa uu ka dalbanayaaa Mudanayaasha Baarlamanku in ay dib uga laabtaan talaabadii sharci darada ahayd ee ay ku dhaqaaqeen, taas bedelkeedana ay ixtiraamaan waqtiga u qoran Dowladda KMG ah ee Somalia kaasoo ah in ay dhamaan xilka banaaayeen qaybaha kala duwan ee Dowladdu 21-ka Bisha August 2011, dabadeedna ay u daayaan aayaha Somalia shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Sidoo kale Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed ee (SHARMOC) waxaa uu ka dalbanaayaa Beesha Caalamka gaar ahaan UN, EU, AL, AU, IGAD iyo dhaamaan dalalka daaneeya Arrimaha Somalia in ay joojiyaan dhaqaalaha ay siiyaan Dowladda KMG ah ee Somalia qaybeheeda kala duwan, taa bedelkeedanaa ay u weeciyaan dhaqaalahaas Shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan.

Waxaa kaloo Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) ay ka dalbanayaaan Gudo iyo dibadba in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururada Bulshada rayidka, Aqoonyahanada, Ardada Jaamacadaha iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshado ay ka dhiidhiyaan falkaan ay 550 manexe ay doonayaan in ay kusii haytaan aayaha Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo Guddigu ugu baaqayo dhamaaan qaybaha aan soo sheegnay in ay marsiiyaan Mudanayaasha ka gudbay Xayndaabkii loogu talagalaay in ay marsiiyaan Waddadii ay Shacabka Reer Tunis iyo Masar u bilaabeen Umadaha Gobalka tusaana in aanay ahayn umad ay aayahooda Afduuban karaan 550 Manaxayaal ah.

Ugu dambaayn Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) waxa uu ugu baaqayaa dhamaan Golayaasha Baarlamaka, Madaxtooyada iyo Xukuumadda KMG ah ee Somalia in ay ixtiraamaaan rabitaanka Umadda Soomaaliyeed dibna u eegaan xuquuqda Asaasiga ah ee Dastuurka Dalka siinayo Shacabka Soomaaliyeed.

.    

Wabillaahi Towfiiq

Nadia Hagi Hassan

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed (SHARMOC)

Mogadishu,Somalia

Email: sharmoc@yahoo.co.uk,sharmoc@gmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player