Dhalinyaro ka kala timid Gobolada Somaliland oo Gobolka Awdal hormuud u yahay ayaa Baaq Nabadeed u diray Collaada Degaanka Kalshaale

Dallada Urrurada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO ayaa baaq nabadeed kasoosaarey colaada kataagan deegaanka kashaale.
Shir-jaraaid oo ay Xubnaha Golaha Sare Ee Dallada SONYO ku qabteen Xafiiskooda Magaalada waxay Baaq naabdeed ugu direen Colaada Kataagan Deegaanka kashaale.

Ugu Horeyn Gudoomiyaha Dallada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO Md Axmed Cabdi Wacays oo Shir-kaa jaraaid kahadley ayaa sheegeyn In Ujeedada kulankoodani uu yahey sidii ay tallo iyo tusaaleba uga dhiiban lahaayeen Xaalada uu dalku maraayo waxaanu gudoomiye AxmedWacays intaasi raaciyey in Dallada ahaan ay marwalba taageerayaan Nabadda iyoHorumarka Somaliland.

Md.Faarax Maxamed C/casiis oo ka tirsan Xubnaha golaha sare ee Dallada SONYO ayaa isagu shirkaa jaraaid ka akhriyey Baaq-nabadeed oo ay kasoo saareen Colaada ka aloosan Deegaanka kashaale Baaqi oo dhamistirana waxaa uu u dhignaa sedan{Dallada Urruarda Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO Waxay ku baaqeyaan in la damiyo colaada kataagan Kashaale laguna dhameeyo wada hadal ay isaga Yimaadaan Sidii Dhaqanka inoo aheyd Madax dhaqameedka laba beelood iyoMadaxdhaqameedka kale ee dalka ee ka qaybqaadan kara Xalka arinkaasi.

Maanta dhallinyarada Somaliland Uma Baahna Colaad Ee Waxay Ubaahan Yihiin ,iney ka dhexmuuqdaan Hogaanka Dalka,Aqoonyahanka,loomana baahna iney Noqdaan Xaabo la isku shidaayo.waxaa kale oo aanu soo jeedineynaa in laga saaro Colaada ka dhaxeysa labadaa Beelood Ee Halkaasi hore ugu dagaalamey Siyaasada, Danaysiga gaarka ah ,cidii dano gaara ka lehina wax faaido ah ka helimeyso.waxaa kale oo aanu leenahey ha la taageero Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo Baaqii uu ku dhawaaqey Maalintii Xilka Loo Dhaariyey Ee Ahaa In Nabada laga wada shaqeeyo,waxaanan Madaxweynaha leenahey sii dardar geli hawshii aad ku balan qaadey ee aheyd inaad wax walba nabada iyo wada hadalka ku dhameysid…

Axmed Maxamed Shaqalle
Hargeysa Somaliland

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player