Dagaal saaka ka bilowday Deegaanka Kalshaale


Isniin, 07 February 2011 (Idhanka)- Dagaal la sheegay in uu xooggan yahay ayaa saaka ka bilaabmay deegaanka Kalshaale oo ka mid ah deegaanno uu hore dagaal ugu dhex maray Ciidamada Somaliland iyo SCC.

Inkasta oo ay adag tahay in warar madax bannaan laga helo deegaannadaas, haddana Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed X. Cali Cadami, ayaa xaqiijiyay in dagaalkaasi bilaabmay, isla markaana uu dhex maray Ciidamada Somaliland iyo SCC, waxaanu Wasiirku eedda dagaalkaas dusha u saaray SCC oo uu sheegay in ay weerar ku qaadeen Ciidamada Somaliland. “Saaka ayay fallaagada SCC weerar ku soo qaadday Ciidamada Somaliland, waxaanan idiin sheegi karaa inay iska waabiyeen oo ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen,” ayuu yidhi Wasiirka oo manta khudbad ka jeediyay fadhi ay wada-jir isugu yimaadeen labada Gole Baarlmaan ee Somaliland.

Dhinaca kale, mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno dhinaca SCC, noomay suurtogelin. Hase ahaatee, siday HOL u sheegeen xubno ku sugan magaalada Buuhoodle, waxa magaaladaas la geeyay dhaawac aan tiradiisa la sugin oo dhinaca SCC ah, kuna dhaawacmay dagaalkan.

Dagaalkan oo wali socda wixii warar ka soo kordha kala soco Idhanka.

Source-Hol

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player