Boorama: Arin basiid ahayd oo Gaboose ka dhigay xiisad siyaasadeed oo khatarteeda leh

Socdaalkii Gaboose ku tagay magaala madaxda Awdal ee Boorama wuxuu yeeshay waji siyaasadeed oo dhib weyn soo wada.

Marka hore wasiirku oo xaq u leh inuu yimaad Awdal waxaa ka muuqata inaan lakala garan inuu socdaalkiisu ahaa mid gaar ah iyo mid rasmi ah.

Wuxuu socdaalku u eekaa mid gaar ah maadaamoo uu la kulmay jilib hoosaad ka mid ah jilibyada uugu yare e Awdal oo ah jilibkii uu ka soo jeeday Madaweynihii hore ee Somaliland.

Jilibkaas oo ayna xitaa wahelin jufooyinka kale ee ay isku beesha yihiin ee Makaahiil markuu kulan la yeeshay iyaa fajac ku dhacay qoomiyadahii kale ee Gobolka u badnaa oo kala ah Maxamad-Case iyo Habar Cafaan.

Markuu wasiirku dhamaystay shirkii jilib-hoosaadka uu la lahaa iyuu dalbaday inuu la kulmo labada suldaan ee Maxamad-case iyo Habar Cafaan oo si kulul gaashaanka uugu dhuftay iyagoo u sheegay inuuna soo marin wadadii masuul dawladeed.

Dadka siyaasada u dhuul daloola ee gobolka iyaa hoosta ka xariiqay sobobta keentay inuu wasiirku soo kaxaysan siyaasiin gobolka ka tirsan sida xildhibaanada laga soo doortay.

Waxaa la yaab leh sheekooyinka la xidhiidha badalaada xoghayaha dawlada hoose ee Booranma wax aka dhigay arin ay ku mashquusho wasaarada gudaha. Xilkaas oo ah xoghaya waa darajo aan qiimo lahayn waayo xoghayaha dawlad hoose sida sharciga ah waa nin hoos taga Maayarka magaalada oo ah inuu amar ka qaato.

Nasiib daro, magaalada Boorama oo ah magaalada qudha ee la maqlo xoghayaheega dawlada hoose waxay ku tusaysaa inaan maamulka si fiican u socon mar haddii xoghayaha dawlada hoose noqday jago ka awood weyn Maayarka. Dhaqankaasina wuxuu ka hadhay am aka soo jeedaa wakhtigii dawladii Rayaale oo Xoghayaha dawlada hoose ahaa nin toos ugu xidhan Marwadii Rayaale oo gaadhsiisay inuu Xoghayuhu ka awood weenaa Mayarka oo dhowr jeer xafiiska uu ka xidhay. Waa xaqiiqooyin dhacay. Sidaas iyaa keentay in dad han siyaasad ahaan hanyar ay xoogoogii saaraan jagada Xoghayaha dawlada hoose.

Haddiise wasaarada guduhu xoghayaha ay magacawdo u cadeyn lahayd inuu yahay shaqaale dawladeed oo hoos yimaad amarna ka qaata Mayarka iyo gudiga deggaanka arimadan oo kale ma dhaceen.

Sobobta keentay in xilkii laga qaado Xoghayihii aan wali badalkiisii laysku haysto waa isagoo garan waayay inuu Maayarku xakumo iyo in Kale. Xoghayuhu wuxuu isku qaatay nin siyaasiya sida Maayarka markaasuu arimo siyaasad khuseeya faraha la galay. Ka la soo wadaana haddii loo sheegi waayo inuuna ahayn siyaasi ee uu yahay shaqaale dawladeed oo shaqo ku lahayn wax siyaasada waxaa laga yaabaa inuu halkii kuwii hore ka miso oo si dhakhso ah iskaga hor yimaadaan ninka madaxa u ah oo ah Maayarka Magaalada.

Maamul xumadaas iyo nidaam daradaas laga dhaxlay maamulkii hore waxay u eegtahay inuu Gaboose xalinteedii barbar maray hadduuna sii xumayn waayo arintu waxay gaadhay xurguf siyaasadeed, mana ahayn inay halkaa gaadho.

Si loo daweeyo arintan sii foolxumaanaysa waxaa loo baahan yahay in arimada siyaasadeed ee Gobolka looga dambeeyo siyaasiintiisa sida Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada ka soo jeeda.

Ali Muxumad

Boorame

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player