BAAQ NABADEED OO KU WAJAHAN COLAADA DEGAANKA KALSHAALE

ANIGGA OO KU HADLAYA MAGAYCAYGA, KA  IDHANKA IYO INTA AANU ISKU FIKRADDA NAHAY IYO CAQLIGGA EEBI I SIIYEY WAXAAN HALKAN  BAAQ NABADEED UGA SOO DIRAYAA DADKA WALAALAHA AH EE ILAAHAY WADA DHIGAY DEGAANKAN COLAADU KA JIRTO    .

ILAAHAY UMADD MUSLIMNA AYUU INAGA DHIGAY , ISAGA AYAANA BEEL WALBA ABUURAY OO UJEEDDO KALIYA MAGAC UGA DHIGAY IN AY ISKU KALA GARTAAN IYAGA OO AGTIISA CIDINA CID WAX DHEEERAN MOOYAAANA CIBAADADDA UU ADUUNKU LA YIMADO OO DADKU ILAHAY AGTIISA UGU KALA DHAWAADO, MARKAA SOOMAALIDUNA WAXAY KU MAAAH MAAHDAA OODI AB KA DHAW.

ILAAHAY DADKA UU WADA DAJIYEY ILAA QIYAAMAHA SIDAA AYEY ISKU AG OOLAYAAN , MARKAA WAXA HABOON IN NABAD LAGA TALYO ,LANA FAHMO IN  COLAAD WIIL BAA KU DHINTEE WIIL KUMA DHASHO .INTA DHIMATAYNA LOO WAYDIIYO ILAAHAY DAMBI DHAAF , SI UGU NAXARIISTO

DHAMMAN WAXGARADJKA, CUQAASHA , DHALINYARADDA , HOOYOOYINKA,  IYO BULSHADDA INTEEDDA KALE EE SOOMAALILAND  WAXA LA GUDBOON IN AY ISKA SAARAAN WIXII FIDMO KU ABUURAYA OO AY ILAAHAY U SOO NOQDAAN , AYNA KA TALAYAAN SIDA AY ANIGGA TAHAY, IIGU MUUQATO , IN AY DHULKOODDA ILAAHAY KU ABUURAY NABAD KU SOO DABAALAAN , AYNU HORUMARKA XAGGA WAXBARASHADDA, CAAFIMAADKA , DHAQAALAHA IYO ADEEGYYADDA KALE EE GOBOLADDA SOMALILAND KA JIRA LOO SOO GAADHSIIYO  GOBOLKA SOOL IYO SANAAG EE DADKA WALAALAHA AAN NAHAY EE MARNABA AAN LA KALA MAARMAYN AY KA SOO JEEDAAN .

KAMA DAMBAYNTIINA WAXAAN  DAWLADDA SOOMAALILAND  EE UU MADAXWEYNAHA U YAHAY  MUDANE AXMED MAXAMED MAXAMUD SIILAAYO  AAN DHALASHO AHAAN KA SOO JEEDO KU DHIIRINAYAA IN AY IL NAXARIIS LEH KU EEGTO DEEGAANKA COLAADU KA JIRTO , SIINA WADO GOGOSHA NABADDA EE AY HOREY UGU FIDISAY IYADDOO OO DHEXDHEXAAD KA AH , DAACADNA KA AH , SIDII XAL WAARA LOOGU HELI LAHAA , COLAADAN KA SOO CUSBOONAATAY DADKA WALAALAHA EE MEELNA AAN KALA TAGI KARIN EE KU WADA NOOL, DEGAANKA KALSHAALE.

WAXA KALE OO GUDBOON IN AY KA WWANTOOBAAN  JOOJIYAANA  DAKA BEEN ABUURKA KU QORAYA SAXAAFADDA  CASRIGA EE INTERNETKA ,EE SII KALE FOGAYNAYA DADKA .IYO INTA DANAHA KALE  WADATA EE IYANA SII HURINAYSA SI AY U WIIQAAN , NABADA KA JIRTA DEGAANKA .

CABDIKARIM XAAJI IBRAHIIM NUUR

OTTAWA ,ONTARIO,

CANADA

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player