Shir Ururka Dugsi Ku Yeeshay Caasimadda Dalka Holland, oo Lagaga hadlay dhibaatada Haysata dadka xiskoodu dhiman yahay Ee Somaliland

Waxa  Amsterdam shir ku yeeshay ururka Dugsi (22/1/2011 maalintii sabtida).  Shirka waxa  ka soo qaybgalay xubnaha maamulka ururka iyo qaar ka mid ah xubnaha ururka ee magaalooyinka. Halkaa waxa ka hadlay guddoomiyaha ururka Dugsi  muj. Maxamed Cilmi Samatar oo ka warramay hawlaha ururka Dugsi ku jiro. Waxa kale oo uu ka warramay tallaabooyinka loo baahanyahay in la qaado si loo sii xoojiyo shaqada ururka ee wax loogu qabanayo dadka xiskoodu dhiman yahay.

Waxa isna ka hadlay madasha guddoomiye-ku-xigeenka ururka Dugsi  Maxamed Axmed  Cigaal  oo isna ka hadlay sida hawluhu uga socdaan gobollada dalka Nederland qaarkood, isaga oo tilmaamay in rajo wanaagsan laga filayo inay dhawaan ka soo baxdo hawsha halkaas ka socota.

Ugu danbayntii waxa shirka lagu doortay guddi  3 xubnood ka kooban  oo isku soo dubarridda hawlaha ururku ka wado dalka Holland. Xubnahaas waxa magacyadoodu kala yihiin: Maxamed Axmed Cigaal oo ah guddoomiye-ku-xigeenka Dugsi, C/raxmaan Jaamac Hadhiye oo xubnaha ururka ka mid ah iyo Aamina Maxamed Sh. Muuse oo ah lacaghayaha ururka Dugsi. Waxa kale oo shirkaas la iskula qaatay  arrimo badan oo sahlaya habsami  u socodka hawlaha ururka.

Ilaa iminka magaalooyinka sida firfircoon hawsha uga qaybqaatay, ammaanta gaarka ahna mudan waxa ugu horreysa magaalada Tilburg . Xubnaha ururka ee halkaas kawlgala waxa ka mid ah Maxamuud Aw Xasan, Khadar C/laahi Cilmi iyo Liibaan Cali Yuusuf oo ah xubinta ugu da’da yar  hoggaanka ururka  Dugsi, isla markaana ugu muddada dheer xubnaha dhallinyarada ah ee ururka ku jira.  Intii ururka Dugsi hawsha ka waday dalka Holland magaalooyinka dadkoodu niyad wanaagga iyo dadaalka dheeraadka ah muujiyeen waxa ka mid ah: Delft, Leiden, Roermond, Amsterdam iyo Tilburg  oo aan iyada lagu tilmaamay hormuudka magaalooyinka.

Ururka Dugsi waxa himiladiisu tahay inuu soo afjaro dhibaatada debedyaalnimada ah ee haysata dadka xiskoodu dhimanyahay. Waxa ururku ku dadaalayaa inuu ka sameeyo isbitaallo iyo waadhadh  lixda magaalo ee ugu waaweyn Somaliland : Berbera, Boorame, Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood.

Qofkii doonaya inuu ka qaybqaato deeq-ururinta la doonayo in lagu dhiso waadhadh iyo Isbitaallo ku filan daryeelka dadka xiskoodu dhiman yahay, waxa uu deeqdiisa ku shubikaraa:

Ururka Dugsi, Account-ka: 599118 ING, Tilburg, Netherland.(oo dalka Netherland ka furan)

Ama

AccountnoHRGD14624 oo ka furan Dahabshiil Hargeysa.

Kala Soo xidhiidh Ururka Dugsi:

E-mail : Dugsi.nl@gmail.com

Tel:  +31685437164, +316846126677 ama +31596611250

Source-Awdalpress

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player