Guddoomiyaha Midawga Afrika Oo Ku Dhawaaqay Inay Dibu Ugu Noqonayaan Qodobkii Xuduudaha Afrika ayna Ixtiramayaan Madax Banaanida Somaliland

Wuxuu Ammaanay Shacabka Koonfurta Sudan oo uu sheegay inay u Codeeyeen waxay xaq u leeyahiin

Hargaysa (Idhanka) Madaxa Midawga Afrika Jean Ping oo maanta Shir jaraa´id ku qabtay Shalay xarunta Midawga Afrika ee magaalada Addis Ababa shirkaasi jaraa´id oo ay ku wehelinayeen kormeerayaashii caalamiga ahaa ee dhawaan ka qayb gallay Aftida koonfurta Sudan oo todobaadkii hore dhammaadkiisii la soo afjaray ayaa shaaca ka qaaday markii ugu horaysay tan iyo 1964-kii in Midawga Afrika uu dhawaan dib ugu noqon doono qaraar uu ururku soo saaray sannadkii 1964-kii oo ixtiramaayey Xuduudaha Afrikaanku in loo daayo sidii gumaystayaashii xukumaayey ay kaga tageen. President Jean Ping oo u waramaayey ugu horayn warbaahinta ayaa wuxuu ammaanay shacabka Koonfurta Sudan oo uu sheegay inay u codeeyeen waxay xaq u leeyahiin wuxuuna ku ammaanay qaabkii shacabka gobolkaasi ay ugu  soo baxeen aftidii ay aayahooda kaga tashanayeen wuxuuna sheegay in ay aftidaasi u dhacday si xor oo xallaal ah, wuxuu sheegay Mr. Ping in tilmaantu bixinayso in shacabka koonfurta Sudan ay go´aansadeen in ay noqdaan dal madax banaan, Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ururka Midawga Afrika uu gacan ka gaysan doono sidii Jamhuuriyadda cusub ee Koonfurta Sudan ay cagaha ugu istaagi lahayd.
Mr. Ping wuxuu shirkaasi jaraa´id ku sheegay in ay u diri doonaan Koonfurta Sudan koox soo kormeerta dhammanba baahiyaha aas aasiga ah ee lagama maarmaanka ah ee imika u baahan in lala qabto Dawladda cusub ee Koonfurta Sudan wuxuu sheegay in Midawga Afrika uu gacan ka gaysan doono tababaridda ciidamadda iyo Booliiska Jamhuuriyadda Koonfurta Sudan, wuxuu sidoo kale sheegay in Ururka Midawga Afrika ay ka caawin doonaan dadka koonfurta sudan sidii ay ugu gacmo furnaan lahaayeen kheyraadkooda.
Dhinaca kalana Madaxweynaha Midawga Afrika wuxuu ka dhawaajiyey in Muddo 45 sannadood ah ka dib uu ururku Midawga Afrika dib uga fiirsan doono qaraar uu ururku gaadhay sannadkii 1964 kii oo dhigaayey in Afrika lagu ixtiraamo xuduudahii uu gumaystayaashu kaga tageen wuxuuna si cad Madaxweyne Ping u sheegay in ay soo dhawaynayaan dalal cusub oo afrika ku soo biira “Arrintani aftida Koonfurta Sudan dabcan waa mid aan dib uga fiirsan doono (Midawga afrika) inaanu dib ugu noqono qaraarkii 1964-kii ee ahaa in xuduudaha afrika loo daayo qaabkii uu gumaystahu kaga tagay, taasi waa mid lagama maarmaan ah, waana hubaal in dib u eegista arrintani ay keeni doono in dalal cusub oo aan la aqoonsan oo Afrikaan ahi  ay dhawaan iyaguna Afrika iyo caalamka ku soo biiraan” ayuu yidhi Madaxweynaha Miawga Afrika President Jean Ping oo si toos ah uga jawaabaayey su´aal laga weydiiyey arrinta Somaliland.
Baaqani ka soo baxay Masuulkii ugu sareeyey Midawga Afrika ayaa wuxuu farxad iyo rayn rayn u yahay shacabka iyo Xukuumadda Somaliland oo 20-kii sannadood ee ugu danbeeyeyba maalin uun ku riyoonaayey in ay adduunyadu u garawdo Madax banaanidoodii ay kala soo noqdeen dalkii ay la midoobeen 1960-kii, xita Somaliland waxay hore ugu doodaysay in qaraarkaasi 1964-kii aanu iyaga qabanaynin maadama Somaliland ay ahayd qarran Madax bannaan oo Madax banaanidooda ka qaatay gumaystahii Britain isla markaana xuduudahoogu ay ahaayeen qaar cayiman. balse baaqyadaasi ayaan marnaba hore u ahayn Mid ay Afrikaanku u garaabaan, Hadda ayaad mooda in riyadii Somaliland faraj ku soo biiray.

Warkaasi oo lagu daabacay bogga warbaahinta Midawga afrika maanta halkani ka akhri

http://www.afriquejet.com/news/africa-news/african-union-declares-south-sudan%E2%80%99s-vote-credible,-free-and-fair-2011011967943.html

Source-waahen

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player