WARSAXAAFADEED #15: Nin Caddaalad Diidayow Adiguna Ha Filan.

WARSAXAAFADEED #15:  Nin Caddaalad Diidayow Adiguna Ha Filan.

Foolxumadii Koowaad waxay tahay in 16 bilood ka soo wareegto 11kii Juulaay 2009 oo ah markii dhacdadii ugu foolxumayd ka dhacdo dalka Soomaliland, taasoo shifto hubaysan ay si foolxun ugu dileen  jidka u  dhaxeeya Dila iyo Kalabaydh afar nin oo socoto ahaa kalana ahaa, Alla ha u Naxariistee:

 1-  Cali Aw Cumar Barre,

2-  Mawliid Xassan Cumar, 

3-  Daa’uud Xaashi Jaamac

4-  Cali Maxamuud Nuur (Bagaashle)

 

Foolxumadii labaad waxay noqotay in dadkaas socotada ah loo laayay haybta ay ka soo jeedaan. Wuxu dilkaasi dhacay duhur cad oo dad iyo dawladiba arkayso, waxana nasiibdaro ah in cidina ka gilgilan – waa dhacdo deylqaaf ku ah qaranimada dalka!

Foolxumada saddexaadi waxay noqotay in ragaas intoo la afduubay lala tagay deegaanka ay ka soo jeedaan nimankaas gacan ku dhiiglayaasha ahi dabadeedna la laayay mayddkoodiina si foolxun loo jarjaray – waa wax naxdin leh oo dhaqanka mandaqada oo dhan ku cusub, xadgudubna ku ah asaaliibta diinteena suuban!

Foolxumadii afraad waxay tahay in maamulkii hore ee Soomaliland indhaha iska qabtay inu soo qabto dadkii falakaas fooshaxun gaystay lana horkeeno cadaaladda dalka.

Foolxumadii shanaad waxay noqotay in maamulka hadda dalka ka taliyaa kii hore bara dhaafiyey marka loo eego halkay ka taagan yihiin dhacdadii 7/11, sababtoo ah waxay warar xogogaal ihi sheegayaan inay qaar ka mid ah ragii fuliyey dilkaasi foosha xun ay dhex joogaan, shaqaalana ka yihiin madaxtooyada dalka. Nin Caddaalad Diidayow Adiguna Ha Filan.

Waxan ka codsanaynaa Madaxweynaha Soomaliland, Madaxweyne ku xigeenka, Golaha wasiirada, Golaha Guurtida, heyadaha sharci fulinta, Wasaaradda Cadaaladda, dhamaan shicibweynaha Soomaliland, iyo deegaanka gacan-ku-dhiiglayaashanu ka soo jeedaan oo ah Gabiley, in gacan ku dhiiglayaashan  soo qabtaan lana horkeeno cadaaladda wadanka.

Codsigani waa mid ka imanaya gaar ahaan dadkii laga laayay ragoodii aan waxba gaysan iyo dhamaanba dadweynaha reer Awdal/ Salal, iyo dhamaan dadweynaha reer Soomaliland ee nabada danaynaaya.

 In dadweyne iyo dawladba laga aamuso dhacdadaas foosha xun waa mid wax weyn u dhimaysa  qaranimada Soomaliland. Dilka loo gaystay dad socoto ah oon wax dambiya aan gaysanini waa dhacdo aan waligeed la ilaawi-karin. Waxa kale oo cudur ah in dambiilayaashi falkaas fooshaxunleh gaystay loo diidanyahay in cadaalad la horkeeno.

Waxan ka codsanaynaa dhamaan hayadaha xuquuqda aadamiga u halgama iyo dadweynahaba inay si cad u muujiyaan dareenkooda ku saabsan arintani, islamarkaana ku cadeeyaan warfaafinta gudaha iyo dibedaba in si degdeg ah wax looga qabto arintani si looga baaqsado dhibaato arintaasi sabab u noqoto.

Ugu dambayntii waxan ku guubaabinaynaa dadweynaha gobolada Awdal iyo Salal inay iyagoo isku duuban, nabadana ilaalinaaya, ay u raadiyaan cadaalad iney helaan marxuumiintaasi oo gacan ku dhiiglayaashii gaystay falkan foosha xun maxkamad la hor keeno..

Ururka “ARDAA” e-mail: info@ardaa.org 

11/12/2010

 

Ururka ARDAA waa urur dalad guud ah, kuna saleysan hanaanka bulshada, isla markaana samafal ah. Waxa Lagu asaasay Waqooyiga Mareykanka sanadkii 2007 si ay taageero ugu fidiyaan mashaariicda horumarineed ee dhaqan-daqaale ee gobalada ADAL iyaga oo mideynaaya muruq iyo maalba, una fidinaaya tababar, wacyigeliyaana, horena u mariyaan hogaankooda iyo iney u doodaan xuquuqdooda aadamaninimo.

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player