Socdaalkii waftigii Tol Leadership Council (TLC) ku joogeen dalka Jabuuti oo ku soo beegmay shirkii Golaha aqoonyahanka Soomaliyeed

Socdaalkii waftigii Tol Leadership Council (TLC) ku joogeen dalka Jabuuti oo ku soo beegmay shirkii Golaha aqoonyahanka Soomaliyeed

 

Todobaakii ina soo dhaafay waxaa magaalada Jabuuti ka socday shirar kala duwan oo ay ku lahaayeen aqoonyahanka soomaliyeed. Shirkaas oo kan ugu mihiimsanaa uu furay madaxweynaha Jabuuti waxaa soo qaban qaabiyay aqoonyahano soomaliyeed oo uu hormood u yahay Prof. Ahmed Ismaaciil Samatar oo isla markaana gudoominaayay shirkaas oo lagaga tashanaayay sidii xal kama dambayn ah loogu heli lahaa dhiilada Somalia ka taagan.

Shirkan aqoonyahanka soomaliyeed waxaa marti galiyay macadka Daraasada Culuunta Siyaasada iyo Istaraateejiyada ee dalka Jabuuti oo uu madax ka yahay Dr Cumar Cismaan Raabe oo ah aqoonyahan weyn oo magac weyna ku leh halgankii xoraynta dalka Jabuuti.

Shirkan aqoonyahanka soomaliyeed ku lafagureen mashkalada soomaliyeed waxaa laga qabaa rajo weyn, waxaana la saadaalinayaa inuu noqdo mid dhala dhaqdhaqaaq mug leh oo ay ku bahoobaan aqoonyahano soomaliyeed oo diyaar u ah inay dalkooda majara u qabtaan iyagoo talada iyo fikirkuba iyaga ka soo baxayo taas oo ah midka uu shirkoodu kaga duwan yahay shirarkii horay looga bartay soomalida.

Prof. Axmed I. Samatar oo ka hadlaaya shirkii aqoonyahanka soomaaliyeed

Waxaad moodaa in aqoonyahankii soomaliyeed u soo jeestay sidii talada dalka ay u maarayn lahaayeen. Kooxda Jabuuti ku shiraysa oo u gudoominaayo Prof. Samatar oo ah shaqsi aqoon iyo daacadnimo looga bartay iyaa ah midka u weyn ee wixii soomali jecel is leeyihiin rajo weyn iyaa bilaabantay.

Shirkaas isaga ah ee arimada soomaliyeed lagaga hadlaayay waxuu ku soo beegmay mar dalka Jabuuti oy ku sugnaayeen wafti saddex xubnood ah oo ka socday ururka Tol Leadership Council (TLC) ee uu gudoomiye u yahay Prof. Samatar laftiisu. Waftigan oo hawshiisa la qorsheeyay bishii July 2010 waxaa hogaaminaaya Prof. Maxamad Farax A. Good (Wardi) waxaana ku wahelinaaya Dr Ali Bahar oo madax ka ah gudi-hoosaadka Diaspora ee TLC iyo Maxamad Farah ( Saqiiro) oo ka mid ah madaxda TLC.

Joogitaanka Jabuuti ee waftiga TLC wuxuu qayb ka yahay socdaal saddex todobaad qaadanayaa oo uu waftigu uugu baxay Geeska Afrika iyagoo soo mari doona Jabuuti, Soomaliland, iyo Itoobiya si ay ula kulmaan Tolka ku kala nool degaanadaasi

Intii ay joogeen Jabuuti waftiga TLC waxaa ku biiray inay hawlahooga kala qaybgalaan Prof.Samatar iyo Prof. Hussein Ahmed Warsame oo iyagu Jabuuti u joogay inay ka qayb galaan shirarka aqoonyahanka soomaliyeed. Joogitaanka labada Professor ay joogaan Jabuuti waxay miisaan culus siisay waftigii TLC. Waxaanse hoosta in laga xariiqo u baahan in ganacsadaha weyn ee reer Jabuuti , Mudane Cabdi Farah A. Good uu ahaa masuulka u xil saarnaa inuu isku duba rido hawlaha waftiga TLC intay Jabuuti joogaan. Hawshaana si geesinimo iyo hoggaanimo ku jirto iyay uga soo baxeen isaga iyo dadkii reer Jabuuti ee hawshan kula jiray.

Wararka naga soo gaadhaya Jabuuti iyaa sheegaya inay waftiga TLc ee prof. Wardi hogaaminaayo ay dhowr shir la yeesheeen reer Jabuuti. Shirrarkaas waxaa lagu soo afjaray kulan balaadhan oo laba boqol oo qof ay ku kulmeen dadkaas oo ka koobnaa aqoonyahan, ganacsato iyo siyaasiiba. Kulankaas oo mid xiisihiisu noqday mid aad u sareeya waxay reer Jabuuti muujiyeen inay yihiin dadka ugu hanweyn TLC iyo hogaankiisa prof. Samatar. Waxaa la soo sheegayaa in oday da’ah oo reer Jabuuti ihi madasha ka sheegay erayo ka turjumaya magaca uu prof. Samatar ku leeyahay tolka dhexdiisa:  « Cimrigaaga oo raagaa, ileen Axmad Ismaciil Samatar oo noolna wuu ku tusaa! ». Nin ka mid ahaa waftiga iyaa murti ahaan yidhi : « Waxaan garwaaqsanay inuu prof.Samatar yimid hoygiisii isagoo la kulmay dad qalbigiisa la baxay ».

Isku soo wada xooriyoo TLC guushii u horaysay ee tolka dhexdiisa waxay kala kulantay magaalada Jabuuti oo TLC u aragta urur wax weyn ka badali kara hanashada hamilooyinka ummada ka dib sabbano badan oo dhibaatooyin xad dhaaf ihi ku habsadeen tolka meel kastuu joogaba.

Waftiga TLC ee prof. Wardi hogaaminaayo waxuu Jabuuti ka amba baxeen bisha 23keedii iyagoo u sii jeeda Hargaysa halkaas oy  horey  uuga sii wadi doonaan socdaalkoodii ay ku kala bixinayeen geeska Afrika waxaana la filayaa inay soo dhawayn weyn kala kulmaan  dhinaca gobolka Awdal iyo Salal oo waftigu ku soo foodleeyahay.

Jama Osman Geele

ahersihassan@gmail.com

Ottawa, 24/12/2010

 Source -Wadhaf.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player