M/weyne Ku Xigeenka Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Shacbiga Somaliland

Hargeysa (Awdalpress -Idhanka)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan shucuubta islaamka oo uu ugu hambalyeeyay curashada sannadka cusub ee Islaamka ee 1432.

Warsaxaafadeed uu caawa ka  soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)  ayaa u dhignaa sidan:-

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL  MUDANE: CABDIRAXMAAN CABDILAAHI ISMAACIIL (SAYLICI) Waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka oo maanta oo Salaasa ah Kowsanaaya (01/01/1432 ee Hijriyada) ayaa Hambalyo iyo Boogaadin u diraya Shacbiga soomaaliland Meelkasta oo ay Jooganba Sidoo kale waxa uu Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Guud ahaanba Shucuubta Islaamka oo dhan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa in Shacbiga Somaliland sannadkan Sannadkiisa uu ku gaadhsiiyo Baadhaadhe iyo Barwaaqo sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku ILLAAHAY uga baryey inta Bukta in uu ka Dulqaado Xanuunka inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo.

Ugu dambayn waxa uu Madaxweyne ku xigeenku shacbiga somaliland ugu baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qaran-nninada Dalka meel uga  soo jeestaan oo ay u illaashadaan sidii ay hore-ba ugu feejignaayeen.”

Somaliland,Org

Hargeysa

Comments are closed.

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player