Madaxweynaha Somaliland oo Hambalyo u diraya shacabka Somaliland meel kata oo ay joogaan

Hargeysa(Idhanka )Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Miilaadiga ah  oo Beri oo Sabti  ah Kowsanaaya ( 01/01/2011 ) ee Miilaadiga) Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Shacbiga soomaaliland Meelkasta oo ay Joogaanba Gudo iyo Debedba.

Madaxweynaha waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa in uu Shacbiga Somaliland sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo sidoo kale waxa uu madaxweynuhu ILLAAHAY uga baryey inta Bukta in uu ka Dulqaado Xanuunka haya inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo.

Ugu dambayn waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qaran-ninada Dalka u soo jeedaan oo ay u illaashadaan sidii ay hore-ba ugu  jeedeen .

Sannad wanaagsan oo wacan

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player