Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Maanta soo saaray Digreeto Dhaqan-galka Xeerka Xuquuqul Aadamaha oo Number-kiisu yahay No: 0100/2010 Digreetadaas oo uu ku Dhaqan-geliyey, Xeer Lr. 39/2010 ee Xeerka Komiishanka Xuquuqul Aadamaha.
Waxaanay u dhigantahay sidan Madaxweymuhu isaga oo cuskanaya Markuu arkay Qodobadan hoos ku qoran waxa uu yidhi:-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka JSL.
Markaan Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee ku Suntan GW/KF-13/507/2010 ee 30/10/2010 ee Xeerka Komiishanka Xuquuqul Aadamaha xeer Lr. 39/2010.
Markaan Arkay: Qodobka 75-aad ee Dastuurka JSL.
Wuxuu soo Saaray
Dhaqan-galka Xeerka Komiishanka Xuquuqul Aadamaha ee xeer Lr. 39/2010
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
















Posted in 





