Madaxweyanaha JSL Mudane:(Siilaanyo) ayaa Maanta kulan Balaadhan oo uu Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Guddida Cadaalada, Garsoorayasha Maxkamadaha iyo Xeer illaalinta Qaranka

31/12/10-War-Saxaafadeed

Madaxweyanaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta kulan Balaadhan oo uu Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Guddida Cadaalada, Garsoorayasha Maxkamadaha iyo Xeer illaalinta Qaranka waxa uu ka Cadeeyey in ay Siyaasada Xukuumadu Muhiimada Koobaad Siinayso Cadaalada iyo Garsoorka diyaarna uu u yahay in wax laga Qabto Goldalolooyinka  jiri kara ee la xidhiidha Cadaalada.

Madaxweynuhu waxa uu Garsoorayaasha, Darajooyinka kala Duwan ee maxkamadaha ku adkeeyey oo uu si adag ugu Dar-daaray in ay Masuuliyada Culus ee ay ummadda u hayaan sida ay tahay u gutaan, uguna Dadaalaan in ay noqdaan Garsoorayaal Caadil ah.

Madaxweynuhu waxa uu Waaxda Garsoorka ku amaanay Dedaalka iyo u adkaysiga Duruufaha Adag ee ay ku shaqaynayeen intii uu Qarankani jiray waxaanu ku dhiiri geliyey in ay Xil-gudashadoodu noqoto mid la Mahadiyo.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu garsoorayaasha u gudbiyey Cabashada Shacabiga ee Dhinaca Garsoorka.

Ugu Danbayna Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Xukuumadu Diyaar u tahay in ay waaxda Garsoorka iyo Cadaalada noqoto Mid tayo leh oo u qalanta Xilka ay umadda u hayso.

Hadalka uu Madaxweynuhu garsoorayaasha u jeediyey ka hor waxa uu Warbixin Mugleh ka Dhegaystay Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Xeer illaaliyaha Guud, Xubno ka mida Guddida Cadaalada iyo Garsoorayaashii kulanka ka qayb galay.

kulankan uu madaxweynuhu ugu yeedhay Garsoorayaasha, Maxkamadaha Kala Duwan ee Dalka, Xeer illaalinta iyo Guddida Cadaaladu waxa uu ka mid yahay Qorshaha ay Xukuumadu ay doonayso in lagu toosiyo, laguna tayo geliyo Cadaalada.

ALLAA                         MAHAD                          LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player