Weligeed Somaliland maanta ayey dawlad awood leh heshay. Ayaa taa igu diiddan?

November 29, 2010

By staff-reporter

Awdalpress -Idhanka– London -Boqolkii casho ee lagu qiimaynayey dawladda cusub ee Somaliland waxa aan anigu uga dhigay 300 oo casho. Sababta oo ah immiga ayaabay hawshiiba bilaabantay. Waxanan la yaabaa, dadkii hore u soo talin jiray, ee waxa ay inna badeen la ogaa ( hadday ahaan lahayd dagaal sokeeye, musuqmaasuq iyo maamul xumo) oo waliba sii had-hadlaya. Kuwaasina inta ka sii hadhay xididdada ayaa maalin dhow loo siibayaa. Qayladii ay maalmihii doorasha wadeenna waxa ay immiga ku sii hadhay carruuro ku feegara meelahaa InterNetyada iyo woxoogaayo dumar ah.

Ma garan in ay dadkaasi dawladdii hore wax ku qabeen iyo in ay si kale u guuxayaan, xisbigii ay daba taagnaayeen ee UDUB na waa laga badiyey, oo maamulkii dawladda faraha ayuu kala baxay. Shakhsiyaadka cadhoonaya ee u bu’aya maxaa wasiir la noo siin waayeyna waa kuwo aan war ka hayn xaalka siyaasadeed ee maanta dalka ka jira. Waxanan kula talin lahaa in ay wada shaqayn fiican la sameeyaan dawladda qaranka hoggaaminaysa. Kana qayb qaataan horumarka dalku u baahan yahay.

Waxan aamminsanahay in wixii lagu soo awro kacsaday, ee foodka lagu soo galay oo dhammi uu iska dhammaaday. Siyaasadda dalka lagu hoggaaminayaana ay tahay mid wadata warqad cad oo nadiif ah. Qabyaaladda lagu suntay dawladda iyo dadka gaarka ah ee lagu dacaayadeeyaana aanay run wada ahayn, ee ay yihiin  kuwii guusha keenay. Ka doonaya in uu xukunka dalka hoggaanka u qabtaana tartanka dambe  ha u sii diyaar garoobo. Waxbaa iga maqan iyo tollaayeydu waa folosh iyo been. Laakiin wax hore u qaldamay way jiraan, sidii loo saxayeyna maaha in qabyaaladda si xun loo adeegsado. Sheekada saami qaybsiguna waxa ay ka bilaabmaysaa golayaasha oo dib loogu noqdo. Arrinta  dawladda cusub looga baahan yahayna waa caddaaladda oo ay ilaaliso iyo musuq maasuqa oo ay la dagaallanto.

Balse akhirtow ma kula tahay in aad dib uga fekerto, wixii ay madaxdii dawladdii hore qaban jireen, mana barbar dhigtay kuwa maanta hadafkooda iyo waxa ay hiigsanayaan. Waa kaaf iyo kala dheeri. Ta mudan haddii sheeg la i yidhaahdana waxa ii cad in aan dawladdan cusub ugu hambalyeynayo sida ay u socoto, ee ay isugu kalsoon tahay.

Ka shakhsi ahaan waxan ka soo jeedaa degaanka Borama iyo Dilla, waxan muddaba ka warwarsanaa colaaddii ay dawladdii hore ka hurisay dooxada Ceel-Bardaale ee la isugu hubaynayey dadka walaalaha ah. Tii dib umay dhicin markii ay dawladda cusubi dhalatay. Waxa ay dawladdii hore waxba ka qaban weydey dadkii lagu laayey dariiqa u dhexeeya Dilla iyo Kala-baydh…xataa waxa ay ka muquurteen dadkii dhibta geystay oo ay garanayaan, ayey haddana soo qaban kari waayeen. Sidaasi oo kale waxa iyaguna isku dhici gaadhay beelo wada dega gobollada kale ee Somaliland. Waxa iska cad tani ka taagan barigu in ay madaxdii dawladdii hore lug ku leedahay.

Waxanan illaa iyo immiga aamminsanahay in ay dawladdani Siilaanyo tahay mid luxdan, oo aan cabsi iyo kalsooni darro qabin. Kana gudbi karta marxalad kasta oo adag. Mana filayo in ay huriyaan dagaallo sokeeye oo dadka walaalaha ahi ku kala dhintaan. Waxana kaaga markhaati kacaya sida fiican ee uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici uu ergeda culus ugu  diray shaqaaqada ka taagan Bari. Ee aan awal hore looga ergoon tii ka dhacday Ceel-Bardaale.

Hadal iyo gabagabo, waxan filayaa in ay dawladda cusubi ka awood badnaan doonto tii hore ee laga guulaystay. Faalladeeda iyo wax ka sheeggeedana waxan la sugayaa marka ay 300 oo maalmood ay hayaan hoggaanka. Inta ka horreysana waxan u kuur galayaa sida ay wax u waddo. Shacabka Somalilandna waxan ugu baaqayaa in ay dhinac galaan dawladda cusub.

Ahmedweli Goth

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player