Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku Magacaabay Saddex Masuul.
waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi :-
Markaan akhriyay : Qodobka 90-aad faqradiisa 3-aad ee dastuurka Qaranka somaliland.
Markaan Tixgeliyay: Ahmiyada ay la taliyeyaasha Qaranku u leeyihiin dhismaha qaranka.
Markaan Arkay: in baahi wayn loo qabo buuxinta jagooyinkan.
markaan ka fiirsaday : kartida, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo.
markaan ku qancay: in ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay.
waxaan go’aansaday:
In Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan laga bilaabo maanta uu ahaado la taliyaha madaxwaynaha ee xidhiidhka caalamiga ah iyo Aqoonsi raadinta somaliland.
In Md Maxamed C/laahi Cabsiiye laga bilaabo maanta uu ahaado la taliyaha madaxwaynaha ee arimaha goleyaasha baarlamaanka.
In Xuseen C/laahi Jaamac laga bilaabo maanta uu ahaado guddoomiye ku xigeenka Guddida la dagaalanka musuq maasuqa iyo ilaalinta dawlad Wanaaga.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Source-lug
















Posted in 





