Madaxwayne Siilaanyo oo wafti Balaadhan oo ka socda Dalka Britain ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka Socda Dawladda Britain oo kala ah Ergayga gaarka ah ee Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane, matt baugh, Safiir ku xigeenka Safaaradda BRITAIN ee Itoobiya, John Marshal iyo Madaxa hay’adda Mucaawimadda ee qaabilsan Britain , DFID, xafiiskeeda Magaaladda Nairobi Alaister Fernte.

Madaxweynuhu wuxuu Wefdigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabad gelyadda iyo Arrimaha Bulshadda, iyo Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aadan horumarinta dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Nabad gelyo ee Gobolka iyo sida ay Xukuumadu Diyaar ugu tahay inay wadamada Jaarka iska kaashadaan Adkaynta Nabad gelyada Gobolka sidoo kalena ay Beesha caalamka kala Shaqayso Dagaalka lagula Jiro Argagixisada iyo Budh-cad baddeeda.

Kulankan, waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

ALLAA                         MAHAD                              LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player