Eedeysanayaashii dilkii 7/11 Waxay Ka Qadhaabtaan Afaafka Madaxtooyada Soomaalilaand

Eedeysanayaashii dilkii 7/11 Waxay Ka Qadhaabtaan                                                     Afaafka Madaxtooyada Soomaalilaand!

Eedeysanayaashii dilkii 7/11 Waxay Ka Qadhaabtaan Afaafka Madaxtooyada Soomaalilaand!

Oct.10 – (alnuur)-Dilkii dhacay 11kii Juulaay 2009 ee lagu laayey afartii haldoor ee ka soo jeeday Awdal iyo Salal, kalana ahaa Cali Maxamed Nuur, Cali Sheekh Cumar Barre, Mowliid Xasan Cumar iyo Daa’uud Xaashi Jaamac, ilaa maanta wax laga qabtay, haba yaraatee ma jirto . Iskaba daa wax qabashe, eedeysanayaashii falkaa sida tooska ah u fuliyey ayaaba maanta ka qadhaabta afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaalilaand. Sidaa waxa cadeeyey Wasiirkii hore ee Daakhiliga oo madaxtooyada afaafkeeda u eedeysane Cawar Xareed ugu hanjabay inuu ka aargoosandoono. Waa dhacdo kale oo la yaab leh oo iftiiminkarta mugga u leeyahay shirqoolkii lagu dilay afarta muwaadin ee aan wax dambi ah galabsan.

Waqtigii dawladii hore jirtay eedeysanuhu wuxu ku dhuumaaleysan jiray buuraleyda ku xeeran Gabiley, haddase wuxu dhex mushaaxaa magaalooyinka waaweyn ee Soomaalilaand, isga oo weliba wata baabuur iyo dabley hubeysan. Arrintani miyeysan marag u aheyn in budhcadii dadka leysay ay garab iyo gaashaanba ka heystaan dawladani cusub ee Soomaalilaand. Tani miyeysan aheyn gardarro garab og!

Dad badan oo ka soo jeeda beelaha dhexe oo nala soo xiriiray ayaa noo iftiimiyay in dilkii 7/11 uu ahaa mid siyaasadi ka dambeysay oo aysan suurtagel aheyn in xal loo helo. Arrintaas waxa loo fasiran karaa in muwaadiniintaasi ku dhex dhinteen loolankii siyaasadeed ee u dhexeeyey Kulmiye iyo UDUB. Haddii ay taasi jirto, ficilada labada xisbi ayaa kala cadeyndoona kooga ka dambeeyey shirqoolkii lagu dilay afarta muwaadin.

Dawladii hore awood ayey u laheyd iney soo qabato dadkii ka dambeeyey dilka kor ku xusan. Waxa taa u daliil ah dhacdadii lagu dilay sarkaalkii sare ee ka tirsanaa ciidanka Soomaalilaand ee lagu dilay Laascaanood loona xirxiray eedeysanyaal fara badan, maxkamadna la hor keenay. Dhacdadaasi Madaxweyne Siilaanyo isagoo markaa ahaa Guddoomiyaha Kulmiye, wuxu si toos ah falkaasi ugu eedeeyey Madaxweynihii hore Mudane Daahir Rayaale. Annaguse dhacdadii 7/11 si toos ah ugu eedeyn mayno Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ilaa annu helno wax cadeyn ah oo isaga farta ku fiiqda.

Dawladan cusubi iyana awood ayey u leedahay iney dilkani wax ka qabato, taasina waxa markhaati u ah dhacdadii dhawaan ka dhacday Burco ee baabuurka lagaga qaaday Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Togdheer. Qabashada baaburkan waxay ku kaliftay Wasiir Gaboose in u ciidan ku hubeysan tikniko u diro Burco. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud wuxu isna u diray koox ka tirsan ciidanka qaranka, si ay uga hawl galaan soo qabashada baabuurkaas. Hase yeeshee askari kaliyana uma dirin soo qabashada dambiilayaashii afarta muwaadin gawracday ee weliba meydkoodii googoosay.

Reer Awdal, reer Salal iyo dhamaan shicibka dalku midna ilaabi maayaan aamusnaanta u Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ka aamusay dilkii loo geystay afarta haldoor ee reer Awdal/Salal ahaa ee lagu gumaaday dariiqa weyn ee u dhexeeya Hargeysa iyo Boorama.

Urur weynaha ARDAA wuxu aaminsanyahay in dhacdadani 7/11 ay tahay arrin boog ku ah dhamaan shicibka, dimuqraadiyada, iyo karaamada Soomaalilaand loona baahan yahay in fal dambiyedkani qaran (national crime) loo xaliyo si sharciga dalka waafaqsan . Haddii ay dhagari dhacdo waxa yimid fal dambiyeed u baahan in dawlada xilka haysaayi baarto oo ay dambiga ku soo oogto ciddii fulisay, ha noqdeen siyaasiyiin falan amase mooryaan dhiiga shicibka ku mamaye.

Waxa jirtay in 14kii Jeenawari 2010 lagu qabtay magaalada Tog-wajaale eedaysanyaasha kala ah Maxamuud Aw Cabdi (Qarxiye) iyo Cumar Cabdi Amare laguna xidhay jeelka weyn ee Mandheera iyaka oo loo aaneynaayey iney ka mid ahaayeen budhcadii jidgooyada ku laysay afartii muwaaadin ee la dilay 11kii Juulaay 2009. Warar isa soo taraaya oo laga soo xiganaayo ilo wareedyo xogogaal ah ayaa sheegayaa in dawladan cusubi ay labadaa eedeysane sii daysay iyadoo maxkamad anan horkeenin. Haddii ay sii dayntaasi dhabowdo, ha ogaato dawladan cusubi in ay fari ku godan tahay oo dadweynuhu la xisaabtami doono marka ay haboonaato!

Waxan dhamaan dadweynaha, hay’adaha xuquuqda aadamaha u dooda, golayaasha wakiilada iyo guurtida ku boorinaynaa in ay eegaan cawaaqib xumada ay leedahay dhacdadii 7/11 kuna dhiirigeliyaan dawlada, gaar ahaan hay’adaha amniga in ay talaabo cad oo sharciga dalka waafaqsan ka qaadaan cidii fulisay iyo wixii ka dambeeyey dilkaasi foosha xun ee ugubka ku ah dhaqanka bulshadani. Ogaada fulinta sharcigu inuu dan u yahay dhamaan dalka iyo bulshoweyntiisaba.

Eedeysanayaasha fal dambiyeedkan waxaan ugu baaqaynaa iney hay’adaha amniga isku dhiibaan si xeerka dalka waafaqsana iskaga difaacaan eeda loo soo jeediyey. Bulshoweynta reer Gabileyna waxa haboon in haddii ay daafacayaan eedeysanayaasha ku difaacaan sharciga hortiisa ooysan isticmaalin xeerkii Caynaba (xeerka kaymaha). Haddise ay door bidaan in sharciga gacatooda ku qaataan, ha ogaadaan iney noqon doonaan kuwa daloolinaaya doonta Soomaalilaand wada saran tahay.

Urur weynaha ARDAA wuxu hambalyo u dirayaa dhamaan Suldaanada iyo madax-dhaqmeedyada reer Awdal iyo Salal isaga oo ku bogaadinaaya kaalintii firfircoonida iyo geesinimada laheyd ee ay ka qaateen dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay gobolada xilku ka saran yahay ee Awdal iyo Salal. Waxan idin leenahay si xilkasnimo, niyadsami, isku duubnaan iyo dhiiranaani ku jirto ayaad u gudateen masuuliyadii idinka saarneyd shicibka aad hogaanka u tihiin. Ogaada inaad baal dahab ah kaga jirtaan taariikhda dalka, nabad gelyadana uga shaqeeya sidii aad waligiinba uga shaqeyn jirteen.

Ugu dambeyntii, Wasiir Gaboose ha ogaado in Suldaanada iyo madax-dhaqmeedyada Soomaalilaand yihiin xabagta isku haysa beelaha. Taladooda iyo tusaala hooguna yahay ka ay ku soo caana maashay Soomaalilaand labaatankii sano ee u dambeysay. Madax-dhaqmeedyada reer Awdal iyo Salal ee u fududeysanaayo wasiirku waa kuwii doorka dahabka ah ka qaatay dhismihii Soomaalilaand, hadana udub dhexaadka u ah qaranka maanta jira. Waxan Wasiirka uga digaynaa in dhaqankii uu ku soo barbaaray ee ku saleysan ?KAC AAN IS DILNEE? u keeno Soomaalilaand sababta oo ah dhulkii loo raray dhaqankaasi wuxuu dhaxalsiiyey waxay ka muuqata Xamar iyo isha ku taalla walaalaheena koonfureed.

Ururka ?ARDAA?
e-mail: info@ardaa.org
10/11/2010

Ururka ARDAA waa urur dalad guud ah, kuna saleysan habka bulshada (community-based), isla markaana samafal ah. Waxa Lagu asaasay Waqooyiga Mareykanka sanadkii 2007 si ay taageero ugu fidiyaan mashaariicda horumarineed ee dhaqan-daqaale ee gobalada ADAL iyaka oo mideynaaya muruq iyo maalba, una fidinaaya tababar, wacyigeliyaana, horena u mariyaana hogaankooda iyo iney u doodaan xuquuqdooda aadamaninimo.

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player