Qayldhaanta Suldaanku, Qurbajooga ma toosin By Bashir Goth, Sept. 08, 2010

Qayldhaanta Suldaanku, Qurbajooga ma toosin

Ka dib markii aan akhriyey qaylo-dhaantii uu Suldaan Saleebaan Cali oo ka mid ah madax dhaqameedka ugu waaweyn G/Awdal uu u jeediyey Madaxda Somaliland kuna tilmaamay in  xaaladda dhaqaale ee Gobolada Awdal iyo Salal ay tahay mid naxdin leh, ayaan tiriyey tixdan gaaban ee soo socota oo aan ku baraarujinayo qurbajooga Reer Awdal iyo Salal oo wax weyn ka tari kara baahida Suldaanku ka qayliyey haddii gacmaha la is qabsado.Hase yeeshee waxan jecelahay in aan tixda ka horreysiiyo eryo aan ka soo qaatay warkii Suldaan Saleebaan uu saxaafadda u sheegay aniga oo ka soo xigtay Awdalpress: 

 “Waxaan ka hadlaya G/Awdal iyo salal dhibaatooyinka yaal.Waxaanan kala hadlayaa madaxda sare ee dalka ee ay ugu horreeyaan Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici, Waxaan rabaa in aan arrimo badan oo aan dawladihii horeba kala hadli jirnay, oo aan ku soo daalay aan idinka codsano in aad wax ka qabataan, Arrimahaas oo ah dadka ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal waxay yihiin dad faqiir ah oo aan baayac mushtar lahayn, waxa intaas dheer beerihii oo aan bixin, wadooyinku way ka xun yihiin oo malaha wado laga soo galo iyo mid laga baxo oo hagaagsan, Maddaarada waxba kama soo degaan oo way xidhan yihiin, badda wax ka yimaaddaa ma jiraan.

“Codsigaas waxaan leenahay goboladaas garba duubka halaga furo, arrintaas oo aan muddo badan ku qaylinay, waxna halala qabto oo wixii yar ee baayacmushtara ee jira cashuur dhaaf ha loo sameeyo, ta kale Dugsiyada iyo Jaamacadahana fiida ha laga daayo, dawladuna ha xilqaado arinkaa.

“Waxaan intaas raacinayaa gobolku dad badan oo waxbartay ayuu leeyahay dadkaasi si cadaalada shaqooyinka ha uga qayb galaan, waxaan ahay oday dhaqameed ma ihi siyaasi waxaana igu waajiba in aan baahiyaha dadka ee jira kolba sheegno, waxaanan leehay oo aan soo jeedinayaa in dadkaas loo soo gurmado oo loo furo kaamam wax lagu siiyo, caalamkana loogu qaylyo, si degdeg ahna loogu soo gurmado. Intaas ayaan u soo jeedinayaa madaxda sharafta leh.”

Tixdii Qayldhaanta Suldaanka  oo ay yeedhmadii Suldaanka iga keentayna waa tan:

Qayldhaanta Suldaanku

Qurbajooga ma toosin

Dhibta uu ku qalooday

Damiirkooga ma qoomi

Ma qaniini naftooda

Qorfayaasha dhulkooda

Ma ka qaydi dariiqyo

Qoorriga iyo baddooda

Deked may u qorshayni

Dadka quustu haleeshay

Uu ka qaylyey suldaanku

Gurmad loogu qalqaasho

Laga quudsho dhallaanka

                ***

Qadhqadhiid lagu siiyiyo

Qaadhaan meel kuma geeyoo

Kaama biiyo qammuuntee

                *

Qumbo aanad ku daalin

Oo  inkastood qudha siiso

Kol lagaa qaban doono

Qadaad looguma seexdee

                *

Maskaxdaa la qotaa

Talaa laysku qodbaaa

Hoggaan loo qotonshaa

Wanaag loo qummiyaa

Markaad hawsha qormayso

Qabno waa dhididkaaga

Waxaad qaalmo ka keento

Qaadirna kuugu gargaaro.

-          Bashir Goth, Sept. 08, 2010

-          Email:  bsogoth@yahoo.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player