Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta soo saaray Digreeto uu ku Magacaabay Agaasimaha Guud Baanka Dhexe ee JSL.
Waxaanu Madaxweynuhu Yidhi :-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad xarafka (Kh) ee Distoorka Qaranka,
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda uu Baanka Dhexe u leeyahay Dhismaha Qaranka,
Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee JSL.
Markaan Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markaan ku qancay: in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Waxaan go’aansaday
In Mudane, Cabdillaahi Xasan Aadan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe (Centeral Bank) ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
















Posted in 





